ترجمة سورة المسد

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
ترجمة معاني سورة المسد باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation .


Waxaa khasaaray Gacmihii Abuulahab, halaagmayna.

Waxna uma tarin Xoolihiisii iyo wuxuu kasbadayna.

Wuxuuna gali Naar Olal leh.

Haweenaydiisii Qoryaha xambaari jirtayna (waxay gali Naar).

Luqunteedana waxaa la yeeli Xadhig Liif ah.
Icon