Surah Al-Hijr in Soomaaliga

سورة الحجر

Meccan Verses: 99 Juz 14 Page 262 Revelation order: 54

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ وَقُرۡءَانࣲ مُّبِينࣲ ١

Xarfaha hore waa la soo sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad. (1)

رُّبَمَا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡ كَانُواْ مُسۡلِمِينَ ٢

Wax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii). (2)

ذَرۡهُمۡ يَأۡكُلُواْ وَيَتَمَتَّعُواْ وَيُلۡهِهِمُ ٱلۡأَمَلُۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ ٣

ka tag ha cuneen hana raaxasyteene Hana Shuqliso yididiilo way ogaan doonaane, (3)

وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابࣱ مَّعۡلُومࣱ ٤

Magaalo la halaago oo kasta waxaa u sugnaaday Wakhti la yaqaanno. (4)

مَّا تَسۡبِقُ مِنۡ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ ٥

Kamana hor marto umadi Ajasheeda (wakhtigeeda) Kamana dib marto. (5)

وَقَالُواْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِي نُزِّلَ عَلَيۡهِ ٱلذِّكۡرُ إِنَّكَ لَمَجۡنُونࣱ ٦

Waxay dhaheen kan Quraanka lagu soo dejiyayow Adugu waad waalantahay. (6)

لَّوۡمَا تَأۡتِينَا بِٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ ٧

Maad malaa'ig noo keentid haddaad run Sheegi. (7)

مَا نُنَزِّلُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَمَا كَانُوٓاْ إِذࣰا مُّنظَرِينَ ٨

Umana soo Dehinno Malaa'igta xaq mooyee lamana sugeen Gaalada (markaas). (8)

إِنَّا نَحۡنُ نَزَّلۡنَا ٱلذِّكۡرَ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ ٩

Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri. (9)

وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ فِي شِيَعِ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٠

waxaan u dirray hortaa (rasuullo) Ummadihii hore. (10)

وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ ١١

Rasuul kasta oo u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa. (11)

كَذَٰلِكَ نَسۡلُكُهُۥ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ ١٢

saasaana u galinaa (Gaalnimada) quluubta dambiilayaasha. (12)

لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ وَقَدۡ خَلَتۡ سُنَّةُ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٣

mana rumeeyaan Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey. (13)

وَلَوۡ فَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَابࣰا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَظَلُّواْ فِيهِ يَعۡرُجُونَ ١٤

haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora (14)

لَقَالُوٓاْ إِنَّمَا سُكِّرَتۡ أَبۡصَٰرُنَا بَلۡ نَحۡنُ قَوۡمࣱ مَّسۡحُورُونَ ١٥

waxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray. (15)

وَلَقَدۡ جَعَلۡنَا فِي ٱلسَّمَآءِ بُرُوجࣰا وَزَيَّنَّٰهَا لِلنَّٰظِرِينَ ١٦

waxaan yeellay samada buruuj (Meelo) waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi). (16)

وَحَفِظۡنَٰهَا مِن كُلِّ شَيۡطَٰنࣲ رَّجِيمٍ ١٧

waxaana ka dhawray shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis. (17)

إِلَّا مَنِ ٱسۡتَرَقَ ٱلسَّمۡعَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابࣱ مُّبِينࣱ ١٨

mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee. (18)

وَٱلۡأَرۡضَ مَدَدۡنَٰهَا وَأَلۡقَيۡنَا فِيهَا رَوَٰسِيَ وَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ شَيۡءࣲ مَّوۡزُونࣲ ١٩

dhulkana waan fidinay waxaana ku ridnay «sugnay» dhexdeeda Buuro, waxaana ka soo bixinay wax kasta oo Miisaaman. (19)

وَجَعَلۡنَا لَكُمۡ فِيهَا مَعَٰيِشَ وَمَن لَّسۡتُمۡ لَهُۥ بِرَٰزِقِينَ ٢٠

waxaana idiinka yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin. (20)

