Turjumaada Suuradda الفجر ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﭤ
ﭥ
Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga. (1)
Verse 2
ﭦﭧ
ﭨ
Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo). (2)
Verse 3
ﭩﭪ
ﭫ
Iyo Tirada siman iyo tan is dheer ( tirada Buuxda Iyo Tirada dhiman). (3)
Verse 4
ﭬﭭﭮ
ﭯ
Iyo Habeenku markuu tagayu. (4)
Verse 5
ﭰﭱﭲﭳﭴﭵ
ﭶ
Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh. (5)
Verse 6
ﭷﭸﭹﭺﭻﭼ
ﭽ
Ma ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad. (6)
Verse 7
ﭾﭿﮀ
ﮁ
Ee ahaa Irama xooggana lahaa. (7)
Verse 8
ﮂﮃﮄﮅﮆﮇ
ﮈ
Wax la mid ahna aan Lugu abuurin dhulka. (8)
Verse 9
ﮉﮊﮋﮌﮍ
ﮎ
Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga. (9)
Verse 10
ﮏﮐﮑ
ﮒ
lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa. (10)
Verse 11
ﮓﮔﮕﮖ
ﮗ
kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka. (11)
Verse 12
ﮘﮙﮚ
ﮛ
Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka. (12)
Verse 13
ﮜﮝﮞﮟﮠ
ﮡ
Markaasaana Eeba ku shubay Caddibaad daran. (13)
Verse 14
ﮢﮣﮤ
ﮥ
Maxaayeelay Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta). (14)
Verse 15
Marka Eebe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani). (15)
Verse 16
Haddiise Eebe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay. (16)
Verse 17
ﯞﯟﯠﯡﯢﯣ
ﯤ
Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka. (17)
Verse 18
ﯥﯦﯧﯨﯩ
ﯪ
Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo. (18)
Verse 19
ﯫﯬﯭﯮ
ﯯ
Waxaadna aad u cuntaan dhaxalka (Cunid ) xaq darro. (19)
Verse 20
ﯰﯱﯲﯳ
ﯴ
Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran. (20)
Verse 21
Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo. (21)
Verse 22
ﯽﯾﯿﰀﰁ
ﰂ
Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo safan. (22)
Verse 23
Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari. (23)
Verse 24
ﭜﭝﭞﭟ
ﭠ
Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado. (24)
Verse 25
ﭡﭢﭣﭤﭥ
ﭦ
Malintaas sida Eebe wax ruux u Cadaabi ma jiro. (25)
Verse 26
ﭧﭨﭩﭪ
ﭫ
Wax sida Eebe wax u xidhina ma jiro. (26)
Verse 27
ﭬﭭﭮ
ﭯ
Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey. (27)
Verse 28
ﭰﭱﭲﭳﭴ
ﭵ
U noqo Eebaha adoo raalli ah lagana raalli noqday. (28)
Verse 29
ﭶﭷﭸ
ﭹ
dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan). (29)
Verse 30
ﭺﭻ
ﭼ
Galna Jannadayda. (30)
تقدم القراءة