Turjumaada Suuradda القارعة ee الصومالية ee Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
Verse 1
ﭴ
ﭵ
Qaaricada (qalbiga garaacda).
Verse 2
ﭶﭷ
ﭸ
Qaarica maxay tahay.
Verse 3
ﭹﭺﭻﭼ
ﭽ
Mase taqaannaa Qaarico.
Verse 4
ﭾﭿﮀﮁﮂ
ﮃ
Waa Maalinta Dadku noqon sida Baalallay.
Verse 5
ﮄﮅﮆﮇ
ﮈ
Buuruhuna ay noqon sida Suuf kala firdhay.
Verse 6
ﮉﮊﮋﮌ
ﮍ
Ruuxiise miisaankiisa (fiican) cuslaado.
Verse 7
ﮎﮏﮐﮑ
ﮒ
Wuxuu ku noolaan nolol raalli ah.
Verse 8
ﮓﮔﮕﮖ
ﮗ
Ruuxiise uu fududaado Miisaankiisa (fiican).
Verse 9
ﮘﮙ
ﮚ
Wuxuu u hoydaa (Naarta) Haawiya.
Verse 10
ﮛﮜﮝﮞ
ﮟ
Ma taqaannaa Haawiya.
Verse 11
ﮠﮡ
ﮢ
Waa Naar kulayl daran.
تقدم القراءة