ترجمة معاني سورة الحديد باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation


Eebe waa kan horreeyay, waana kan dambayn, waana kan muuqda (khalqigiisa) awgiis waana kan (Indhaha) ka qarsoon waxwalbana og.

Way u dhawaaqi Mu'miiniinta iyagoo leh miyannaan idinla jirin, Mu'miniintuna waxa ku dhihi haa (waad nala jirteen) laakiin waxaad balayseen Naftiinna, xumaanna waad la sugteen (Nabiga Iyo Mu'miniinta), waadna shakideen waxaana idinku kadisay yididiilo (been ah) Inta amarka Eebe ka yimaaddo (Geerida) waxaana Eebe idinku kadsiiyay Kadiye (Shaydaan).

Ragga wax Sadaqaysta iyo Haweenka wax Sadaqaysta oo Eebana Amaah wanaagsan Amaaahiya (waa Sadaqada) waa loo laablaabi, waxayna leeyihiin Ajri sharaf leh.

Ogaada in nolosha Adduunyadu yahay ciyaar iyo dheeldheel iyo isqurxin iyo isufaan dhexdiinna ah iyo badsi Xoolo iyo Carruur, sida Roobi isjeclayssiyey beertah, wuxuu soo bixiyo, markaasna ingaga ood arki isaga oo doorsoomay noqonna burbur, Aakhirana waxaa jira caddibaad daran iyo dambidhaaf xagga Eebe ka iman iyo raalli ahaansho, nolosha Adduunyana waa raaxo lugu kadsoomi.

Dhab ahaan baan u dirray (nabi) Nuux iyo (nabi) Ibraahim, waxaana yeellay faracooda Nabinnimo iyo Kitaabbo loo soo dajiyay, waxaana ka mid ah kuwa hanuunay, waxbadan oo ka mid ahna waa Faasiqiin.

Markaasaan raacinnay Raadkoodii Rasuulladanadii, waxaana raacinnay Ciise Binu maryama, waxaana siinay Injiil, waxaana yeellay Quluubta kuwii raacay isudanqasho iyo naxariis iyo Ruhbaaniyad (Adduun ka jeedsi) ay iyagu billawdeen oonaan ku faral yeelin, doonidda raalli ahaanshaha Eebe dartiis yayna u faleen, mase ayna ilaalinin ilaalin xaq ah, waxaana siinnay kuwii rumeeyay oo ka mid ah ajrigoodii, wax badan oo ka mid ahna waa faasiqiin.
تقدم القراءة