وَإِن مِّن شَيۡءٍ إِلَّا عِندَنَا خَزَآئِنُهُۥ وَمَا نُنَزِّلُهُۥٓ إِلَّا بِقَدَرࣲ مَّعۡلُومࣲ ٢١

waxaan agtanada khasnadihiisu «kaydkiisu» ahayn ma jiro, umana soo dejinno qaddar la ogyahay mooyee. (21)

وَأَرۡسَلۡنَا ٱلرِّيَٰحَ لَوَٰقِحَ فَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءࣰ فَأَسۡقَيۡنَٰكُمُوهُ وَمَآ أَنتُمۡ لَهُۥ بِخَٰزِنِينَ ٢٢

waxaana dirnaa dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda). (22)

وَإِنَّا لَنَحۡنُ نُحۡيِۦ وَنُمِيتُ وَنَحۡنُ ٱلۡوَٰرِثُونَ ٢٣

annagaa wax looleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun (u hadha). (23)

وَلَقَدۡ عَلِمۡنَا ٱلۡمُسۡتَقۡدِمِينَ مِنكُمۡ وَلَقَدۡ عَلِمۡنَا ٱلۡمُسۡتَـٔۡخِرِينَ ٢٤

waxaana ognahay kuwiinna hor maray waxaana ognahay kuwiina dib maray. (24)

وَإِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَحۡشُرُهُمۡۚ إِنَّهُۥ حَكِيمٌ عَلِيمࣱ ٢٥

Eebahaana isagaa soo kulmin dadka waana falsame oge ah. (25)

وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن صَلۡصَٰلࣲ مِّنۡ حَمَإࣲ مَّسۡنُونࣲ ٢٦

annagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon. (26)

وَٱلۡجَآنَّ خَلَقۡنَٰهُ مِن قَبۡلُ مِن نَّارِ ٱلسَّمُومِ ٢٧

Jaankana (Jinniga) waxaan ka abuuray mar hore Naar samuum leh (Kulayl). (27)

وَإِذۡ قَالَ رَبُّكَ لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِنِّي خَٰلِقُۢ بَشَرࣰا مِّن صَلۡصَٰلࣲ مِّنۡ حَمَإࣲ مَّسۡنُونࣲ ٢٨

Xusuuso markuu ku yidhi Eebahaa malaa'igta Anugu waxaan ka abuuri Dad dhoobo doorsoon. (28)

فَإِذَا سَوَّيۡتُهُۥ وَنَفَخۡتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُواْ لَهُۥ سَٰجِدِينَ ٢٩

Ee markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa Ruuxdayda ugu dhaca Sujuud. (29)

فَسَجَدَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ كُلُّهُمۡ أَجۡمَعُونَ ٣٠

wayna Sujuudeen malaa'igtii dhammaan oo Kulansan. (30)

إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰٓ أَن يَكُونَ مَعَ ٱلسَّٰجِدِينَ ٣١

Ibliis oo diiday inuu ka mid noqdo kuwa Sujuuday mooyee. (31)

قَالَ يَٰٓإِبۡلِيسُ مَا لَكَ أَلَّا تَكُونَ مَعَ ٱلسَّٰجِدِينَ ٣٢

Wuxuuna yidhi (Eebe) Ibliisow maxaad leedahay oodan u noqonin kuwa Sujuuda. (32)

قَالَ لَمۡ أَكُن لِّأَسۡجُدَ لِبَشَرٍ خَلَقۡتَهُۥ مِن صَلۡصَٰلࣲ مِّنۡ حَمَإࣲ مَّسۡنُونࣲ ٣٣

Wuxuuna yidhi ma ihi Mid u sujuudi dad aad ka Abuurtay Dhoobo doorsoon. (33)

قَالَ فَٱخۡرُجۡ مِنۡهَا فَإِنَّكَ رَجِيمࣱ ٣٤

Wuxuuna yidhi Eebe ka bax xageeda adigu waa lagu fogeeyaye. (34)

وَإِنَّ عَلَيۡكَ ٱللَّعۡنَةَ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلدِّينِ ٣٥

