Turjumaada Suuradda يس ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﭬ
ﭭ
(Waxay ku tusin mucjisada Quraanka). (1)
Verse 2
ﭮﭯ
ﭰ
Quraanka xigmada leh yaan ku dhaartaye. (2)
Verse 3
ﭱﭲﭳ
ﭴ
Nabiyoow waxaad ka mid tahay kuwa la diray (Rasuulada). (3)
Verse 4
ﭵﭶﭷ
ﭸ
Jid toosanna waad ku sugan tahay. (4)
Verse 5
ﭹﭺﭻ
ﭼ
Quraankuna waa soo dajinta Eebaha adkaada ee naxariista, (5)
Verse 6
inaad ugu digto qoom aan loo digin Aabayaalkood oo halmaansan. (6)
Verse 7
Dhab ahaanna waxaa ugu waajibay badankoodo (ciqaab) mana rumeeyaan xaqa. (7)
Verse 8
Annagaa yeelay cunahooda Bir waxayna qaban tan iyo gadhka Madaxayna kor u taagi (dhibaato darteed). (8)
Verse 9
Waxaana yeelay hortooda jidaar gadaashoodana jidaar waana indha tiray waxna ma arkaan. (9)
Verse 10
waxaa isku mid ah hadaad u digto iyo hadaadan udigin (marna) ma rumeeyaan. (10)
Verse 11
Waxaad un u digi (ooy anfici digidu) Ruxii raaca Quraanka oo Eebe ka yaaba isagoon arkayn, uguna bishaaree dambi dhaaf iyo ajiir wanaagsan. (11)
Verse 12
Annaagaa nooleyna wixii dhintay, waana qornaa waxay hor marsadeen iyo raaadkoodiiba, wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab muuqda. (12)
Verse 13
Uga yeel tusaale asaxaabtii magaaladii markay uyimaadeen Rasuulladii (loo soo diray). (13)
Verse 14
Markaan u diray xagooda labo, ooy beeniyeen, markaas aan ku xoojinay mid saddexaad, oy dhaheen idinkaa naloo kiin soo diray. (14)
Verse 15
Waxayna dhaheen (gaaladii) idinku ma tihidiin waxaan bashar (dad) nala mid ah ahayn, Eebaha Raxamaan ahna waxba ma soo dajinin, idinkuna waxaan been ahayn masheegaysaan. (15)
Verse 16
ﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
ﭼ
waxay dhaheen (Rasuuladii) Eebahannaa og in naloo kiin soodiray. (16)
Verse 17
ﭽﭾﭿﮀﮁ
ﮂ
Korkannagana ma aha waxaan gaadhsiin cad ahayn. (17)
Verse 18
Waxay dhaheen (gaaladii) waan idin baasaysannay, haddaydaan joogin waan idin dhagaxyeynaynaa, waxaana xagganaga idinka taahan cadaab daran. (18)
Verse 19
Waxay dhaheen Rasuulladii baaskiinu wuu idinla joogi, haddii laydin waaniyo (Miyubaasku idinlajiri) waxaadse tihiin qoon xadgudbay, (19)
Verse 20
Waxaa ka yimid Magaalada dhankeeda fog nin dagdagi (ordi) wuxuuna ku yidhi qoomkayow raaca rasuullada. (20)
Verse 21
Raaca cid aan idin warsanayn ujuuro, oo hanuunsan. (21)
Verse 22
Maxaana u caabudaynin Eebihii i abuuray xagiisana laydiin celin. (22)
Verse 23
Miyaan ka yeelan wax ka soo hadhay ilaahyo hadduu Eebaha Raxmaan ah dhib ila doono ayan wax iitareyn shafeecadoodu waxba, ayana i korinayn. (23)
Verse 24
ﯪﯫﯬﯭﯮ
ﯯ
Markaas waxaan ku sugnaan baadi muuqata (cad). (24)
Verse 25
ﯰﯱﯲﯳ
ﯴ
Anigu waxaan rumeyay Eebehiin ee maqla. (25)
Verse 26
Waxaa lagu yidhi gal jannada wuxuuna yidhi shallaytadaydee qoomkaygii muu ogaado. (26)
Verse 27
Waxa Eebe iigu dambi dhaafay iigana yeelay kuwo la karaameeyey. (27)
Verse 28
