Turjumaada Suuradda النجم ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﭑﭒﭓ
ﭔ
Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu hoobto. (1)
Verse 2
ﭕﭖﭗﭘﭙ
ﭚ
Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan. (2)
Verse 3
ﭛﭜﭝﭞ
ﭟ
Kumana hadlo hawadiisa. (3)
Verse 4
ﭠﭡﭢﭣﭤ
ﭥ
quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha. (4)
Verse 5
ﭦﭧﭨ
ﭩ
Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil). (5)
Verse 6
ﭪﭫﭬ
ﭭ
Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay. (6)
Verse 7
ﭮﭯﭰ
ﭱ
Wuxuu joogay jihadii sare (Jibriil). (7)
Verse 8
ﭲﭳﭴ
ﭵ
Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga). (8)
Verse 9
ﭶﭷﭸﭹﭺ
ﭻ
Intuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw. (9)
Verse 10
ﭼﭽﭾﭿﮀ
ﮁ
Wuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday. (10)
Verse 11
ﮂﮃﮄﮅﮆ
ﮇ
Qalbiguna Ma beeniyo wuxuu arkay (Nabigu). (11)
Verse 12
ﮈﮉﮊﮋ
ﮌ
Ee ma idinkaa ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay. (12)
Verse 13
ﮍﮎﮏﮐ
ﮑ
Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibrill mar kale. (13)
Verse 14
ﮒﮓﮔ
ﮕ
Sidratul-Muntaha agteeda. (14)
Verse 15
ﮖﮗﮘ
ﮙ
Agteedana waxaa ah Jannatul-ma'waa. (15)
Verse 16
ﮚﮛﮜﮝﮞ
ﮟ
(Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola. (16)
Verse 17
ﮠﮡﮢﮣﮤ
ﮥ
Arragguna kama iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin. (17)
Verse 18
ﮦﮧﮨﮩﮪﮫ
ﮬ
Dhabnimo yuuna u arkay (Nabigu) Aayado Eebe oo waawayn. (18)
Verse 19
ﮭﮮﮯ
ﮰ
Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza. (19)
Verse 20
ﮱﯓﯔ
ﯕ
Iya Manaatadii saddexaad ee kale. (20)
Verse 21
ﯖﯗﯘﯙ
ﯚ
Idinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigga. (21)
Verse 22
ﯛﯜﯝﯞ
ﯟ
Taasi waa qayb dulan ah. (22)
Verse 23
Sanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun. (23)
Verse 24
ﯼﯽﯾﯿ
ﰀ
Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan. (24)
Verse 25
ﰁﰂﰃ
ﰄ
Aakhiro iyo Adduunba Eebaa iska leh. (25)
Verse 26
Badanaa Malag Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu la doono oo ka raalli noqdo. (26)
Verse 27
Kuwa aan rumaynin Aakhiro waxay Malaa'igta ku magacaabi magac dhaddig. (27)
Verse 28
Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun, malana xaqa wax kama taro. (28)
Verse 29
Ee iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn. (29)
Verse 30
Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan. (30)
Verse 31
Samaawaadka iyo Dhulka waxa ku sugan Eebaa iska leh, si uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii wanaagga falay wanaag. (31)
Verse 32
Waana kuwa ka fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku asturantihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda dhawrsashada badane. (32)
Verse 33
ﯢﯣﯤ
ﯥ
Ka warrama midka xaqa ka jeedsaday. (33)
Verse 34
ﯦﯧﯨ
ﯩ
Oo wax yar bixiyay inta kalana reebtay. (34)
Verse 35
ﯪﯫﯬﯭﯮ
ﯯ
Ma agtiisaa cilmiga maqan yaallaa oo wuu arkaa. (35)
Verse 36
Miyaan looga warramin (dadka) wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse). (36)
Verse 37
ﯸﯹﯺ
ﯻ
Iyo kii (Nabi Ibraahimkii) ee oofiyay (wixii lafaray). (37)
Verse 38
ﯼﯽﯾﯿﰀ
ﰁ
Inaan nafna dambi naf kale qaadaynin. (38)
Verse 39
ﰂﰃﰄﰅﰆﰇ
ﰈ
Ruuxna wuxuusan camalfalin heleeynin. (39)
Verse 40
ﰉﰊﰋﰌ
ﰍ
Camalkiisana la arki doono. (40)
Verse 41
ﰎﰏﰐﰑ
ﰒ
Ka dibna looga abaalmarin doono si buuxda. (41)
Verse 42
ﰓﰔﰕﰖ
ﰗ
Eebaa xaggiisana loo ahaan. (42)
Verse 43
ﰘﰙﰚﰛ
ﰜ
Eebe waakan wax ka qosliya kana oohiya. (43)
Verse 44
ﰝﰞﰟﰠ
ﰡ
Isagaana wax dila waxna nooleeya. (44)
Verse 45
ﭑﭒﭓﭔﭕ
ﭖ
Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba. (45)
Verse 46
ﭗﭘﭙﭚ
ﭛ
Kana ahaysiiyay dhibic soo baxday. (46)
Verse 47
ﭜﭝﭞﭟ
ﭠ
Isagaana ahaysiin soo celinta kale. (47)
Verse 48
ﭡﭢﭣﭤ
ﭥ
Eebe isagaa wax Hodmiya isagaana wax faqiiriya. (48)
Verse 49
ﭦﭧﭨﭩ
ﭪ
Waana Eebaha xiddigga Shicra. (49)
Verse 50
ﭫﭬﭭﭮ
ﭯ
Eebe isagaa halaagay Caadkii hore. (50)
Verse 51
ﭰﭱﭲ
ﭳ
Iyo Thamuudba waxna kama reebin. (51)
Verse 52
(Nabi Nuux) Qoomkiisiina horuu (uhalaagay), waxayna ahaayeen kuwa dulmi badan oo xadgudub badan. (52)
Verse 53
ﭿﮀ
ﮁ
Qoomkii (Nabi Luudhna) wuu riday (Eebe). (53)
Verse 54
ﮂﮃﮄ
ﮅ
Wuxuuna ka daboolay wuxuu ku daboolay (oo caddibaad ah). (54)
Verse 55
ﮆﮇﮈﮉ
ﮊ
Teebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow. (55)
Verse 56
ﮋﮌﮍﮎﮏ
ﮐ
Kan (Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah digayaashii hore. (56)
Verse 57
ﮑﮒ
ﮓ
Wayna dhawaatay Saacaddii Qiyaame. (57)
Verse 58
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
ﮚ
Wax Eebe ka soo hadhay oo ogna ma jiro (markay dhici). (58)
Verse 59
ﮛﮜﮝﮞ
ﮟ
Ma quraankanaad la yaabantihiin. (59)
Verse 60
ﮠﮡﮢ
ﮣ
Ood qoslaysaan (idinkoo beenin) oydaanna ooyeynin (cabsi darteed). (60)
Verse 61
ﮤﮥ
ﮦ
Idinkoo waliba hilmaansan (islana wayn). (61)
Verse 62
ﮧﮨﮩﮪ
ﮫ
Ee dadow Eebe u sujuuda caabudana. (62)
تقدم القراءة