ترجمة معاني سورة الأعراف باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation

آية رقم 1


(Waxay ku Tusin Muejisada Quraanka).
آية رقم 6

Waana Warsanaynaa kuwii loo Diray (Ummadihii waxay ku Jawaabeen) waana warsanaynaa kuwii la Diray (Rasuulladii inay Gaadhsiiyeen).
آية رقم 15

Wuxuu Yidhi (Eebe) waxaad ka mid tahay kuwa la sugi.
آية رقم 25

Wuxxuna Yidhi Eebe Dhexdiisaad ku Noolaanaysaan Dhexdiisaana ku Dhimanaysaan Xaggiisaana laydinka soo Bixin.

Wuxuu Yidhi Eebe la gala Naarta Umado hortiin Tegay oo Jinni iyo Insiba leh, markastooy Umadu Hasho waxay Laenadaa Walaasheed (Saaxiibkeed) markay isku haleelaan Dhammaantood Dhexdeedana waxay ku Dhahdaa Tan dambe wax (Raaeda) Tan hore la (Raaco) Eebow kuwanaa na Dhumiyey ee u Laablaab Cadaab, Eebe wuxuu Odhan mid kasta waa loo Laablaabi mase Ogidin.

Miyey sugi waxaan ahayn wuxuu Sheegi Quraanku, Maalintuu Yimaaddo wuxuu Sheegi Quraanku waxay Odhan kuwii Horay u Halmaamay (Kuna Camal falin) waxay la Timid Rasuuladii Eebe Xaq, ee majiraa Shufaco ha noo Shafeeceene, ama ma nala Celin inaan Fallo waxaan ahayn waxaan fali jirray, waxay Khasaariyeen Naftooda waxaana ka Dhumay waxay been abuuran jireen.
آية رقم 83

Waana Korinay Luudh iyo Ehelkiisa Haweenaysiisii mooyee oo ka mid noqotay kuwa halaag ku hadhay.
آية رقم 91

Waxaase qabtay Gariir waxayna ahaayeen kuwo Guryahoodii ku Dhintay (Iyagoo lagdan).
آية رقم 111

waxayna Dheheen dib u Dhig (Xaalkiisa) iyo Walaalkiis una dir Magaalooyinka kuwo soo kulmiya.
آية رقم 112

oo kuu Keena Sixir badane kasta aadna u yaqaanna.
آية رقم 114

Wuxuuna yidhi haa, waxaadna noqonaysaan kuwa la soo Dhaweeyo.
آية رقم 119

Waxaana lagaga Adkaaday Gaaladii halkaas, waxayna noqdeen iyagoo Dullaysan.
آية رقم 120

Waxaana loo riday Sixirlayaashii Sujuud.

Markuu u Yimid Nabi Muuse Ballankanagii oo la hadlay Eebihiis wuxuu yidhi Eebow i tus aan ku arkee, wuxuuna yidhi Eebe ima arkaysid ee day Buurta Hadday Meejeeda ku sugnaato markaasaad i arki, markuu Eebc u Daahiray Buurtii wuxuu ka yeelay Burbur waxaana dhacay Nabi Muuse suuxdin Darteed, markuu miyirsadayna wuxuu Yidhi (Eebow adaa) Nasahan waan kuu Toobad keenay waxaan ahay Mu'minunta kan ugu horreeya (Waqtigan) inaan Adduunka lagugu (arkayn).

Markuu ku soo Noqday Nabi Muse qoomkiisii isagoo Cadhaysan oo Walbahaarsan wuxuu yidhi waxaa Xun Waxaad iiga dambeysccn Gadaashay, ma waxaad Dadajisateen Amarkii Eebihiin wuxuuna Tuuray Alwaaxdii wuxuuna Qabtay Madaxa Walaalkiis Isagoo Xaggiisa u Jiidi, wuxuuna Yidhi Ina Hooyoow qoomku way i tabaryaraysteen waxayna u dhawaadeen inay i Dilaan ee ha igaga farxin Colka hana iga yeehn la Jirka Qoomka Daalimiinta ah.

Wuxuu ka Doortay Nabi Muuse Qoomkiisa Toddobaatan Nin Ballankanaga Dartiis, markay qabatay Gariirku wuxuu Yidhi Eebow haddaad Doonto waad halaagi lahayd horay iyaga iyo Anigaba, ma waxaad noo halaagi waxay faleen Sufaho naga mida, waa Imtixaankaaga Ciddaad doontana waad Dhumisaa kaad dontana waad hanuunisaa adaa Wali noo ah ee noo Dambi Dhaaf noona Naxariiso adaa Dambi Dhaafe Khayr roon ahe.

ee ah kuwa Raaca Rasuulka Nabiga ah ec Umiga ah ee ah kay ka heleyeen Isagoo ku qoran agtooda Tawreed iyo Injiil Farana wanaagga kana reeba Xumaanta una Baneeya Wanaagga (Xalaasha) kana Xarrima Xumaanta (Xaaraanta) kana dejiya Culayskii iyo Xadhkihii korkooda ahaa, kuwa Rumeeyey Nabigaas oo Qaddariyey oo u Gargaaray oo Raacay Nuurka lagu soo Dejiyey kuwaasu waa uun kuwa Liibaanay.

Waxaana u kala gaynay Laba iyo Toban Farac oo Ummadood, waxaana u Waxyoonay Nabi Muuse markay Waraab warsadeen Qoomkiisu inuu ku garaaco Ushiisa Dhagaxa waxaana ka soo burqatay laba iyo toban ilood cid kastana waxay Ogaatay Meejcy ka Cabbi lahayd, waxaana ku hadhaynay Daruuro, waxaana ku soo Dejinay Manni (Macaan) iyo Cunno, waxaana ku nidhi ka Cuna wanaagaan idinku Arzuqay, mana ayan na dulmiyin waxaysc Dulmiyccn Naftooda.

Waxaana Baddelay kuwo Xun oo Dhaxlay Kitaabkii qaadanina Muuqa Adduunyadan Dhaw, iyagoo Dhihi waa naloo dhaafi hadduu u Yimaaddo muuqaal la midana way qaataan, miyaan laga qaadin Ballankii Kitaabka inayan Eebe waxaan Xaq ahayn ku sheegin oyna Akhriyin waxa Dhaxdiisa ah, Daarta Aakhiro yaana u Khayr roon kuwa dhawrsada ee miyeeydan wax kasayn.

Waxay ku Warsan Saacadda (Qiyaame) markay Sugnaan, waxaad Dhahdaa Ogaanshaheedu waa Eebahay Agtiisa, waqtigeeda wax Muujin kara oon Eebe ahayn ma jiro, waxay ku Cuslaatay Samooyinka iyo Dhulka, waxaan kado ahaynna idiinkuma Timaaddo, waxay ku warsan Saacadda sidii adoo og, waxaad dhahdaa Ogaanshaheedu waa uun Eebe Agtiisa Dadka Badankiisase ma oga (Xaalkaas).
تقدم القراءة