Turjumaada Suuradda التين ee الصومالية ee Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
Verse 1
ﭫﭬ
ﭭ
Eebe wuxuu ka dhaartay Tiinka iyo Zeytuunka.
Verse 2
ﭮﭯ
ﭰ
Iyo Dhuuri Siina.
Verse 3
ﭱﭲﭳ
ﭴ
Iyo Magaaladan Aaminka ah (Maka).
Verse 4
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺ
ﭻ
Ee waxaana ku abuurray Dadka Muuqal toosan.
Verse 5
ﭼﭽﭾﭿ
ﮀ
Kaddibna waxaan u celinaynaa hoos (gabow dartiis).
Verse 6
Hase yeeshee kuwa rumeeyey xaqa camalwanaagsanna falay, waxay mudan Ajri aan go'aynin.
Verse 7
ﮋﮌﮍﮎ
ﮏ
Ee Maxaa Gaalada u sababay beeninta Qiyaamada intaas ka dib.
Verse 8
ﮐﮑﮒﮓ
ﮔ
Miyuusan Eebe ahayn kan ugu xukun wanaagsan. (Eebaa xukun wanagsan).
تقدم القراءة