Korkaagana waxaa ah Lacnad tan iyo Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada). (35)

قَالَ رَبِّ فَأَنظِرۡنِيٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ ٣٦

Wuxuuna yidhi Eebow i sug tan iyo maalinta La soo bixin dadka. (36)

قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلۡمُنظَرِينَ ٣٧

Wuxuuna yidhi Eebe Adugu kuwa la sugi Yaad ka mid tahay. (37)

إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡوَقۡتِ ٱلۡمَعۡلُومِ ٣٨

Tan iyo maalinta Wakhtiga la yaqaan leh. (38)

قَالَ رَبِّ بِمَآ أَغۡوَيۡتَنِي لَأُزَيِّنَنَّ لَهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَأُغۡوِيَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٣٩

Wuxuuna yidhi Ibliis Eebow i baadiyayntaada Darteed waxaan u Qurxin dhulka Dhexdiisa waana Dhumin dhammaan. (39)

إِلَّا عِبَادَكَ مِنۡهُمُ ٱلۡمُخۡلَصِينَ ٤٠

Addoomadaada cibaadada kuu kali Yeelay mooyee (lana doortay). (40)

قَالَ هَٰذَا صِرَٰطٌ عَلَيَّ مُسۡتَقِيمٌ ٤١

Eebe wuxuu yidhi kaasi waa Jid igu toosan (oo layska abaal marin). (41)

إِنَّ عِبَادِي لَيۡسَ لَكَ عَلَيۡهِمۡ سُلۡطَٰنٌ إِلَّا مَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡغَاوِينَ ٤٢

Addoomadayda (toosan) Kuma lihid xujo Cid Ku raacday oo kuwa Baadida ah ka mida Mooyee. (42)

وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمَوۡعِدُهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٤٣

Jahanamaana yaboohoodu yahay (inta dhunta) Dhammaan. (43)

لَهَا سَبۡعَةُ أَبۡوَٰبࣲ لِّكُلِّ بَابࣲ مِّنۡهُمۡ جُزۡءࣱ مَّقۡسُومٌ ٤٤

Waxayna leedahay todoba irridood oo irrid Kastana waxay leedahay Qaddar loo qaybiyay (oo Ibliis iyo Colkiisa ah). (44)

إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتࣲ وَعُيُونٍ ٤٥

kuwa Eebe ka dhawrsadana waxay gali Janooyin iyo Ilo (durduri). (45)

ٱدۡخُلُوهَا بِسَلَٰمٍ ءَامِنِينَ ٤٦

waxaana la dhahaa ku gala Nabad galyo iyo Aaminimo. (46)

وَنَزَعۡنَا مَا فِي صُدُورِهِم مِّنۡ غِلٍّ إِخۡوَٰنًا عَلَىٰ سُرُرࣲ مُّتَقَٰبِلِينَ ٤٧

waxaana ka siibnaa waxa laabtooda ku jira oo xiqdi ah, waana walaalo sariira isqaabilsan ku sugan. (47)

لَا يَمَسُّهُمۡ فِيهَا نَصَبࣱ وَمَا هُم مِّنۡهَا بِمُخۡرَجِينَ ٤٨

kumana taabto jannada dhesdeeda dhib xageedana lagama Bixiyo. (48)

۞ نَبِّئۡ عِبَادِيٓ أَنِّيٓ أَنَا ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ ٤٩

U warran addomadayda inaan anugu Dambi dhaafe Naxariista ahay, (49)

وَأَنَّ عَذَابِي هُوَ ٱلۡعَذَابُ ٱلۡأَلِيمُ ٥٠

iyo in Cadaabkaygu uu yahay Cadaabka daran uun. (50)

وَنَبِّئۡهُمۡ عَن ضَيۡفِ إِبۡرَٰهِيمَ ٥١

Ugana waran dadka Martidii (Malaa'ig) Nabi Ibraahim. (51)

إِذۡ دَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَقَالُواْ سَلَٰمࣰا قَالَ إِنَّا مِنكُمۡ وَجِلُونَ ٥٢