Kuma aanaan dajinin qoomkiisii gadaashiis Januud samad ka timid, mana aanaan ku soo dajinin. (28)
Verse 29
Waxaan qaylo Kaliya ahayna laguma halaagin oo markaas ay bakhtiyeen (halaagsameen). (29)
Verse 30
Nidaamo (Qoomamo) yaa u sugmaatay addomada Rasuulkii u yimaadaba waxay ahaadaan kuwo ku jees jeesa. (30)
Verse 31
Miyayna arkeyn intaan halaagnay hortood quruumo, aan xagooda usoo noqonayn. (31)
Verse 32
ﮂﮃﮄﮅﮆﮇ
ﮈ
Dhammaanna waxaa lagu soo kulmin agtannada. (32)
Verse 33
Waxaa calaamo u ah dhulka dhinta (abaarooba) oo noolayno kana soo bixino midho ay wax ka cunaan. (33)
Verse 34
Waxaana yeellay dhexdeeda beero Timir iyo Cinabyo ah, waxaana ka dillaacinay dhexdeeda ilo (Biyo ah). (34)
Verse 35
Si ay u cunaan midhihiisa iyo waxay camal faleen gaemahoodu, miyeyna mahdinaynin Eebe. (35)
Verse 36
Waxaana nasahana Eebaha abuuray noocyada dhamaanteed oo ah waxa dhulka soo dhaliyo iyo naftoodaba iyo wax ayna ogayn. (36)
Verse 37
Waxaaa dadka calaamo ugu filan habeenkaan Maalinta ka soo siibno, oo markaas ay mugdi galaan Dadkii. (37)
Verse 38
Qorraxduna waxay kuorodaa meelay leedahay, taasina waa qadaraadda Eebaha adkaada ee waxwalba og. (38)
Verse 39
Dayaxana waxaan uqadaray (uyeelay) meelo uu ku hoydo intuu ka noqdo sida laan gabowday oo kale. (39)
Verse 40
Qorraxdana uma suurowdo inay haleesho Dayaxa Habeenkana uma suuroowdo inuu maalinta ka hormaro, mid kastana falagiisuu dhex dabaalan. (40)
Verse 41
Waxaa calaamo ugu filan dadka inaan ku xambaaray aabayaalkood Doontii buuxday. (41)
Verse 42
ﭚﭛﭜﭝﭞﭟ
ﭠ
Waxaana uga abuuraynaa iyada oo kale waxay Koraan. (42)
Verse 43
Hadaan doonana waan maansheynaa wax u gargaarana mahelaan lamana koriyo. (43)
Verse 44
ﭫﭬﭭﭮﭯﭰ
ﭱ
Naxariis Eebe iyo uraaxayn tan iyo wakhti mooyee. (44)
Verse 45
Markaa gaalada lagu dhaho ka dhowrsada waxa hortiina ah iyo waxa gadaashiina ah waxaad udhawdihiin in laydiin naxariistee (ma maqlaan). (45)
Verse 46
Aayad kasta oo u timaada oo ka mid ah aayaadka Eebahood way ka jeedsadaan. (46)
Verse 47
Marka lagu dhaho bixiya waxa Eebe idinku arzuqay wax ka mid ah waxay ku dhahaan kuwa gaaloobay kuwii rumeeyay ma waxaan quudinaynaa cid hadduu doono Eebe uu quudin lahaa, waxaan baadi cad ahayna kuma sugnidin. (47)
Verse 48
Waxay odhan gaaladu waa goorma (waqtiguu dhici) yaboohaas (Qiyaamadu) hadaad run sheegaysaan. (48)
Verse 49
Ma sugaayaan (gaaladu) hal qaylo mooyee oo qabanaysa iyagoo doodi. (49)
Verse 50
Mana karaan dardaaran ehelkoodiina uma soo noqdaan. (50)
Verse 51
Suurkaa la afuufi markaasaa dadku qubuurahooda xagga Eebahood uga soo dagdagi. (51)
Verse 52
Iyagooy dhihi gaaladu waan khasaarnaye yaa naga soobixiyey meeshaan jiifnay (qabrigii) taasina waa wixii Eebaha Raxmaan ah yaboohay Rasuulladuna ku run sheegeen. (52)
Verse 53
Waxaan qaylo kaliyo ahayn ma aha, maarkaasaa dhamaantood agtanada lagu soo kulmin. (53)
Verse 54
