Turjumaada Suuradda الضحى ee الصومالية ee Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
Verse 1
ﮉ
ﮊ
Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka.
Verse 2
ﮋﮌﮍ
ﮎ
Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado).
Verse 3
ﮏﮐﮑﮒﮓ
ﮔ
Inaan Eebe ka tagin Nabiyow kuuna cadhoonin.
Verse 4
ﮕﮖﮗﮘﮙ
ﮚ
Aakharana kaaga khayr badan Aduunka.
Verse 5
ﮛﮜﮝﮞ
ﮟ
Eebaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon.
Verse 6
ﮠﮡﮢﮣ
ﮤ
Miyuusan ku helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin.
Verse 7
ﮥﮦﮧ
ﮨ
Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin.
Verse 8
ﮩﮪﮫ
ﮬ
Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu waxyoonin).
Verse 9
ﮭﮮﮯﮰ
ﮱ
Ee Agoonta ha xoogin (hana dhihin).
Verse 10
ﯓﯔﯕﯖ
ﯗ
Ka wax su'aalina ha canaanan.
Verse 11
ﯘﯙﯚﯛ
ﯜ
Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi).
تقدم القراءة