Turjumaada Suuradda الطارق ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﭑﭒ
ﭓ
Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura. (1)
Verse 2
ﭔﭕﭖﭗ
ﭘ
Ma taqaan Xiddigga guura. (2)
Verse 3
ﭙﭚ
ﭛ
Waa Xiddig ifa. (3)
Verse 4
ﭜﭝﭞﭟﭠﭡ
ﭢ
Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag). (4)
Verse 5
ﭣﭤﭥﭦ
ﭧ
Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray. (5)
Verse 6
ﭨﭩﭪﭫ
ﭬ
Waxaa laga abuuray Biyo booda. (6)
Verse 7
ﭭﭮﭯﭰﭱ
ﭲ
Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood. (7)
Verse 8
ﭳﭴﭵﭶ
ﭷ
Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada). (8)
Verse 9
ﭸﭹﭺ
ﭻ
Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon. (9)
Verse 10
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁ
ﮂ
Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna. (10)
Verse 11
ﮃﮄﮅ
ﮆ
Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh. (11)
Verse 12
ﮇﮈﮉ
ﮊ
Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo). (12)
Verse 13
ﮋﮌﮍ
ﮎ
Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta). (13)
Verse 14
ﮏﮐﮑ
ﮒ
Ciyaarra ma aha (ee waa dhab). (14)
Verse 15
ﮓﮔﮕ
ﮖ
Gaaladu waxbay dhakri. (15)
Verse 16
ﮗﮘ
ﮙ
Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin). (16)
Verse 17
ﮚﮛﮜﮝ
ﮞ
Ee u sug Gaalada wax yar. (17)
تقدم القراءة