Maantana (qiyaamada) lagama dulmiyo nafna waxba, laydiin kana abaalmarin maayo waxaad camal falayseen mooyeen. (54)
Verse 55
Asaxaabta Jannada (ehelkeeda) Maantaa waxay ku shuqloonyihiin Nicmo iyo farax. (55)
Verse 56
Iyaga iyo haweenkooduba waxay ku sugnaan hadh, waxayna ku dangiigsanaan sariiro (sare). (56)
Verse 57
ﭡﭢﭣﭤﭥﭦ
ﭧ
Waxayna dhexdeeda ka heli faakihad, waxayna heli waxay dalbaan. (57)
Verse 58
ﭨﭩﭪﭫﭬ
ﭭ
salaan Eebaha Naxariista xagiisa ka timidna way heli. (58)
Verse 59
ﭮﭯﭰﭱ
ﭲ
Soocma maanta danbiilayaalyahow (gaalada). (59)
Verse 60
Miyaanan idinkula ballamin Bani aadamow inaydaan caabudin Shaydaan, illen col muuqda yuu idiin yahay. (60)
Verse 61
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
ﮉ
Ood ani i caabudaan, taasina waa wadada toosan. (61)
Verse 62
Dhab ahaan wuxuu udhumiyay (Shaydaan) xaggiina dad badan, miyaydaan wax kasaynin. (62)
Verse 63
ﮔﮕﮖﮗﮘ
ﮙ
Tanina waa jahannamadii laydiinku yaboohay. (63)
Verse 64
ﮚﮛﮜﮝﮞ
ﮟ
Ee gala Maanta gaalimadinii darteed. (64)
Verse 65
Maanta waxan daboolaynaa afkooda, waxaana nala hadli gacmahooda waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasban jireen. (65)
Verse 66
Haddaan doono waan indha tiraynaa oo markaas ay udag dagaan wadada, sayse u arki. (66)
Verse 67
Hadaan doonana waan doorinaynaa, mana karayaan tagid iyo soo noqosho midna. (67)
Verse 68
Ruuxaan cimri siinno waxaannu ku gadin abuuridda (waannu tabar yarayn) ee miyaydaan wax kasayn. (68)
Verse 69
Maanaan barin Nabiga shicirka, Kumana haboona, waxaan (barna) un waano iyo Quraan cad. (69)
Verse 70
Si uu ugu digo ruuxii nool (xaqa raaci) cadaabna ugu sugnaado Gaalada. (70)
Verse 71
Miyeyna arkaynin inaan uga abuuray waxaan sameynay xoolo ay hantaan. (71)
Verse 72
ﭞﭟﭠﭡﭢﭣ
ﭤ
OOn u laylinay, ooy waxna ka Koraan waxna ku cunaan. (72)
Verse 73
Waxaana ugu sugan manfacado iyo cabid ee miyayna mahdinaynin Eebe. (73)
Verse 74
Waxay ka yeesheen Eebe ka soke ilaahyaal inay u gargaaraan. (74)
Verse 75
Mana karaan gargaarkooda waxayna uyihiin Junuud (askar) kulmisan. (75)
Verse 76
Ee yeyna ku walbahaar galinin hadalkoodu annagaa og waxay qarsan iyo waxay muujinbee. (76)
Verse 77
Miyuusan arag dadku (oo ogayn) Inaan ka abuuray dhibic, markaas uu noqday dood badane cad. (77)
Verse 78
Wuxuuna noo yeelay tusaale wuuna halmaamay abuurkiisa wuxuuna yidhi yaa noolayn lafo baaliyoobay. (78)
Verse 79
Waxaad dhahdaa waxaa noolayn Eebihii ahaysiiyay markii horaba, abuur walbana waa ogyahay. (79)
Verse 80
Eebaha idiinka yeelay geedka cagaaran dab, oo markaas aad hursataan. (80)
Verse 81
Eebaha abuuray Samooyinka iyo dhulka miyuusan karin inuu abuuro isagoo kale, waa karaa, waana abuur badane ogaansho badan. (81)
Verse 82
Amarka Eebena markuu wax inuu abuuro doono waa inuu ku yidhaahdo uun ahaw oo uu ahaado. (82)
Verse 83
Waxaa nasahan (xumaan ka fog) Eebaha awooddiisu ku jirto xukunka wax kasta, xaggiisana laydiinsoo celin. (83)
تقدم القراءة