Turjumaada Suuradda الليل ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﮡﮢﮣ
ﮤ
Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo. (1)
Verse 2
ﮥﮦﮧ
ﮨ
Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto). (2)
Verse 3
ﮩﮪﮫﮬ
ﮭ
Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba. (3)
Verse 4
ﮮﮯﮰ
ﮱ
In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay. (4)
Verse 5
ﯓﯔﯕﯖ
ﯗ
Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada. (5)
Verse 6
ﯘﯙ
ﯚ
Rumeeyana tii wanaaga badnayd. (6)
Verse 7
ﯛﯜ
ﯝ
Waxaan u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican). (7)
Verse 8
ﯞﯟﯠﯡ
ﯢ
Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya». (8)
Verse 9
ﯣﯤ
ﯥ
Beeniyana Tii wanaaga badnayd. (9)
Verse 10
ﭑﭒ
ﭓ
Waxaan u fududaynaa Jidka xun. (10)
Verse 11
ﭔﭕﭖﭗﭘﭙ
ﭚ
Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo. (11)
Verse 12
ﭛﭜﭝ
ﭞ
Annagaa wax hanuuninna. (12)
Verse 13
ﭟﭠﭡﭢ
ﭣ
Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh. (13)
Verse 14
ﭤﭥﭦ
ﭧ
Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran. (14)
Verse 15
ﭨﭩﭪﭫ
ﭬ
Oosan galaynin Ruux xun mooyeen. (15)
Verse 16
ﭭﭮﭯ
ﭰ
Oo xaqa beeniyay jeedsadayna. (16)
Verse 17
ﭱﭲ
ﭳ
Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada. (17)
Verse 18
ﭴﭵﭶﭷ
ﭸ
Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo. (18)
Verse 19
ﭹﭺﭻﭼﭽﭾ
ﭿ
Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin. (19)
Verse 20
ﮀﮁﮂﮃﮄ
ﮅ
Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya. (20)
Verse 21
ﮆﮇ
ﮈ
Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi. (21)
تقدم القراءة