ترجمة سورة الممتحنة

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
ترجمة معاني سورة الممتحنة باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation .


Kuwa xaqa rumeeyow ha ka dhiganina colka Eebe iyo Colkiina (Gaalada) sokeeye aad jacayl u gudbinaysaan, iyagoo ka gaaloobay xaqa idiin yimid, oo haddana bixiya Rasuulka iyo Muuminiinta inaad Eebe rumeeyseen darteed Jidka Ilaahayna ku dagaallanteen raalli ahaanshaha Eebe idinkoo rabo, kuwaas ood u qarisaan jacayl, Ilaahayna waa ogyahay waxaad qarinaysaan iyo waxaad muujinaysaanba, Ruuxii saas yeelana Jidka xaqa ah wuu ka dhumay.

hadday idin helaan (Gaaladu) waxay idiin noqon Col gacmaha iyo Carabkana xumaanbay idiinku taagi waxayna jecel yihiin inaad gaalowdaan.

Qaraabada iyo Caruurtu waxba idiin ma taraan Maalinta qiyaame waana laydin kala kaxayn, Ilaahayna waa arkaa waxaad Camal falaysaan.

Kuwa xaqa rumeeyey waa inay ku daydaan Nabi Ibraahim iyo kuwii la jiray waa kuwii iska bari yeelay Gaaladii Qoonkoodii ahayd (ay isla noolayeen) iyo waxay Caabudayeen ee Eebe ka soo hadhay oy Colnimo u muujiyeen ilaa ay Eebe kaliya ka rumeeyaan, laakiin Nabi Ibraahim wuxuu u dambi dhaaf weydiiyey Aabihiis, isagoon waxba u hanankarin (intaan laga reebin Arrintaas). Eebe yeynnu talo saaran, isagaan u toobad keenaynaa, isagaana loo noqon (Aakhiro).

Eebow hannagu fidnaynin kuwa Gaaloobay, noona dambi dhaaf illeen waxaad tahay adkaade (Casiis) Falsan.

Haku daydo dadkaas dayasho wanaagsan ruuxii dooni Ilaahay Maalinta Aakhiro, ciddiise ka jeedsata xaqa Eebe waa ka kaaftoon yahay waana ammaananyahay.

Wuxuu Eebe u dhawyahay inuu yeelo jacayl Mu'miniinta iyo kuway la colloobeen ee Gaalada Qureesheed ah dhexdooda, maxaa yeelay Eebe wax walba waa karaa waana dambi dhaaf badane naxariis badane ah.

Eebe kama reebayo kuwa xaqa rumeeyey inay u samo iyo Caddaalad falaan kuwa aan Diinta kula dagaallamin Guryahoodana ka bixinin, maxaa yeelay Eebe waa jecel yahay kuwa Caadiliinta ah (Garsoor).

Eebe wuxuu ka reebi kuwa xaqa rumeeyey inay ka sokeeye yeeshaan oo xidhiidhiyaan kuwa Diinta kula dagaallamay ee Guryahoodii ka bixiyey gacanna ku siiyey in guryaha laga bixiyo, dadkii kuwaas cokeeye ka dhigtaa wa kuwa daalimiin ah.

Kuwa xaqa rumeeyow hadday idiin yimaaddaan Haween Mu'miniin ah oo Gaalada ka soo Hijrooday (ka soo tegay) Imtixaana (inay ka dhabtahay iyo in kale) Eebaa og Iimaankooda, haddaad ogaataan inay xaqa (dhabnimo) u rumeeyeen waa inaydaan Gaalada u celinin, maxaa yeelay Xalaal isuma aha Meherkiina ha u celiyeen Gaalada, inaad isguursataanna waxba kuma jiro haddaad Meher siinaysaan, Haweenka Gaalooba Nikaax isuguma kiin xirna ee ha haysanina, weydiista waxaad Meher u bixiseen Gaaladuna ha weydiisato waxay Meher u bixiyeen, xaaladaasina waa xukunka Eebe uu dhexdiina xukumay, Ilaahayna waa ogyahay (waxa la Camal falo) waana Falsame.

Hadday u tagaan kuwa Haweenkiina ka mid ah Gaalada (Gaaloobaan) markaas ka dib la qaniimaysto hala siiyo kuwii Haweenkoodu tageen waxay ku masruufeen oo kale, Ilaaha aad rumaysantihiinna ka dhawrsada.

Nabiyow hadday kuu yimaaddaan haween xaqa rumeeyey si ay kuugula ballantamaan inay Eebe kaliya caabudaan, waxna xadin, sinaysanna, Caruurtoodana dilin, been abuurna ayan la imaan, wax wanaag ah oo la farayna ayan Nabiga ku caasiyin la ballantan una dambi dhaaf weydii Eebe waa dambi dhaafe naxariiste ahe.

Kuwa xaqa rumeeyow haka sokeeye dhiganina kuwa Eebe u carooday oo aakhirana ka quustay (waa Gaaloodhane) sida Gaaladu uga quusatay kuwii dhintay.
Icon