ترجمة سورة البلد

الترجمة الصومالية
ترجمة معاني سورة البلد باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية .
من تأليف: الشيخ محمد أحمد عبدي .

Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan». (1)
Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda. (2)
Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka». (3)
Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi). (4)
Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku). (5)
Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado). (6)
Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin. (7)
Miyaannaan u yeelin Laba indhood. (8)
Iyo Carrab iyo Laba bishimood. (9)
Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka). (10)
Ee Dadku muu jiidho Jiirta. (11)
Ma taqaannaa Jiirta. (12)
Waa qoor la xoreeyo. (13)
Iyo cunno la siiyo maalin gaajo. (14)
Agoon kuu dhaw. (15)
Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed). (16)
Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista. (17)
Kuwaasina waa kuwa Midigta mari. (18)
Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari. (19)
Waxaana lagu dabooli Naar. (20)
Icon