ترجمة معاني سورة التحريم باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation


Wuxuu Eebe u dhawyahay in Nabigu hadduu idin furo (Haweenka Nabiga qaarkood) idiinkuna beddelo kuwa idinka khayr roon oo ah Muslimiin, Mu'miniin ah adeeca Eebe, Toobad keena, Eeba caabuda, Soomana kuwa horay loo guursaday iyo kuwo aan hadda ka hor la guursanba leh.

Kuwa xaqa rumeeyow u toobad keena Eebe toobad san, wuxuu Eebe u dhawyahay inuu asturo xumaantiina, idin geliyana Jannooyin ay dureerayso dhexdooda Wabiyaal, Maalinta uusan Eebe hoojinayn Nabiga iyo kuwa la jooga, nuurkooduna wuxuu socon hortooda iyo midigtooda iyagoo dhihi Eebow noo tam yeel Nuurkanaga noona dambi dhaaf'adaa wax walba karee.
تقدم القراءة