ترجمة معاني سورة البقرة باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation

آية رقم 1


Aad baa Macnaheeda looga hadlay, waxaana la sheegay inay magaca suuradda tahay, ama ay ku tusin Muejisadda Quraanka, Eebe unbaa waa la dhahaa.
آية رقم 3

ee ah kuwa rumeeya waxan la arkayn (ee xaq ah) oogana Salaadda, waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya.

markay la kulmaan kuwa ru-meeyey (Xaqa) waxay dhihi waan rumaynay, markay la kaliyoobaan shaydaamiidana waxay dhahaan annagu waan idinla Jirraa, ee waxaan ahayn uun kuwa ku jees jeesa (Mu'miniinta).
آية رقم 15

Eebaa ja abaal marin Jees jeeska, wuxuuna u siyaadin kibirkooda iyo Baadidooda, iyagoo ku dhexwareeri.
آية رقم 53

xusa markaan siinay (Nabi) muusc kitaab iyo kala bixiyc (xaqa iyo baadilka) si aad u hanuuntaan.

Xusa markaad dhahdeen Muusow kuma samrayno cunno kaliya ee noobari Eebaha ha noo soo bixiyo waxa dhulku soo dhaliyo, oo ah Bagal, Xinidh, Toon, cadas iyo Basal, wuxuuna ku yidhi mawaxaad ku bedalanaysaan wax xun kii khayrka badnaa, u (hoobta) daga masar waxaad helaysaan waxaad warsateen, waxaana laguqadaray dulli iyo miskiinimo, waxayna lanoqdeen cadho Eeve, arrintaasna waxaa ugu wacan inay yihiin kuwo ka Gaalooba aayaadka Eebe, dilayeenna Nabiyada xaql…aan, taasina waa caasinimadooda darteed iyo xadgudubkoodii.

markay la kulmaan kuwii rumeeye (xaqana) waxay dhahaan waan rumaynay, markuu qaarkood qaarka kale la kaliyoobana waxay dhahaan ma waxaad uga sheekaynaysaan (u qireeysaan) Mu'miniinta, waxa Eebe idiinfaray (oo xaqnimada NabigaMuxamed ah) si ay idiinkula doodaan Eebe agtiisa miyaydaan waxkasayn.

waxaa ka mid ah Ehelu Kitaabka kuwo aan wax qorayn waxna akhriyeyn, oon aqooninna Kitaab (Towreed) hasa yeeshee rumayn yididiilo, waxaan malo ahayna kuma socdaan.

xusa markaan idinka qaadnay ballan (adag) inaydaan iska daadin Dhiig (inaydaan isdilin) aydaan qaarkiin (qaarka kale) Guryihiinna, ka bixinin markaasaad aqoonsateen arrintaas idinkoo marag furi.

hadana waxaad ahaateen kuwo dili Naftooda, oo ka erya kooxo idinka mid ah Guryahooda, idinkoo isugu kaalmayn korkoodu dambi iyo colnimo haddii la qafaashana waad furanaysaan, iyadooy dhabtu tahay inay xaaraan idinka tahay bixintoodu, Miyaad rumaynaysaan Kitaabtka qaarkiis, kana gaaloobaysaan qaar, ruuxii saas fala oo idinka mid ah abaalkiisu ma aha dulli adduun iyo maalinta qiyaame oo loo celin cadaab daran mooyee, Eebana ma halmaamayo waxaad falaysaan.

waxayna dheheen yuhuud quluubtanadu waxay ku sugantahay dabool, saas ma aha ee waa la nacladay gaalnimadooda darteed wax yar bay rumeeyn.

xusa markaan idinka qaadnay ballan, korkiinana yeelay (Buurta Dhuur) oon idinku nidhi ku qaata waxaan idin siinay xoog (niyadadag) maqlana (xaqa) waxayna dheheen waan mawalay waana caasinay, waxaana laga waraabiyey quluubtooda (jacaylkii) Dibiga (ay caabudeen) gaalnimadooda darteed, waxaad dhahdaa waxaa xumaan badan wuxuu idinfarayo imaankiinu haddaad muuminiin tihiin.

