Turjumaada Suuradda الذاريات ee الصومالية ee Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
Verse 1
ﯤﯥ
ﯦ
Eebe wuxuu ku dhaartay dabaysha (Carrada kicisa).
Verse 2
ﯧﯨ
ﯩ
Iyo daruurta xambaarta culayska (Roobka).
Verse 3
ﯪﯫ
ﯬ
iyo doonnida sida fudud u socota.
Verse 4
ﯭﯮ
ﯯ
Iyo Malaa'igta amarka qaybisa.
Verse 5
ﯰﯱﯲ
ﯳ
Ee dadow waxa laydiinku goodin waa run.
Verse 6
ﯴﯵﯶ
ﯷ
Abaalmarintuna waa sugantahay.
Verse 7
ﭑﭒﭓ
ﭔ
Samada yuu Eebe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh.
Verse 8
ﭕﭖﭗﭘ
ﭙ
Ee dadow waxaad ku sugantihiin hadal is khilaafsan.
Verse 9
ﭚﭛﭜﭝ
ﭞ
Iimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay.
Verse 10
ﭟﭠ
ﭡ
Waxaana la nacladay Beenalayaasha.
Verse 11
ﭢﭣﭤﭥﭦ
ﭧ
Ee ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan.
Verse 12
ﭨﭩﭪﭫ
ﭬ
waxay waydiin goorta abaalmarinta (qiyaamada).
Verse 13
ﭭﭮﭯﭰﭱ
ﭲ
Waana maalinta naarta lagu gubi.
Verse 14
Laguna dhihi dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen.
Verse 15
ﭻﭼﭽﭾﭿ
ﮀ
Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo.
Verse 16
Iyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala.
Verse 17
ﮌﮍﮎﮏﮐﮑ
ﮒ
Waxayna ahaayeen kuwo wax yar Habeenkii seexda.
Verse 18
ﮓﮔﮕ
ﮖ
Waagana way dambi dhaaf waydiisanayeen.
Verse 19
ﮗﮘﮙﮚﮛ
ﮜ
Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan.
Verse 20
ﮝﮞﮟﮠ
ﮡ
Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin.
Verse 21
ﮢﮣﮤﮥﮦ
ﮧ
Naftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho).
Verse 22
ﮨﮩﮪﮫﮬ
ﮭ
Samada yuuna jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi.
Verse 23
Ebaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay sida hadalkiinna oo kale.
Verse 24
ﯙﯚﯛﯜﯝﯞ
ﯟ
Ma ku soo gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd.
Verse 25
Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan la oqoonnin.
Verse 26
ﯫﯬﯭﯮﯯﯰ
ﯱ
Markaasu aaday ehelkiisii lana yimid Dibi shilis (una gawracay).
Verse 27
ﯲﯳﯴﯵﯶ
ﯷ
Una soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen.
Verse 28
Wuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin, waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan,
Verse 29
Markaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma Habar mandhalays ah (yaa wax dhali).
Verse 30
waxayna ku dheheen xaalku waa saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi
Verse 31
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
ﭗ
(Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray.
Verse 32
ﭘﭙﭚﭛﭜﭝ
ﭞ
Waxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah.
Verse 33
ﭟﭠﭡﭢﭣ
ﭤ
Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul).
Verse 34
ﭥﭦﭧﭨ
ﭩ
Oo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay.
Verse 35
ﭪﭫﭬﭭﭮﭯ
ﭰ
Markaasaan ka bixinnay kuwii mu'miniinta ahaa oo ku dhexjiray.
Verse 36
kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn.
Verse 37
Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran.
Verse 38
(Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad.
Verse 39
ﮊﮋﮌﮍﮎﮏ
ﮐ
Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay.
Verse 40
Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay.
Verse 41
Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta.
Verse 42
Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran.
Verse 43
Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti.
Verse 44
Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi.
Verse 45
Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin.
Verse 46
(Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah,
Verse 47
ﯰﯱﯲﯳﯴ
ﯵ
Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay.
Verse 48
ﯶﯷﯸﯹ
ﯺ
Dhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe).
Verse 49
Waxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan.
Verse 50
Ee Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda).
Verse 51
Hana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;.
Verse 52
Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay.
Verse 53
Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay.
Verse 54
ﭧﭨﭩﭪﭫ
ﭬ
Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa).
Verse 55
ﭭﭮﭯﭰﭱ
ﭲ
Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu'minintee.
Verse 56
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸ
ﭹ
Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin.
Verse 57
Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan.
Verse 58
Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane.
Verse 59
59 Kuwii dulmiilowga ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka horreeyey) ee ha dadajisanin.
Verse 60
Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay.
تقدم القراءة