Turjumaada Suuradda البينة ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
Ma aha Kuwii Gaaloobay ee ahaa ehlu kitaabka (Yahuud iyo Nasaara) iyo Gaaladii kuwo ka taga (xumaanta) intuu uga yimaaddo wax cad (xuja ah). (1)
Verse 2
ﮤﮥﮦﮧﮨﮩ
ﮪ
Oo ah Rasuul Eebc oo akhriyi Kutub daahir ah. (2)
Verse 3
ﮫﮬﮭ
ﮮ
Oo xukun fiicani ku yaal. (3)
Verse 4
Mona kala tagin Gaalada ehlu Kitaabka ah intuu uga yimaaddo xaq cad (xasad dartiis). (4)
Verse 5
Dadkana waxaan Eebe caabudiddiisa ahayn lama farin iyagoo u kali yeeli Eebe Diinte, toosanna, Salaaddana oogi Zakadana bixin, Saasina waadiinta toosan. (5)
Verse 6
Kuwa Gaaloobay oo ehlu Kitaabka ah iyo Gaaladii waxay gali Naarta Jahannama ayna Ini waari dhexdeeda, kuwaasina waa kuwa ugu sharbadan khalqiga. (6)
Verse 7
Kuwa rumeeyayse xaqa Camalfiicanna falay kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan khalqiga. (7)
Verse 8
Abaalkooda ay Eebe agtiisa ku leeyihiin waa Jannooyin Nagaadi, dhexdeedana ay dureeri Wabiyaal ay kuna waari dhexdeeda waligood, Eebaa ka raalli noqday iyana way ka raali noqdeen, arrintaasna waxay u sugnaatay Ruuxii Eeba ka yaaba. (8)
تقدم القراءة