waxay raaceen Gaaladii Yuhuuddu waxay Shayaadiintu Akhriyeysay waqtigii xukukii Nabi Suleyman, ma Gaaloobin Nabi Suleymaan, laakiin Shayaadiinta yaa Gaalowday, waxayna baraan Dadka Sixirka, iyo wixii lagu soo dajiyey labadii Malag ee Baabil joogay ahaana Haaruut iyo Maaruut, mana baraan cidna intay uga dhahaan waxaan uun nahay Fidnee ha Gaaloobin, waxayna ka bartaan xagooda wax kalageeya Ninka iyo Haweenaydiisa, kumana dhibaan ruuxna idinka Eebe la'aantiis, waxayna bartaan Dadkaasu wax dhiba oon anfacayn, dhab ahaan yey u ogaadeen Yuhuuddu ruuxii sixir barta inuusan Aakhiro nasiib ku lahayn, waxaana baasleh Sixirkay Naftooda ku gateen hadday wax ogyihiin.

waxaad dhahdaa Nabiyow ma waxaad igula doodaysaan Eebe isagoo Eebahanno iyo Eebihiinna ah, anaguna Camalkanagu noo sugnaaday idinkuna Camalkiina, isagaana u kali yeelaynaa Diinta.

saasaan idinka dhignay umad caadil (khayr ah) si aad marag ugu noqotaan Dadka, Rasuulkuna idiinku noqdo markhaati, mana aa naan yeelin Qibladii aad qaablijirtay inay kala muuqato ruuxa Rasuulka raaca iyo kan dib u noqon (Gaaloobi) mooyee waana arrin kuweyn Dadka marka laga reebo kuwa Eebe hanuuniyey, Eebana ma dhumiyo limaankiinna (Salaadiina) Eebana waa u Naxariisbadanyahay Dadka.

«waan idiin Niemeynay» sidaan idinku dirnay dhexdiina Rassul idinkamid ah oo idinku akhriya Aayaadkanaga, oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka (Quraanka) iyo Sunada Nabiga, idinna bara waxaydaan aqoonin.
آية رقم 152

ee I xusa aan idin Xusee (ajir idin siiyee) iguna mahadiya hana iga Gaaloobina.

Marka laga reebo kuwa toobad keena oo Wanaaga fala oo Xaga caddeeya, kuwas waan ka toobad aqbali, waxaana ahay toobad aqbal badane Naxariis badan.

Cirka abuurkiisa iyo dhulka iyo kala duwanaanta Habeenka iyo maalinka iyo doonta La socota badda wax anfaca dadka iyo waxa Eebe ka soo Dajiyay samada oo Biyo ah kuna nooleeyay Dhulka intuu dhintay ka dib, kuna fidiyay Dhulka Daabad kasta iyo gadgadoonka dabaysha iyo Daruuraha loo sahlay Samada iyo Dhulka dhexdiisa waxaa ugu sugan calaamo kuwa wax kasi.

Samo falku ma aha inaad wajiga u jeedisaan Qorax ka soo bax iyo Qorax u dhac laakin sama fale waa ruuxii rumeeya Eebe, Qiyaame Malaa'igta. Kitaabka (kutubta Alle), Nabiyada, oo siiya Xoolaha isagoo jeeel Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta, Masaafirka, kura baryootama, Fakin qoor, oogana Salaadda, bixiyana Zakada, oofiyana ballankooda, markay ballamaan, Samra (adkaystana) Waqtiga saboolnimada. Kirrada iyo Dagaalka, kuwaasina waa kuwa ky runsheeqay Iimaankooda waana kuwa dhawrsada.

waa bisha Soon ee la soo dajiyey dhexdiisa Quraanka, isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadhilka) ee ruuxii jooga (nagi) ha Soomo, ruuxiise buka ama Safar ah waxaa saaran maalmo kale, wuxuu idinla dooni Eebe fudayd ee idin lama doonayo culaysm waana inaad dhamaystirtaan tirada wayneysaanna Eebe wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhawdihin, mudantihiin, inaad mahadisaan Eebe.

