ترجمة سورة الإنفطار

الترجمة الصومالية
ترجمة معاني سورة الإنفطار باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية .
من تأليف: الشيخ محمد أحمد عبدي .

Markay Samadu Dildillaacdo. (1)
Xiddiguhuna daataan. (2)
Badahana laysku furo. (3)
Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii). (4)
Waxay ogaan naftu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay. (5)
Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh. (6)
Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay. (7)
Siduu doonana kuu sameeyey. (8)
Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta. (9)
Malaa'ig baana idin ilaalinaysa. (10)
Oo sharaf leh waxna qori. (11)
Ogna waxaad falaysaan. (12)
Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima. (13)
Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo. (14)
Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta. (15)
Kamana maqnaadaan Naarta. (16)
Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa. (17)
Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta. (18)
Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe. (19)
Icon