Markay u soo galeen kuna Dhaheen salaan Kuna yidhi waanu idinka cabsan. (52)

قَالُواْ لَا تَوۡجَلۡ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ عَلِيمࣲ ٥٣

ooy Dhaheena ha cabsan Waxaanu kuugu Bishaarayn Wiil cilmi yeelane. (53)

قَالَ أَبَشَّرۡتُمُونِي عَلَىٰٓ أَن مَّسَّنِيَ ٱلۡكِبَرُ فَبِمَ تُبَشِّرُونَ ٥٤

Wuxuuna ku yidhi Ma waxaad ii bishaaraynaysaan Anoo odaynimo Itaabatay, Maxaad iigu Bishaaraynaysaan. (54)

قَالُواْ بَشَّرۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلۡقَٰنِطِينَ ٥٥

Waxayna dhaheen waxaanu Kuugu Bishaarayn Xaq ee ha noqonin Mid quusta. (55)

قَالَ وَمَن يَقۡنَطُ مِن رَّحۡمَةِ رَبِّهِۦٓ إِلَّا ٱلضَّآلُّونَ ٥٦

Wuxuuna yidhi yaa ka Quusta Naxariista Eebihiis kuwa Baadida ah mooyee. (56)

قَالَ فَمَا خَطۡبُكُمۡ أَيُّهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ ٥٧

Wuxuu yidhi Xaalkiinnu muxuu yahay Kuwan la Soo dirayaw. (57)

قَالُوٓاْ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمࣲ مُّجۡرِمِينَ ٥٨

Waxayna dhaheen waxaa naloo Diray Qoom Danbiilayaal ah xagood. (58)

إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ إِنَّا لَمُنَجُّوهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٥٩

Ehelka (nabi) Luudh mooyee oo Waanu korin Dhammaantood. (59)

إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ قَدَّرۡنَآ إِنَّهَا لَمِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ ٦٠

Haweenaydiisa mooyee oo noqon Kuwa ku Hadhi (Halaagga). (60)

فَلَمَّا جَآءَ ءَالَ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلُونَ ٦١

Markay u yimaadeen Ehelki nabi Luudh kuwii La soo diray. (61)

قَالَ إِنَّكُمۡ قَوۡمࣱ مُّنكَرُونَ ٦٢

Wuxuu yidhi Idinku waxaad Tihiin Qoom aan la Garanaynin. (62)

قَالُواْ بَلۡ جِئۡنَٰكَ بِمَا كَانُواْ فِيهِ يَمۡتَرُونَ ٦٣

Waxayna dhaheen saas ma aha ee Waxaannu kuula Nimid waxay Shakisanaayeen (Halaagoodii). (63)

وَأَتَيۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ ٦٤

Waxaana kuula nimid Xaq, runna waan sheegaynaa. (64)

فَأَسۡرِ بِأَهۡلِكَ بِقِطۡعࣲ مِّنَ ٱلَّيۡلِ وَٱتَّبِعۡ أَدۡبَٰرَهُمۡ وَلَا يَلۡتَفِتۡ مِنكُمۡ أَحَدࣱ وَٱمۡضُواْ حَيۡثُ تُؤۡمَرُونَ ٦٥

Ee guuri Ehelkaaga qayb Habeenka ka mida Socona Gadaashooda yayna soo Milicsan Ruux ka Mida (Dib) kuna socda meeja Laydin Faray. (65)

وَقَضَيۡنَآ إِلَيۡهِ ذَٰلِكَ ٱلۡأَمۡرَ أَنَّ دَابِرَ هَٰٓؤُلَآءِ مَقۡطُوعࣱ مُّصۡبِحِينَ ٦٦

Waxaana u waxayoonay Amarkaas ah in Cidhibta Kuwaas la goyn Subaxdii. (66)

وَجَآءَ أَهۡلُ ٱلۡمَدِينَةِ يَسۡتَبۡشِرُونَ ٦٧

Waxaana yimid dadkii Baladka oo bishaaraysan (aragga martida). (67)