waxaa laydiin banneeyey inaad Habeenka Soonka is aragtaan Haweenka, maxaayeelay dhar (asturaad bay) idiinyihiin, idinkuna dhar (asturaad baad) u tihiin, Eebana wuxuu ogaaday inaad Khayaamayseen Naftiinna. wuuna idinka toobad aqbalay idina cafiyey ee haddu u tega Haweenkiina kana doona waxaa Eebe idiinku Qoray, Cuna oo Cabbana intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) kan madow Aroortii, dhammeeyana Soonka tan iyo Habeenka hana u tagina Haweenka idinkoo ku nagi Masaajidda taasina waa xuduudda (Soohdinta) Eebe ee haw dhawaanina, saasuuna ugu Caddayn Eebe aayaadkiisa Dadka si ay u dhawrsadaan,

dhamaystirana Xajka iyo Cumrada, haddii laydin sharana waxaa idiin saaran wixii fuduudaada oo hadya ah (inaad gawraedaan) hana ciirina madaxiina intay ka gaadhi hadyada meejeeda, ruuxi idinka mid ah oo buko ama dhib madaxa kaga yaallo, waxaa saaran Fidyo (Furasho) Soon ah, ama Sadaqo, ama gawrae, markaad aamin noqotaan ruuxii cumro iyo Xajku ku raaxaysta (kulmiya) waxaa saaran wixii Fududaada oo hadya ah (gawrae), ruxaanse helin ku Soon Saddex maalmood Xajka iyo todoba markuu ku noqdo gurigiisii, taasina waa toban buuxda, waase ruuxaan deganayn Masaajidka la xurmeeyey (maka) ka dhawrsada Eebe ogaadana in Eebe yahay kay darantahay Ciqaabtiisu.

dadky wuxuu ahaa ummad kaloya, wuxuuna Eebe u bixiyey Nabiyo u bishaareeya una diga, wuxuuna la soo dajiyey Kitaab Xaq ah, si ay ugu xukumaan Dadka dhexdiisa waxay isku khilaafaan, iskumana khilaafin dhexdiisa kuwii la siiyey mooyee intay u yimaadaan xujooyin, Xasad dhexdooda ah dartiis, wuxuuna ku hanuuniyey Eebe waxay isku kihlafeen oo Xaq ah idankiisa kuwii rumeeyey, Eebana wa ku hanuuniyaa Ciddu doono Jidkiisa toosan.

waxay ku warsan Dagaalka Bisha xurmaysan (Rajab iyo wax la mid ah) waxaad dhahdaa dagaalku dhexdiisa waa waynyahay, ka celinta Jidka Eebe iyo ka Gaalowgiisa iyo Masaajidka xurmeysan iyo ka bixinta ehelkiisa yaase kaga wayn Eebe agtiisa. Gaalaynta Dadka yaana ka wayn Dilka, kama tagaan gaalada inay idinla dagaalamaan intay idinka eeliyaan Diintiinna hadday karaan, ruuxii ka ridooba Diintiisa oo dhinta isagoo Gaal ah kuwaasi waa kuwa buray camalkoodu adduun iyo aakhiraba kuwaasina waa Naarta Ehelkeeda, wayna kuwaari dhedeeda.

ha guursanina Haweenka mushrikaadka ah, intay ka rumeeyaan, addoon rumaysan xaqa yaa ka khayr roon mid mushrikad ah (Eebe la wadaasjisay cibaada) haba idiin yaabgaliso, hana u guurinina ragga mushrikiinta ah intay ka rumeyn, addoon rumeeyey xaqa yaa ka khayr badan mid mushrik ah haba idin yaab galiyee, kuwaasu waxay idiin ku yeedhi Naarta, Eebana wuxuu idiin ku yeedhi Janno iyo Dambidhaaf idinkiisa, wuxuuna u caddayn aayaadkiisa Dadka si ay u xusuustaan.

