Turjumaada Suuradda الرحمن ee الصومالية ee Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
Verse 1
ﭷ
ﭸ
(Eebaha) Raxmaan ah.
Verse 2
ﭹﭺ
ﭻ
Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka.
Verse 3
ﭼﭽ
ﭾ
Dadkana wuu abuuray.
Verse 4
ﭿﮀ
ﮁ
Wuxuuna baray dadka (Hadalka).
Verse 5
ﮂﮃﮄ
ﮅ
Qorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab.
Verse 6
ﮆﮇﮈ
ﮉ
Xiddigga iyo Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis).
Verse 7
ﮊﮋﮌﮍ
ﮎ
Samadana Eebaa koryeelay, Garsoorna wuu dajiyay.
Verse 8
ﮏﮐﮑﮒ
ﮓ
Si aydaan uga gudbin Caddaaladda.
Verse 9
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
ﮚ
Miisaanka ku hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna.
Verse 10
ﮛﮜﮝ
ﮞ
Dhulkana Eebe wuxuu u dajiyay khalqiga.
Verse 11
ﮟﮠﮡﮢﮣ
ﮤ
Dhexdiisa waxaa ah Faakihad (khudaar) iyo Timir Fiido leh.
Verse 12
ﮥﮦﮧﮨ
ﮩ
Xubuubna (midho) ball leh iyo udgoona wuu abuuray.
Verse 13
ﮪﮫﮬﮭ
ﮮ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow).
Verse 14
ﮯﮰﮱﯓﯔ
ﯕ
Dadka Eebaa ka abuuray dhoobo Jilay oo kale ah.
Verse 15
ﯖﯗﯘﯙﯚﯛ
ﯜ
Jaankana wuxuu ka abuuray ololka Naarta.
Verse 16
ﯝﯞﯟﯠ
ﯡ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 17
ﯢﯣﯤﯥ
ﯦ
Ilaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac.
Verse 18
ﯧﯨﯩﯪ
ﯫ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 19
ﭑﭒﭓ
ﭔ
Eebe waan kan Labada Badood dariseeyey iyagoo kulmi.
Verse 20
ﭕﭖﭗﭘ
ﭙ
Dhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan.
Verse 21
ﭚﭛﭜﭝ
ﭞ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 22
ﭟﭠﭡﭢ
ﭣ
Waxaa lagala baxaa Baddaas Lu'Lu'iyo Murjaan (Jawhar).
Verse 23
ﭤﭥﭦﭧ
ﭨ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 24
ﭩﭪﭫﭬﭭﭮ
ﭯ
Eebe waxaa u sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah.
Verse 25
ﭰﭱﭲﭳ
ﭴ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 26
ﭵﭶﭷﭸ
ﭹ
Dhammaan waxa (Dhulka) korkiisa ah wuu tagi.
Verse 27
ﭺﭻﭼﭽﭾﭿ
ﮀ
Waxaase hadhi Eebaha wayn ee sharafta leh.
Verse 28
ﮁﮂﮃﮄ
ﮅ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 29
Waxaa Eebe wax waydiista Samada iyo Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin.
Verse 30
ﮒﮓﮔﮕ
ﮖ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 31
ﮗﮘﮙﮚ
ﮛ
Waana idin xisaabin si dhab ah Insi iyo Jinniyow.
Verse 32
ﮜﮝﮞﮟ
ﮠ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 33
Jinni iyo Insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan Samada Hajooyinkooda iyo Dhulka ka baxa, kamana bixikartaan xujo la'aan.
Verse 34
ﯔﯕﯖﯗ
ﯘ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 35
Eebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan.
Verse 36
ﯢﯣﯤﯥ
ﯦ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 37
ﯧﯨﯩﯪﯫﯬ
ﯭ
Markay Samadu dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin).
Verse 38
ﯮﯯﯰﯱ
ﯲ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 39
Maalintaas Ruux la warsan dambigiisa Insi iyo Jinniba ma jiro.
Verse 40
ﯼﯽﯾﯿ
ﰀ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 41
ﰁﰂﰃﰄﰅﰆ
ﰇ
Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana lagu tuuri).
Verse 42
ﭑﭒﭓﭔ
ﭕ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan,
Verse 43
ﭖﭗﭘﭙﭚﭛ
ﭜ
Tani waa Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi).
Verse 44
ﭝﭞﭟﭠﭡ
ﭢ
Waxay ku meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda.
Verse 45
ﭣﭤﭥﭦ
ﭧ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 46
ﭨﭩﭪﭫﭬ
ﭭ
Ruuxii ka yaaba Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno.
Verse 47
ﭮﭯﭰﭱ
ﭲ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 48
ﭳﭴ
ﭵ
Jannooyinkaas oo midabyo leh (iyo Laamo).
Verse 49
ﭶﭷﭸﭹ
ﭺ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 50
ﭻﭼﭽ
ﭾ
Waxaa laga helaa ilo socda.
Verse 51
ﭿﮀﮁﮂ
ﮃ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 52
ﮄﮅﮆﮇﮈ
ﮉ
Waxaa laga helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah).
Verse 53
ﮊﮋﮌﮍ
ﮎ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 54
Waxay ku dangiigsan (ehlu Jannuhu) Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin.
Verse 55
ﮚﮛﮜﮝ
ﮞ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 56
Jannooyinka iyo Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay Insi iyo Jinni midna.
Verse 57
ﮩﮪﮫﮬ
ﮭ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 58
ﮮﮯﮰ
ﮱ
Waxaad moodaa Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh).
Verse 59
ﯓﯔﯕﯖ
ﯗ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 60
ﯘﯙﯚﯛﯜ
ﯝ
Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha.
Verse 61
ﯞﯟﯠﯡ
ﯢ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 62
ﯣﯤﯥ
ﯦ
Waxay heli Labadaas Janno ka sokow kuwa kale.
Verse 63
ﯧﯨﯩﯪ
ﯫ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 64
ﯬ
ﯭ
Waana Laba Jannoo madow (cagaaran).
Verse 65
ﯮﯯﯰﯱ
ﯲ
Nicmooyinka Eebe teebad beeninaysaan.
Verse 66
ﯳﯴﯵ
ﯶ
Waxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan.
Verse 67
ﯷﯸﯹﯺ
ﯻ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 68
ﯼﯽﯾﯿ
ﰀ
Dhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan.
Verse 69
ﰁﰂﰃﰄ
ﰅ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 70
ﭑﭒﭓ
ﭔ
Dhexdooda waxaa ah Haween khayr leh oo Quruxsan.
Verse 71
ﭕﭖﭗﭘ
ﭙ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 72
ﭚﭛﭜﭝ
ﭞ
Waa Haween Indhacad oo Gurigooda jooga.
Verse 73
ﭟﭠﭡﭢ
ﭣ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 74
ﭤﭥﭦﭧﭨﭩ
ﭪ
Waa Haween uusan horay u taabanin Insi iyo Jinni midna.
Verse 75
ﭫﭬﭭﭮ
ﭯ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 76
ﭰﭱﭲﭳﭴﭵ
ﭶ
Waxayna ehlu-Jannuhu ku dangiigsan Barkimo cagaaran iyo Gogol Quruxsan,
Verse 77
ﭷﭸﭹﭺ
ﭻ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
Verse 78
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁ
ﮂ
Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Eebaha wayn ee shrafta leh.
تقدم القراءة