قَالَ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ ضَيۡفِي فَلَا تَفۡضَحُونِ ٦٨

Wuxuuna yidhi kuwan waa Martidaydii ee Ha igu ceebaynina. (68)

وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُخۡزُونِ ٦٩

kana dhawrsada Eebe hana i dullaynina. (69)

قَالُوٓاْ أَوَلَمۡ نَنۡهَكَ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٧٠

Waxayna dhaheen Miyaanaan kaa Reebin Caalamka (imaad marti galido cidna). (70)

قَالَ هَٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِيٓ إِن كُنتُمۡ فَٰعِلِينَ ٧١

wuxuuna yidhi Kuwaasi waa gabdhahaygii Iladaad wax Falaysaan (ood guursanaysaan). (71)

لَعَمۡرُكَ إِنَّهُمۡ لَفِي سَكۡرَتِهِمۡ يَعۡمَهُونَ ٧٢

Cimrigaagee iyagu Baadibay ku Wareersan Yihiin. (72)

فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ مُشۡرِقِينَ ٧٣

Waxaana qabatay Qayladii qorrax soo baxa. (73)

فَجَعَلۡنَا عَٰلِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ حِجَارَةࣰ مِّن سِجِّيلٍ ٧٤

Waxaana ka yeellay korkoodii hoostooda Waxaana ku soo daadinnay Korkooda Dhagaxyo Naar ah. (74)

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتࣲ لِّلۡمُتَوَسِّمِينَ ٧٥

Arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan Kuwa Fiirfiiriya (Fikira). (75)

وَإِنَّهَا لَبِسَبِيلࣲ مُّقِيمٍ ٧٦

Waxayna kutaal Magaaladaas waddo toosan (oy maraan oo cad). (76)

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةࣰ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ ٧٧

Arrintaasna calaamad yaa ugu sugan kuwa Xaqa rumeeyay. (77)

وَإِن كَانَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأَيۡكَةِ لَظَٰلِمِينَ ٧٨

Waxayna ahaayeen Qoomkii kaynta Daalimiin (Qoomkii Nabi Shucayb). (78)

فَٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡ وَإِنَّهُمَا لَبِإِمَامࣲ مُّبِينࣲ ٧٩

Waana ka aarsanay, waxayna labaduba degenaayeen Waddo cad (oo la yaqaanno). (79)

وَلَقَدۡ كَذَّبَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡحِجۡرِ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ٨٠

Waxayna beeniyeen Qoomkii Xijrina kuwii Loo soo diray (Saalax). (80)

وَءَاتَيۡنَٰهُمۡ ءَايَٰتِنَا فَكَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ ٨١

Waana siinay Aayaadkanagii waxayna ahaayeen Kuwa xageeda ka jeedsada. (81)

وَكَانُواْ يَنۡحِتُونَ مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتًا ءَامِنِينَ ٨٢

Waxaana ahaayeen kuwo ka qota Buuraha Guryo aamina. (82)

فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ مُصۡبِحِينَ ٨٣

Waxaana qabatay Qaylo Aroortii. (83)

فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ ٨٤

Waxna uma tarin waxay Kasbanayeen. (84)

وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۗ وَإِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَأٓتِيَةࣱۖ فَٱصۡفَحِ ٱلصَّفۡحَ ٱلۡجَمِيلَ ٨٥

Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeyana waxaan Xaq ahayn umaanan abuurin Saacaduna way iman ee iska saamax saamixid quruxsan. (85)

إِنَّ رَبَّكَ هُوَ ٱلۡخَلَّٰقُ ٱلۡعَلِيمُ ٨٦

Eebahaabaa ah abuuraha cilmiga lehe. (86)

وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَٰكَ سَبۡعࣰا مِّنَ ٱلۡمَثَانِي وَٱلۡقُرۡءَانَ ٱلۡعَظِيمَ ٨٧

waxaan ku siinay Todobo soo noqnoqota «faataxada» iyo Quraanka wayn. (87)