Haweenka la furayna waxay sugi naftoodu saddex daahir, mana u banaana inay qariyaan waxa Eebe ku abuuray Makaankooda haddy yihiin kuwo rumeeyey Eebe iyo Maalinta dambe. Ragoodaana ku xaq badan soo celintooda arrintaas (cidadaas dhexdeeda) hadday doonaan wannag, Haweenkuna waxaay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah si fiican, Raggase waxaa ugu sugnaa korkooda Darajo (Dheeraad) Eebana waa adkaade falsan.

furiddu waa labo jeer, intaas ka dib ama waa hayshaho fiican, ama sii dayn fiican, mana bannaana inaad ka qaadataan waxaad siiseen wax, inay ka cabsadaan inayn oogin xuduudda Eebe Mooyee, haddaad ka cabsataan inayan oogin xuduudda Eebe wax dhib ah ma saarro korkooda waxay isku furato, tassi waa xuduudda Eebe ee ha tallaabina ruxii tallaaba xuduudda Eebe kuwaasi waa daalimiinta.

haddaad furtaan Haweenka oy gaadhaan mudadooda u haysta si fiican ama u siidaaya si fiican, hana u haysanina inaad dhibtaan si aad u xadgudubtaan. ruuxii fala sidaas wuxuu dulmiyey naftiisa, ee ha ka yeelina aayaadka Eebe jees jees, xusuustana Nicmada Eebe ee korkiina, iyo wuxuu ku dejiyey korkinna oo Kitaab iyo xigmad ah (Sunnada) wuu idinku wacdoon Eebe Quraanka, ee ka dhawrsada Eebe, ogaadana in Eebe wax kasta ogyahay.

waalidaadka (Hooyooyinku) waxay nunjin Caruurtooda Labo Sano oo dhamaystiran Cidii doonta inay taamyeesho nuugidda, kan wax loo dhalayna waxaa saaran Cunadooda iyo arradbaxooda si fiican lagumo dhibo naf waxayna awoodin laguma dhibo Hooyo Ilmaheeda dartiis (lamana dhibo) aabo ilmihiisa dartiis, kan wax dhaxlaya waxaa saaran taaso kale, hadday doonaan gudhin iyagoo raali ah iyo wadatashi dhib ma saarra korkooda, haddaad doontaan inaad ka nuujin dalabtaan Caruurtiina (Haweenay Kale) dhib korkiinna ma saarra haddaad udhiibtaan waxaad bixinaysaan si fiican, ka dhawrsada Eebe, ogaadana in waxaad camalfalaysaan Eebe arko.

dhib (dambi) korkiinna ma aha waxaad sarbeebtaan oo hadal Haween ah (doonid) ama aad ku qarisaan naftiina, Eebe waa ogyahay inaad sheegaysaan Haweenkaas, laakiin hawgu yaboohina qarsoodi inaad dhahaysaan hadal fiican mooyee, ha goynin (ha u qasdina) xidhidda guurka intuu ka gaadho Kitaabku «ciddu» Watigooda ogaadana in Eebe ogyahay waxa naftii na ku sugan ee ku digtoonaada, ogaadana in Eebe dambi dhaafe dulsan yahay.

haddaad furtaan Haweennka taabasho ka hor idinkoo wax (Merher ah) u qaddaray waxay mudan kala badhka waxaad qaddarteen, inay bafiyaan mooyee ama uu cafiyo midka gacantiisu xidhidda nikaaxu ku jiro, (waa ninka ama waliga) haddaad iska cafisaan yaa u dhowse dhawrsa shada, hana halmaamina fadliga (dheeraadka) dhexdiina ah, Eebana waxaad camalfalaysaan wuu arkaa.
آية رقم 238

xifdiya (ilaaliya) Salaadaha iyo Salaadda dhexe (sharafta badan) (Carsaka) una istaaga dar Eebe idinkoo adeeci, (khushuuci).
آية رقم 241

kuwa la furo waxaa u sugnaaday gacan maris (Mataac) si fiican, waxayna ku tahay Xaq kuwa dhawrsada.

