Turjumaada Suuradda النازعات ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﮢﮣ
ﮤ
Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada). (1)
Verse 2
ﮥﮦ
ﮧ
Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta). (2)
Verse 3
ﮨﮩ
ﮪ
Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin). (3)
Verse 4
ﮫﮬ
ﮭ
Iyo tan u orotanta wanaagga. (4)
Verse 5
ﮮﮯ
ﮰ
Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe). (5)
Verse 6
ﮱﯓﯔ
ﯕ
Maalinta ay gilgilan afuufka (hore). (6)
Verse 7
ﯖﯗ
ﯘ
Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay). (7)
Verse 8
ﯙﯚﯛ
ﯜ
Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan. (8)
Verse 9
ﯝﯞ
ﯟ
Araggeeduna wuu dullaysnaan. (9)
Verse 10
ﯠﯡﯢﯣﯤ
ﯥ
Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii). (10)
Verse 11
ﯦﯧﯨﯩ
ﯪ
Markaan noqonno Lafo duugoobay. (11)
Verse 12
ﯫﯬﯭﯮﯯ
ﯰ
Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah. (12)
Verse 13
ﯱﯲﯳﯴ
ﯵ
Waa uun Hal Qaylo kaliya. (13)
Verse 14
ﯶﯷﯸ
ﯹ
Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman. (14)
Verse 15
ﯺﯻﯼﯽ
ﯾ
Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse. (15)
Verse 16
ﯿﰀﰁﰂﰃﰄ
ﰅ
Markii Eebe uga yeedhay Toggii barakaysnaa ee Dhuwa. (16)
Verse 17
ﭑﭒﭓﭔﭕ
ﭖ
Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye. (17)
Verse 18
ﭗﭘﭙﭚﭛﭜ
ﭝ
Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid. (18)
Verse 19
ﭞﭟﭠﭡ
ﭢ
Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid. (19)
Verse 20
ﭣﭤﭥ
ﭦ
Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn. (20)
Verse 21
ﭧﭨ
ﭩ
Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon). (21)
Verse 22
ﭪﭫﭬ
ﭭ
Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda. (22)
Verse 23
ﭮﭯ
ﭰ
Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay. (23)
Verse 24
ﭱﭲﭳﭴ
ﭵ
Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare. (24)
Verse 25
ﭶﭷﭸﭹﭺ
ﭻ
Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba. (25)
Verse 26
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁ
ﮂ
Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi. (26)
Verse 27
Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay. (27)
Verse 28
ﮋﮌﮍ
ﮎ
Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna. (28)
Verse 29
ﮏﮐﮑﮒ
ﮓ
Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay). (29)
Verse 30
ﮔﮕﮖﮗ
ﮘ
Dhulkana markaas ka dib fidiyay. (30)
Verse 31
ﮙﮚﮛﮜ
ﮝ
Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay. (31)
Verse 32
ﮞﮟ
ﮠ
Buurahana sugay. (32)
Verse 33
ﮡﮢﮣ
ﮤ
Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan. (33)
Verse 34
ﮥﮦﮧﮨ
ﮩ
Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu). (34)
Verse 35
ﮪﮫﮬﮭﮮ
ﮯ
Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen. (35)
Verse 36
ﮰﮱﯓﯔ
ﯕ
Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki. (36)
Verse 37
ﯖﯗﯘ
ﯙ
Ruuxiise xadgudba. (37)
Verse 38
ﯚﯛﯜ
ﯝ
Nolosha Adduunyana doorta. (38)
Verse 39
ﯞﯟﯠﯡ
ﯢ
Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo. (39)
Verse 40
Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun). (40)
Verse 41
ﯭﯮﯯﯰ
ﯱ
Wuxuu u dheelman Janno. (41)
Verse 42
ﯲﯳﯴﯵﯶ
ﯷ
Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan. (42)
Verse 43
ﯸﯹﯺﯻ
ﯼ
Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda. (43)
Verse 44
ﯽﯾﯿ
ﰀ
Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu. (44)
Verse 45
ﰁﰂﰃﰄﰅ
ﰆ
Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi. (45)
Verse 46
Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) iyagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka). (46)
تقدم القراءة