لَا تَمُدَّنَّ عَيۡنَيۡكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجࣰا مِّنۡهُمۡ وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَٱخۡفِضۡ جَنَاحَكَ لِلۡمُؤۡمِنِينَ ٨٨

ee ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaybo ka mida. hana u murugoon una raarici (Jilci) garabkaaga (macaamiladooda) Mu'miniinta. (88)

وَقُلۡ إِنِّيٓ أَنَا ٱلنَّذِيرُ ٱلۡمُبِينُ ٨٩

waxaadna dhahdaa anugu waxaan uun ahay u dige cad. (89)

كَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَى ٱلۡمُقۡتَسِمِينَ ٩٠

sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday (Dhibka xaqa). (90)

ٱلَّذِينَ جَعَلُواْ ٱلۡقُرۡءَانَ عِضِينَ ٩١

ee kayeelay Quraanka Qaybo. (91)

فَوَرَبِّكَ لَنَسۡـَٔلَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٩٢

Eebahaa baan ku dhaartaye waan warsanaynaa dhammaantood. (92)

عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٩٣

waxay falayeen. (93)

فَٱصۡدَعۡ بِمَا تُؤۡمَرُ وَأَعۡرِضۡ عَنِ ٱلۡمُشۡرِكِينَ ٩٤

ee Muuji waxa lagu fari iskagana jeedso Mushrikiinta. (94)

إِنَّا كَفَيۡنَٰكَ ٱلۡمُسۡتَهۡزِءِينَ ٩٥

anagaa kaa kaafiyeyna kuwa jeesjeesa. (95)

ٱلَّذِينَ يَجۡعَلُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ ٩٦

ee yeela Eebe Miciisa Ilaah kale wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca). (96)

وَلَقَدۡ نَعۡلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدۡرُكَ بِمَا يَقُولُونَ ٩٧

waxaana ognahay Laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay sheegi (oo xun). (97)

فَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ ٱلسَّٰجِدِينَ ٩٨

ee ku Tasbiixso mahadda Eebahaa ahawna kuwa Sujuuda. (98)

وَٱعۡبُدۡ رَبَّكَ حَتَّىٰ يَأۡتِيَكَ ٱلۡيَقِينُ ٩٩

Caabudna Eebahaa intay Yaqiintu kaaga timaaddo (Geeridu). (99)