ka warran (warkoodu ma ku soo gaadhay) Madaxdii Bani Israa'iil Muuse ka dib markay ku dheheen Nabigoodii Noo soo bixi Malig (xaakim) oon ku dagaallanno Jidka Eebe, wuxuuna yidhi armaad mudantihiin haddii laydinku faralyeelo Dagaalka inaydaan dagaallamin, waxayna dhaheen maxaanaan ugu dagaalamayn Jidka Eebe isagoo nalaga bixiyey guryahannagii iyo Caruurtannadii (Wiilashannadii) markii lagu faralyeelay korkooda Dagaalkii wey jeedsadeen, in yar oo kamid ah mooyee, Eebana waa ogyahay daalimiinta.

wuxuuna ku yidhi Nabigoodii Eebe wuxuu idiinky bixiyey Dhaaluut Malig (Xaakim), waxayna dheheen sidee ngu ahaan xukun korkannaga annago ka mudan Xukunka aan lana siinin Xoolo Waasac ah (Badan) wuxuuna yidhi (Nabigii) Eebe wuu u doortay Korkiina wuxuuna u siyaadiyey Waasacnimo Cilmi iyo Jidh (Xoog) Eebana wuxuu siiyaa Xukunkiisa Cidduu doono, Eebana waa Deeqbadane og.

markuu la baxay Dhaluut Askartii wuxuu yidhi Eebe wuxuu idinku imtixaami Wabi ee eidii ka cabta igamid ma aha, ruuxaan wax ka dhadhaminna waa iga mid ruux ku qaata gacanta qaadasho mooyee, waxayna ka cabbeen xaggiisa wax yar mooyee markuu tallaabay isaga colkii rumeeyay la jiray, waxay dhaheen awood uma lihin Maanta Jaaluud iyo colkiisa, waxayna dhaheen kuwii yaqiinsanaa inay la kulmi Eebe badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan idinka Eebe, ilaahayna wuxuu la jiraa kuwa Samra.

kuwaasu waa Rasuuladi Waana ka fadilnaa qaarkood warka (kale) waxaa ka mid ah kuwo la hadlay Eebe wuuna koryeelay qarkood darajooyin. waxaana siinay Ciise Binu Maryama xujooyin, Waxaana ku xoo jinay ruuxdii dahirka ahayd Malaku Jibriil. haduu Ebe doono ismalaayeen kuwii ka dambeeyay intay u timid xujooyin kadib. laakiin way is khilaafeen waxaa ka Midah mid rumeeyay (xaqa) waxaana kamidah mid ka gallobay. haduu Ebe doonana isma laayeen. laakiin Eebe wuxuu falaa wuxuu doono.

Eebe Ilaahaan isada ahayn ma jiro, waana Eebaha Nool, Khalqigana maamula. Ma qabato Lulmo iyo hurdo (midna) wuxuuna iska leeyahay waxa Samooyinka ka sugan iyo Dhulka, waa kuma kan ka shafeeci agtiisa (Eebe) idankiisa mooyee, wuxuu ogyahay (Eebe) waxa Dadka hortooda ah iyo waxa ka dambeeya mana koobaan wax Cilmigiisa ah, wuxuu Eebe doono mooyee, wuuna u waasacnoqday kursigiisu Samaawaadka iyo Dhulka, mana Cusleeyo ilaalinteedu, Eebana waa sareeye wayn.

ka warran (warkiisu nia ku soogaadhay) kit kula murmay Nabi Ibraahim Eebihiis, (waa Namruud) in Eebe siiyey xukun markuu Nabi Ibraahim yidhi Eebehay waa Nooleeye Dile, maarkaa yidhi (Gaalkii) amba waan nooleeyaa oon dilaa, markaas Nabi Ibraahim yidhi Eebe wuxuu ka keeni Qoraxda Bari ee ka keen Galbeed, markaasaa la wareeriyey (oo aamusay) kii gaaloobay, Eebana ma hanunniyo Qoom daalimiin ah.

