Turjumaada Suuradda الدّخان ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﭑ
ﭒ
Waannu sheegnay iyadoo kale. (1)
Verse 2
ﭓﭔ
ﭕ
Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cade (Quraanka). (2)
Verse 3
Anagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) anagaana wax u digi. (3)
Verse 4
ﭠﭡﭢﭣﭤ
ﭥ
Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xigmo leh. (4)
Verse 5
Waana amar agtanada ka ahaaday, anagaana wax dirra (Rasuulo). (5)
Verse 6
Naxariis ka ahaater xagga Eebahaa, Eebaana wax maqle ah wax og. (6)
Verse 7
Waana Eebaha samooyiinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad yaqiinsanaysaan. (7)
Verse 8
Ilaahay mooyee Eebe kalane ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebihiina iyo Eebaha Aabbayaalkiinii horreeyey. (8)
Verse 9
ﮍﮎﮏﮐﮑ
ﮒ
Waxayse ku suganyihiin shaki wayna ciyaari. (9)
Verse 10
ﮓﮔﮕﮖﮗﮘ
ﮙ
Ee sug Maalinta uu ku imaan Cirku qiiq muuqda (isagoo ku dheehan). (10)
Verse 11
ﮚﮛﮜﮝﮞﮟ
ﮠ
Oo dabooli Dadka kaasina waa cadaab daran. (11)
Verse 12
ﮡﮢﮣﮤﮥﮦ
ﮧ
Waxayna dheheen Eebow naga fayd cadaabka waxaan nahay Mu'miniine. (12)
Verse 13
Goormay waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda». (13)
Verse 14
ﮰﮱﯓﯔﯕﯖ
ﯗ
Markaasay ka, jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa waxlabare waalan. (14)
Verse 15
Anagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta. (15)
Verse 16
ﯠﯡﯢﯣﯤﯥ
ﯦ
Maalintaan qabanayno qabashada wayn (Qiyaamada) (ama Badar) waanu aarsan. (16)
Verse 17
Dhab ahaanbaan Imtixaanay hortood qoomkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh. (17)
Verse 18
Isagoo dhihi iidhiiba addoomada Eebe (ama maqalka) waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah. (18)
Verse 19
Hana iska wayneynina Eebe waxaan idiin la imid xujo cade. (19)
Verse 20
ﭜﭝﭞﭟﭠﭡ
ﭢ
Waxaana ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin inaad idhagaxyeysaan. (20)
Verse 21
ﭣﭤﭥﭦﭧ
ﭨ
Ee hadaydaan i rumeyn iga fogaada (idaaya). (21)
Verse 22
ﭩﭪﭫﭬﭭﭮ
ﭯ
wuxuuna u qaylyey Eebihiis in kuwaasu yihiin Qoom dambiila yaal ah. (22)
Verse 23
ﭰﭱﭲﭳﭴ
ﭵ
guuri addoomadayda Habeenimo, waa laydin raaciye. (23)
Verse 24
kana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne. (24)
Verse 25
ﭾﭿﮀﮁﮂ
ﮃ
imisey ka tageen Beero iyo Ilo. (25)
Verse 26
ﮄﮅﮆ
ﮇ
iyo Tallaal iyo meel sharaf leh. (26)
Verse 27
ﮈﮉﮊﮋ
ﮌ
iyo Nicmooyin ay ku raaxaysanayeen. (27)
Verse 28
ﮍﮎﮏﮐﮑ
ﮒ
xaalkuna waa saas, waxaana dhaxalsiinay qoom kale. (28)
Verse 29
uma ooyin samada iyo Dhulku korkooda, lamana sugin. (29)
Verse 30
waana ka korinay ree Bani Israa'iil cadaab wax duleeya. (30)
Verse 31
(Fircoombaan ka korinay) wuxuuna ahaa isla weyne xadgudbayaasha ka mid ah. (31)
Verse 32
ﮭﮮﮯﮰﮱﯓ
ﯔ
waxaana ka dooranay (dadkii waqtigoodii) anagoo og. (32)
Verse 33
waxaana siinay aayado imtixaan cad kusuganyahay. (33)
Verse 34
ﯝﯞﯟ
ﯠ
kuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi. (34)
Verse 35
arrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin. (35)
Verse 36
ﯪﯫﯬﯭﯮ
ﯯ
noo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan. (36)
Verse 37
maiyagaa khayr roon mise qoomkii Tubac iyo kuwii ka horreeyey waan halaagnay waxayna ahaayeen dambiilayaal. (37)
Verse 38
Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya umaanaan abuurin ciyaar. (38)
Verse 39
mana aanaan u abuurin wax aan xaq ahayn hasa yeeshee badankood ma oga. (39)
Verse 40
ﭑﭒﭓﭔﭕ
ﭖ
maalinta kala bixinta yaa ballan u ah dhamaan. (40)
Verse 41
waana Maalintaan Qaraabanimo waxba laysugu tarayn laysuna gargaarayn. (41)
Verse 42
cid Eebe u naxariisto mooyee, illeen waa adkaade naxariistee. (42)
Verse 43
ﭫﭬﭭ
ﭮ
Geedka Zaquumka ah. (43)
Verse 44
ﭯﭰ
ﭱ
waa cunnada dambi badanaha. (44)
Verse 45
ﭲﭳﭴﭵ
ﭶ
waana Laami oo kale kuna kari Caloosha. (45)
Verse 46
ﭷﭸ
ﭹ
sida Xamiimka (Kulayl daran) oo kale. (46)
Verse 47
ﭺﭻﭼﭽﭾ
ﭿ
(waxaana lagu dhihi) qabta Gaalka una Jiida Jaximo dhexdeeda. (47)
Verse 48
markaas ku shuba Madaxiisa korkiisa cadaab kulul. (48)
Verse 49
ﮈﮉﮊﮋﮌ
ﮍ
(waxaana lagu dhihi) dhadhami (Cadaabka) waxaad tahay adkaade sharaflehe. (49)
Verse 50
ﮎﮏﮐﮑﮒﮓ
ﮔ
kaasina waa kaad ahaydeen kuwo shakiya (Cadaabka). (50)
Verse 51
ﮕﮖﮗﮘﮙ
ﮚ
kuwa dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah. (51)
Verse 52
ﮛﮜﮝ
ﮞ
Jannooyin iyo Ilo (yey kusugnaan). (52)
Verse 53
ﮟﮠﮡﮢﮣ
ﮤ
waxayna xidhan Xariir jilicsan iyo mid adag (oo dhalaali) wayna is qaabili. (53)
Verse 54
ﮥﮦﮧﮨ
ﮩ
saasoo kale waxaa usugnaaday Haween Indho waaweyn. (54)
Verse 55
ﮪﮫﮬﮭﮮ
ﮯ
waxayna uyeedhan Janada dhexdeeda Khudaar kasa iyagoo aamin ah. (55)
Verse 56
mana ku dhadhamiyaan Jannada dhexdeeda Geeri, Geeridii hore mooyee wuxuuna ka dhawray (Eebe) Cadaabka Jaxiimo. (56)
Verse 57
waana fadliga Eebahaa, taasina waa liibaanta wayn. (57)
Verse 58
ﯦﯧﯨﯩﯪ
ﯫ
waxaan ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan. (58)
Verse 59
ﯬﯭﯮ
ﯯ
ee sug iyaguna way sugiye. (59)
تقدم القراءة