Other translations of this surah

Tafsir of this surah in Arabic Soomaaliga translation

Surahs

1 Al-Fatihah 7 verses · Meccan Juz 1 · Revealed 5 الفاتحة 2 Al-Baqarah 286 verses · Medinan Juz 1 · Revealed 87 البقرة 3 Al-Imran 200 verses · Medinan Juz 3 · Revealed 89 آل عمران 4 An-Nisa' 176 verses · Medinan Juz 4 · Revealed 92 النساء 5 Al-Ma'idah 120 verses · Medinan Juz 6 · Revealed 112 المائدة 6 Al-An'am 165 verses · Meccan Juz 7 · Revealed 55 الأنعام 7 Al-A'raf 206 verses · Meccan Juz 8 · Revealed 39 الأعراف 8 Al-Anfal 75 verses · Medinan Juz 9 · Revealed 88 الأنفال 9 At-Taubah 129 verses · Medinan Juz 10 · Revealed 113 التوبة 10 Yunus 109 verses · Meccan Juz 11 · Revealed 51 يونس 11 Hood 123 verses · Meccan Juz 11 · Revealed 52 هود 12 Yusuf 111 verses · Meccan Juz 12 · Revealed 53 يوسف 13 Ar-Ra'd 43 verses · Medinan Juz 13 · Revealed 96 الرعد 14 Ibrahim 52 verses · Meccan Juz 13 · Revealed 72 إبراهيم 15 Al-Hijr 99 verses · Meccan Juz 14 · Revealed 54 الحجر 16 An-Nahl 128 verses · Meccan Juz 14 · Revealed 70 النحل 17 Al-Isra 111 verses · Meccan Juz 15 · Revealed 50 الإسراء 18 Al-Kahf 110 verses · Meccan Juz 15 · Revealed 69 الكهف 19 Maryam 98 verses · Meccan Juz 16 · Revealed 44 مريم 20 Ta­Ha 135 verses · Meccan Juz 16 · Revealed 45 طه 21 Al-Anbiya' 112 verses · Meccan Juz 17 · Revealed 73 الأنبياء 22 Al-Hajj 78 verses · Medinan Juz 17 · Revealed 103 الحج 23 Al-Mu'minun 118 verses · Meccan Juz 18 · Revealed 74 المؤمنون 24 An-Nur 64 verses · Medinan Juz 18 · Revealed 102 النور 25 Al-Furqan 77 verses · Meccan Juz 18 · Revealed 42 الفرقان 26 Ash-Shu'ara' 227 verses · Meccan Juz 19 · Revealed 47 الشعراء 27 An-Naml 93 verses · Meccan Juz 19 · Revealed 48 النمل 28 Al-Qasas 88 verses · Meccan Juz 20 · Revealed 49 القصص 29 Al-'Ankabut 69 verses · Meccan Juz 20 · Revealed 85 العنكبوت 30 Ar­Room 60 verses · Meccan Juz 21 · Revealed 84 الروم 31 Luqman 34 verses · Meccan Juz 21 · Revealed 57 لقمان 32 As­Sajdah 30 verses · Meccan Juz 21 · Revealed 75 السجدة 33 Al­Ahzab 73 verses · Medinan Juz 21 · Revealed 90 الأحزاب 34 Saba' 54 verses · Meccan Juz 22 · Revealed 58 سبأ 35 Fatir 45 verses · Meccan Juz 22 · Revealed 43 فاطر 36 Ya­Sin 83 verses · Meccan Juz 22 · Revealed 41 يس 37 As-Saffat 182 verses · Meccan Juz 23 · Revealed 56 الصافات 38 Sad 88 verses · Meccan Juz 23 · Revealed 38 ص 39 Az-Zumar 75 verses · Meccan Juz 23 · Revealed 59 الزمر 40 Ghafir 85 verses · Meccan Juz 24 · Revealed 60 غافر 41 Fussilat 54 verses · Meccan Juz 24 · Revealed 61 فصلت 42 Ash-Shura 53 verses · Meccan Juz 25 · Revealed 62 الشورى 43 Az-Zukhruf 89 verses · Meccan Juz 25 · Revealed 63 الزخرف 44 Ad-Dukhan 59 verses · Meccan Juz 25 · Revealed 64 الدخان 45 Al-Jathiya 37 verses · Meccan Juz 25 · Revealed 65 الجاثية 46 Al-Ahqaf 35 verses · Meccan Juz 26 · Revealed 66 الأحقاف 47 Muhammad 38 verses · Medinan Juz 26 · Revealed 96 محمد 48 Al-Fath 29 verses · Medinan Juz 26 · Revealed 111 الفتح 49 Al-Hujurat 18 verses · Medinan Juz 26 · Revealed 106 الحجرات 50 Qaf 45 verses · Meccan Juz 26 · Revealed 34 ق 51 Az-Zariyat 60 verses · Meccan Juz 26 · Revealed 67 الذاريات 52 At-Tur 49 verses · Meccan Juz 27 · Revealed 76 الطور 53 An-Najm 62 verses · Meccan Juz 27 · Revealed 23 النجم 54 Al-Qamar 55 verses · Meccan Juz 27 · Revealed 37 القمر 55 Ar-Rahman 78 verses · Medinan Juz 27 · Revealed 97 الرحمن 56 Al-Waqi'ah 96 verses · Meccan Juz 27 · Revealed 46 الواقعة 57 Al-Hadid 29 verses · Medinan Juz 27 · Revealed 94 الحديد 58 Al-Mujadilah 22 verses · Medinan Juz 28 · Revealed 105 المجادلة 59 Al-Hashr 24 verses · Medinan Juz 28 · Revealed 101 الحشر 60 Al-Mumtahinah 13 verses · Medinan Juz 28 · Revealed 91 الممتحنة 61 As-Saff 14 verses · Medinan Juz 28 · Revealed 109 الصف 62 Al-Jumu'ah 11 verses · Medinan Juz 28 · Revealed 110 الجمعة 63 Al-Munafiqun 11 verses · Medinan Juz 28 · Revealed 104 المنافقون 64 At-Taghabun 18 verses · Medinan Juz 28 · Revealed 108 التغابن 65 At-Talaq 12 