ka warran kii maray magaalo iyadoo la duntay darbigeedii (oo cidla ah) markaas yidhi sidee Eebe u nooleyn midan dhimasho (kharaah) kadib markaasaa Eebe dilay Boqol Sano (qadarkeed) markaasuu soo bixiyey wuxunna ku yidhi imisaad nagaatay adigoo mayd ah, uuna yidhi waxaan nagaaday maalin ama maalin qaarkecd, uu kuna yidhi (Eebe) waxaad nagaatay Boqol sano: ee day Cuntadaada iyo Cabidaada, oon doorsoomin, day Dameerkaaga waxaan kaaga yeeleynaa calaamo Dadka, day Lafaha sidaan u sookoryeeeleyno (u nooleyn) una huwinayno Hilib markuu u cadaaday xaalku wuxu yidhi waxaan ogahay in Eebe wax walba karo.

Xusuusio markuu yidhi Nabi Ibraahim Eebow i tusi sidaud u nooleyso wax a dhinia uuna yidhi miyaadan rumeynin (Xaqa) oo uu yidhi waan rumeeyey laakiin (waxaan doonay) inuu xasilo qalhigay^u maiktias (Eebc) yidhi qaad afar shimbirood una iil xagaaga (JarJar) kadibna yeel Buur kasta qayb ka mid ah, markaas u ycedh waykuu imaan iyagoo ordi ogoowna in Eebe adkaade Falsan yahay.

kuwa Cuna Ribada kama istaagaan (Qubuurahooda) siduu u istaago mid la dhiei Shaydaan taabasjadiis mooyee, waxaana ugu waean arrintaas inay dhaheen Beecu (Gadashadu) waa sida Ribada, Wuu baneeye Eebe Beeca (Gadashada) wuxuuna xarrimay Ribada, ruuxuu u yimaado waano Eebihiis oo reebtooma wuxuu mudan wixii horeeyey, amarkiisana waxaa (loo bandhigi) Eebe ruuxiise ku noqda (Ribada) kuwaasu waa asaxaabta (ehelka) Naarta wayna ku waari dhexdeeda.

kuwa xaqa rumeeyow haddaad wax kala Daynsataan tan iyo muddo magacaaban quora hana idiin kala quoro dhexdiina qof si Cadaalad ah, yunna diidin Quore inuu u qoro siduu wax u baray Eebe, ha quoro hana u yeedhiyo kan xaqa lagu leeyahay, hana ka dhawrsado Eebe, yuuna wax ka nuqsaaminin hadduu yahay kan xaqa lagu leeyahay safiih ama tabaryare ama uusan karin inuu yeedhiyo ha u yeedhiyo Waligiisu si Caddaalad ah, maragana ka yeela Laba marag oo Rag ah, haddaan laba Nin la helinna Nin iyo Laba haweenood ka raalli thiin marag ahaan (laga yaabo) inay midi halmaanto oo tankale Xusuusiso, yeyna diidin maragu haddii loo yeedho, hana ka daalina inaad quortann wax yar iyo wax waynba tan iyo mudadiisa, saasaa ku cadaaladbadan Eebe agtiisa una sugan maragga una dhaw inaan la shakiyin, inay tahay Tijaara (Ganacsi) joogta aad maamulaysaan dhexdiina oo korkiina dhib (Dambi) ma aha inaydaan qorin, Marag u yeela haddaad wax kala Gadanaysaan, yanna la dhibin Qore iyo Marag midna, haddaad fashaan waa faasiqnimadiina, ka dhawrsada Eebe waxbuu idin bariye, Eebana wax kasta waa ogyahay.

kuma mashaqeeyo Eebe naf waxay awoodo mooyee, waxay mudan waxay kasbatay (oo wanaag ah) waxaana korkeeda ah waxay isu kasbatay (oo xumaano) Eebow ha noo qabanin haddaan halmaanno gafno, Eebow hanagu xambaarin Culays saad ugu xambaartay kuwii naga horeeyey, Eebow hanagu xambaarin (dhibin) waxaanaan awood u lahayn, na cafina oo noodhaaf noon naxariiso, adaa gargaarahanaga ahe, nooga gargaar qaarka gaalada ah.
تقدم القراءة