Turjumaada Suuradda الجن ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
Waxaad Dhahdaa (Nabiyow) waxaa lay waxyooday inay Dhagaysteen Koox Jinni ah (Quraanka) Dheheen waxaan maqallay quraan layaab leh. (1)
Verse 2
Oo ku hanuunin xaqa waana Rumaynay waxaan Eebe cibaada la wadaajinhaynana ma jiro. (2)
Verse 3
Waxaana Sarreeya sharafta Eebeheen, mana yeelan haweenay iyo ilmo midna. (3)
Verse 4
Waxay Ahaayeen kuwannagii xumaa inay ku dhaheen hadallo xadgudub ah Eebe. (4)
Verse 5
Waxaana u Malaynaynay inuusan insi iyo Jini Midna Eebe ku beensheegaynin. (5)
Verse 6
Waxayna ahaayeen kuwo insiga ka mid ah inay Magangalaan kuwo Jinniga ka mida markaasna u kordhiyeen kibir (iyo xad Gudub). (6)
Verse 7
Waxayna jinnigu u maleeyeen sidaad u malayseen inaan Eebe soo Bixinhaynin Ruuxna. (7)
Verse 8
Waxaan Doonnay samada waxaana hellay iyadoo ka buuxda Ilaalin daran iyo danabyo. (8)
Verse 9
Waxaana ahayn kuwo Fadhiista xageeda meelo si aan wax uga dhagaysanno Ruuxiise Dhagaysta hadda wuxuu heli danabyo darban «la kulmi». (9)
Verse 10
Mana ogin inay tahay shar lala Doonay dadka Dhulka ku nool ama Eebohood la Doonay hanuun (iyo khayr). (10)
Verse 11
Waxaa naga mid ah kuwo suuban iyo kuwo kaleba, waxaan nahay kooxa kala duwan. (11)
Verse 12
Waxaanna Ognahay Inaannaan Eebe ku daalinkarin Dhulka Dhexdiisa, kuna Daalinhaynin Cararid. (12)
Verse 13
Markaan Maqallay hanuunkana waan Rumaynay, Ruuxii rumeeya Eebihiisana kama yaabo Nusqaan iyo Dulmi Midna. (13)
Verse 14
Waxaa naga mida Muslimiin iyo Kuwo xadgudbay, Ruuxiise islaama waa mid ku dadaalay hanuun. (14)
Verse 15
ﭝﭞﭟﭠﭡ
ﭢ
Kuwiise xadgudbay waxay ahaan Qoryaha Jahannamo. (15)
Verse 16
Hadday ku toosaan Dadku jidka (wanaagsan) waxaaan ka waraabinlahayn biyo badan. (16) Imtixaan Dartiis, Ruuxii ka Jeedsada Xusidda Eebihiis
Verse 17
Imtixaan Dartiis, Ruuxii ka Jeedsada Xusidda Eebihiis wuxuu galin cadaab daran. (17)
Verse 18
Masaajidda Eebaa iska leh ee ha kula baryina «caabudina» Eeb Cid kale. (18)
Verse 19
Markuu istaagay Addoonkii Eebe (Nabigu) isagoo Caabudi Eebe waxay Jinnigu u dhawaadeen inay korkiisa is dulfuulan. (19)
Verse 20
Waxaad Dhahdaa Nabiyow waxaan uun Caabudi Eebahay lana wadaajinmahayo cidna. (20)
Verse 21
Waxaad dhahdaa idiin ma hanto shar iyo khayr midna. (21)
Verse 22
Waxaad Dhahdaa cidna igama korinayso Eebe, mana helayo isaga ka sakow Magangalyo. (22)
Verse 23
Hase yeeshee waxaan hantaa Gaadhsiinta xaqa Eebe iyo Farriimihiisa, Ruuxiise Eebe Caasiya iyo Rasuulkiisa waxaa u sugnaaday Naarta Jahannama isagoo ku waari Dhexdeeda. (23)
Verse 24
Markay Gaaladu Arkaan waxa loo yaboohi waxay ogaan cidda Gargaarihiisu tabaryaryahay tirana yaryahay. (24)
Verse 25
Waxaad Dhahdaa ma ogi inuu Dhawyahay waxa la idiinku Gooddin ama Eebahay waqti u yeeli. (25)
Verse 26
Eebaa og waxa Maqan, umana muujiyo waxaa maqan Ruuxna. (26)
Verse 27
Marka laga Reebo ciduu ka raalli Noqday oo Rasuulah, Isagoo hor iyo gadaalba ka ilaalin. (27)
Verse 28
Si Eebe u muujiyo inay Gaadhsiiyeen Farriimihii Eebohood, Eebana waa koobay waxa Agtooda ah wayna u tirakoobanyihiin wax walba. (28)
تقدم القراءة