verses · Medinan Juz 28 · Revealed 99 الطلاق 66 At-Tahrim 12 verses · Medinan Juz 28 · Revealed 107 التحريم 67 Al-Mulk 30 verses · Meccan Juz 29 · Revealed 77 الملك 68 Al-Qalam 52 verses · Meccan Juz 29 · Revealed 2 القلم 69 Al-Haqqah 52 verses · Meccan Juz 29 · Revealed 87 الحاقة 70 Al-Ma'arij 44 verses · Meccan Juz 29 · Revealed 79 المعارج 71 Nooh 28 verses · Meccan Juz 29 · Revealed 71 نوح 72 Al-Jinn 28 verses · Meccan Juz 29 · Revealed 40 الجن 73 Al-Muzzammil 20 verses · Meccan Juz 29 · Revealed 3 المزمل 74 Al-Muddaththir 56 verses · Meccan Juz 29 · Revealed 4 المدثر 75 Al-Qiyamah 40 verses · Meccan Juz 29 · Revealed 31 القيامة 76 Al-Insan 31 verses · Medinan Juz 29 · Revealed 98 الإنسان 77 Al-Mursalat 50 verses · Meccan Juz 29 · Revealed 33 المرسلات 78 An-Naba' 40 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 80 النبأ 79 An-Nazi'at 46 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 81 النازعات 80 'Abasa 42 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 24 عبس 81 At-Takwir 29 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 7 التكوير 82 Al-Infitar 19 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 82 الإنفطار 83 Al-Mutaffifin 36 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 86 المطففين 84 Al-Inshiqaq 25 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 83 الإنشقاق 85 Al-Buruj 22 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 27 البروج 86 At-Tariq 17 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 36 الطارق 87 Al-A'la 19 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 8 الأعلى 88 Al-Ghashiyah 26 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 68 الغاشية 89 Al-Fajr 30 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 10 الفجر 90 Al-Balad 20 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 35 البلد 91 Ash-Shams 15 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 26 الشمس 92 Al-Lail 21 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 9 الليل 93 Ad-Duha 11 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 11 الضحى 94 Ash-Sharh 8 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 12 الشرح 95 At-Tin 8 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 28 التين 96 Al-'Alaq 19 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 1 العلق 97 Al-Qadr 5 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 25 القدر 98 Al-Baiyinah 8 verses · Medinan Juz 30 · Revealed 100 البينة 99 Az-Zalzalah 8 verses · Medinan Juz 30 · Revealed 93 الزلزلة 100 Al-'Adiyat 11 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 14 العاديات 101 Al-Qari'ah 11 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 30 القارعة 102 At-Takathur 8 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 16 التكاثر 103 Al-'Asr 3 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 13 العصر 104 Al-Humazah 9 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 32 الهمزة 105 Al-Fil 5 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 19 الفيل 106 Quraish 4 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 29 قريش 107 Al-Ma'un 7 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 17 الماعون 108 Al-Kauthar 3 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 15 الكوثر 109 Al-Kafirun 6 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 18 الكافرون 110 An-Nasr 3 verses · Medinan Juz 30 · Revealed 114 النصر 111 Al-Masad 5 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 6 المسد 112 Al-Ikhlas 4 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 22 الإخلاص 113 Al-Falaq 5 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 20 الفلق 114 An-Nas 6 verses · Meccan Juz 30 · Revealed 21 الناس

Reading settings

View
Compare with

Pick up to two more translations to show under each verse.

Arabic size
100%
Translation size
100%
Line spacing
Theme

Verse

Arabic tafsir
Highlight

Highlights stay in this browser and are listed on the bookmarks page. /bookmarks