Turjumaada Suuradda الحاقة ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﮯ
ﮰ
Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan). (1)
Verse 2
ﮱﯓ
ﯔ
Xaaqo maxay tahay. (2)
Verse 3
ﯕﯖﯗﯘ
ﯙ
inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada. (3)
Verse 4
ﯚﯛﯜﯝ
ﯞ
Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada. (4)
Verse 5
ﯟﯠﯡﯢ
ﯣ
Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran. (5)
Verse 6
ﯤﯥﯦﯧﯨﯩ
ﯪ
Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow. (6)
Verse 7
o lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay). (7)
Verse 8
ﯼﯽﯾﯿﰀ
ﰁ
wax ka hadhay miyaad aragtaa. (8)
Verse 9
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
ﭗ
Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi). (9)
Verse 10
ﭘﭙﭚﭛﭜﭝ
ﭞ
Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay. (10)
Verse 11
Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii. (11)
Verse 12
ﭧﭨﭩﭪﭫﭬ
ﭭ
si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha. (12)
Verse 13
ﭮﭯﭰﭱﭲﭳ
ﭴ
Marka Suurka la afuufo hal mar. (13)
Verse 14
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺ
ﭻ
Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar. (14)
Verse 15
ﭼﭽﭾ
ﭿ
Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa. (15)
Verse 16
ﮀﮁﮂﮃﮄ
ﮅ
Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan. (16)
Verse 17
Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag. (17)
Verse 18
ﮑﮒﮓﮔﮕﮖ
ﮗ
Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro. (18)
Verse 19
Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga. (19)
Verse 20
ﮢﮣﮤﮥﮦ
ﮧ
Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda. (20)
Verse 21
ﮨﮩﮪﮫ
ﮬ
wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay. (21)
Verse 22
ﮭﮮﮯ
ﮰ
Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa. (22)
Verse 23
ﮱﯓ
ﯔ
Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran). (23)
Verse 24
Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii). (24)
Verse 25
Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga. (25)
Verse 26
ﯩﯪﯫﯬ
ﯭ
Xisaabtaydana maanan ogaanin. (26)
Verse 27
ﯮﯯﯰ
ﯱ
Magaacayba'ee maxaan u soo noolaaday. (27)
Verse 28
ﯲﯳﯴﯵﯶ
ﯷ
Xoolahaygi wax iima tarin. (28)
Verse 29
ﯸﯹﯺ
ﯻ
Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii). (29)
Verse 30
ﯼﯽ
ﯾ
Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira. (30)
Verse 31
ﯿﰀﰁ
ﰂ
Naarta Jahannamada geliya. (31)
Verse 32
Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah. (32)
Verse 33
ﰋﰌﰍﰎﰏﰐ
ﰑ
maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn. (33)
Verse 34
ﰒﰓﰔﰕﰖ
ﰗ
aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo. (34)
Verse 35
ﰘﰙﰚﰛﰜ
ﰝ
Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib. (35)
Verse 36
ﭑﭒﭓﭔﭕ
ﭖ
Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka». (36)
Verse 37
ﭗﭘﭙﭚ
ﭛ
Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada). (37)
Verse 38
ﭜﭝﭞﭟ
ﭠ
Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah). (38)
Verse 39
ﭡﭢﭣ
ﭤ
iyo waxaydaan arkayninba. (39)
Verse 40
ﭥﭦﭧﭨ
ﭩ
ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh. (40)
Verse 41
Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa). (41)
Verse 42
Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan. (42)
Verse 43
ﭻﭼﭽﭾ
ﭿ
(Qur'aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka. (43)
Verse 44
ﮀﮁﮂﮃﮄ
ﮅ
Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed). (44)
Verse 45
ﮆﮇﮈ
ﮉ
Waxaanu ku qaban gacan adag. (45)
Verse 46
ﮊﮋﮌﮍ
ﮎ
Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha. (46)
Verse 47
ﮏﮐﮑﮒﮓﮔ
ﮕ
Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro. (47)
Verse 48
ﮖﮗﮘ
ﮙ
Qur'aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada. (48)
Verse 49
ﮚﮛﮜﮝﮞ
ﮟ
Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka). (49)
Verse 50
ﮠﮡﮢﮣ
ﮤ
Qur'aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame). (50)
Verse 51
ﮥﮦﮧ
ﮨ
Qur'aanka waa run dhab ah. (51)
Verse 52
ﮩﮪﮫﮬ
ﮭ
Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn. (52)
تقدم القراءة