Turjumaada Suuradda الإنفطار ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﭑﭒﭓ
ﭔ
Markay Samadu Dildillaacdo. (1)
Verse 2
ﭕﭖﭗ
ﭘ
Xiddiguhuna daataan. (2)
Verse 3
ﭙﭚﭛ
ﭜ
Badahana laysku furo. (3)
Verse 4
ﭝﭞﭟ
ﭠ
Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii). (4)
Verse 5
ﭡﭢﭣﭤﭥ
ﭦ
Waxay ogaan naftu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay. (5)
Verse 6
ﭧﭨﭩﭪﭫﭬ
ﭭ
Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh. (6)
Verse 7
ﭮﭯﭰﭱ
ﭲ
Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay. (7)
Verse 8
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸ
ﭹ
Siduu doonana kuu sameeyey. (8)
Verse 9
ﭺﭻﭼﭽ
ﭾ
Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta. (9)
Verse 10
ﭿﮀﮁ
ﮂ
Malaa'ig baana idin ilaalinaysa. (10)
Verse 11
ﮃﮄ
ﮅ
Oo sharaf leh waxna qori. (11)
Verse 12
ﮆﮇﮈ
ﮉ
Ogna waxaad falaysaan. (12)
Verse 13
ﮊﮋﮌﮍ
ﮎ
Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima. (13)
Verse 14
ﮏﮐﮑﮒ
ﮓ
Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo. (14)
Verse 15
ﮔﮕﮖ
ﮗ
Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta. (15)
Verse 16
ﮘﮙﮚﮛ
ﮜ
Kamana maqnaadaan Naarta. (16)
Verse 17
ﮝﮞﮟﮠﮡ
ﮢ
Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa. (17)
Verse 18
ﮣﮤﮥﮦﮧﮨ
ﮩ
Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta. (18)
Verse 19
Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe. (19)
تقدم القراءة