ترجمة سورة الفجر

الترجمة الصومالية
ترجمة معاني سورة الفجر باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية .
من تأليف: الشيخ محمد أحمد عبدي .

Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga. (1)
Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo). (2)
Iyo Tirada siman iyo tan is dheer ( tirada Buuxda Iyo Tirada dhiman). (3)
Iyo Habeenku markuu tagayu. (4)
Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh. (5)
Ma ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad. (6)
Ee ahaa Irama xooggana lahaa. (7)
Wax la mid ahna aan Lugu abuurin dhulka. (8)
Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga. (9)
lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa. (10)
kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka. (11)
Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka. (12)
Markaasaana Eeba ku shubay Caddibaad daran. (13)
Maxaayeelay Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta). (14)
Marka Eebe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani). (15)
Haddiise Eebe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay. (16)
Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka. (17)
Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo. (18)
Waxaadna aad u cuntaan dhaxalka (Cunid ) xaq darro. (19)
Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran. (20)
Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo. (21)
Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo safan. (22)
Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari. (23)
Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado. (24)
Malintaas sida Eebe wax ruux u Cadaabi ma jiro. (25)
Wax sida Eebe wax u xidhina ma jiro. (26)
Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey. (27)
U noqo Eebaha adoo raalli ah lagana raalli noqday. (28)
dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan). (29)
Galna Jannadayda. (30)
Icon