ترجمة سورة مريم

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
ترجمة معاني سورة مريم باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation .


waa la soo sheegay kuwo lamid ah.

(kanna) waa sheegid naaxariista Eebahaa addoonkiisa zakariye.

markuu u dhawaaqay Eebihiis dhawaaq qarsoodi ah.

yidhina Eebow anigu waan tabaryaraaday madaxayguna wuxuu la huray cirro, Mana ahayn baryadaada Eebow mid ku khasaara.

anigu waxaan ka cabsan qaraabada iga dambaysa (inay xumaadaan) haweenaydayduna waa mandhalays iga sii agtaada wali (walad).

i dhaxla (nabinimada) oo dhaxla ehelkii yacquub kana yeel Eebow mid laga raalli noqdo.

zakariyow annagu waxaanu kuugu bishaarayn wiil magaciisu Yahay yaxye oonaan u yeelin horay wax lamid ah (lamagac ah).

wuxuu yidhi Eebow sidee iigu ahaan wiil iyadooy tahay haweeneydaydu madhalays oon ka gaadhay waynida gabow.

wuxuu yidhi waa saas, wuxuuna Eebaha yidhi isagu waa ii Fududahay waana ku abuuray horay adoon ahayn waxba.

wuxuu yidhi Eebow ii yeel calaamo (xaqnimada yaboohaada) wuxuu yidhi (Eebe) calaamadaadu waa inaadan la hadlin dadka seddex habeen oo israacsan (adoo fayow).

markaasu ugaga soo baxay qoomkiisii mixraabka wuxuuna u ishaaray xaggooda inay tukadaan aroor iyo galabba.

(waxaa loo yidhi) yaxyow ku qaado kitaabka (tawreed) xoog (dadaal) waxaan siinnay xigmo isagoo yar.

iyo naxariis agtanada ka ahaatay iyo daahirnimo wuxuuna ahaa dhawrsade.

iyo baarri labadiisa waalid mana ahayn daalim caasi ah.

nabadgalyo korkiisa ha ahaato maalinta la dhalay iyo maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool.

(ku xusuuso) kitaabka maryama markay uga fogaatay ehelkeeda meel bari ah, (bariga qudsi).

oyna ka yeelatay xaggeeda astur, oon u dirray xaggeeda ruuxannagii (jibriil), oo isugu shabahay dad eg.

una tidhi anigu waxaan kaa magan galay (Eebaha) Raxmaan ah haddaad tahay dhawrsade.

kuna yidhi anigu waxaan uun ahay rasuulka Eebahaa inaan ku siiyo wiil daahir ah.,

waxayna tidhi sidee iigu ahaan wiil anoosan i taaban dad, ahaynna mid xun (la tuhmo).

wuxuuna yidhi waa sidaas wuxuuna yidhi Eebahaa wuu u fududyahay yidhi Eebahaa wuu u fududyahay korkayga iyo inaan uga yeello calamaad dadka iyo naxariis xagayga ah waana arrin la xukumay (dhammeeyey).

way xambaartay (uurowday) waxayna u fogaatay meel dheer (durugsan).

waxayna u dhibaataysay fooshii jirrid timir waxayna tidhi shalleytee maan dhinto ka hor arrintan oon noqodo mid la halmaamo o laga tago.

wuxuuna uga dhawaaqay hoosteeda ha murugoonin wuxuu yeelay Eebahaa hoostaada wabi (yar).

una gilgil xaggaaga jirridda timirta ha kuu soo riddo korkaaga timir (curdana) oo fiicane.

ee cun oo cab qabowsana il (farax) haddaad ka aragto dadkana ruux waxaad dhahdaa anigu waxaan ugu nadray (Eebaha) Raxmaan oon u soomi oonan la hadlin maanta cidna.

waxayna ula timid ciise qoomkeeda uyadoo xambaarsan waxayna dheheen maryamoy waxaad la timid wax wayn.

haruun walaashiisay (u eg wanaagga) ma eheyn aabahaa ruux xun, mana ahayn hooyadaa mid xun (la tuhmo).

wayna u ishaartay xaggiisa waxayna dhaheen sideen ula hadlaynaa ruux ku sugan Sariirilmood isagoo yar.

wuxuuna yidhi (ciise) anigu waxaan ahay addoon Eebe, wuxuuna i siiyey kitaabka (injiil) wuxuuna iga yeelay nabi.

wuxuuna iga yeelay mid la barakeeyey meel kastoon ahay, wuxuuna ii dardaarmay salaadda iyo zakada intaan noolahay.

wuxuuna iga yeelay baarriga waalidaday (hooyaday) igamana yeelin madax adage xun.

nabadgalyana ha ahaato korkayga maalintii lay dhalay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta laysoo bixin anoo nool.

kaasi waa Ciise ibnu maryama, waana hadalka xaqa ah ee ay shakin.

kuma haboona Eebe inuu yeesho ilmo, waana ka nasahanyahay, markuu doono xukun «amar» wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaan.

Ilaahay waa Eebahay iyo Eebihiin ee caabuda, kaasaa ah jidka toosane.

wayse iskhilaafeen xisbiyadii dhexdooda wuxuuna halaag uga sugnaaday kuwii gaaloobay kulan maalin wayn.

maqli ogaa oo arki ogaa maalintay noo imaan, hase yeeshee daalimiintu maanta waxay ku suganyihiin baadi cad.

uga dig iyaga maalin qoomamo, marka la xukmin amarka iyagoo kusugan halmaansho oon rumeynayn.

annagaa dhaxli dhulka iyo waxa korkiisa ah xagganagaana laydiin soo celin.

ku sheeg kitaabka (nabi) Ibraahim, wuxuuu ahaa runbadane nabi ah.

markuu ku yidhi aabihiis aabbow maxaad u caabudi waxaan maqlayn waxna arkayn kaana qeeqayn waxba.

aabow aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan adi kuu imaanin ee i raac aan kugu hanuuniyo jid toosane (xaqa).

aabbow ha caabudin shaydaan, shaydaanku wuxuu u yahay Eebaha Rasmaan ah caasi.

aabbow anigu waxaan ka cabsan inuu ku taabto cadaabka Eebaha Raxmaana ah ood u noqoto shaydaan qaraabo.

wuxuu yidhi (aabihiis) ma waxaad nici adigu ilaahyadayda Ibraahimow hadaadan joogin waan ku dhagaxyeyn ee iga tag waligeed.

wuxuu yidhi (nabi) Ibraahim nabadgalyo korkaaga ha ahaato waan kuu dambi dhaaf warsan adiga Eebahay, Eebe waa ii naxariiste.

waana idinka fogaan idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay, waxaana baryi Eebahay, waxaana mudan inaanan ku noqonin baryada Eebahay mid ku xumaada (khasaara).

markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi oo Eebe ka soo hadhay waxaan siinay Isxaaq iyo Yacquub mid kastana waxaan ka yeellay nabi.

waxaana ka siinnay naxariistanada (wanaag) waxaana u yeellay amaan run ah oo sarraysa.

ku sheeg kitaabka (nabi) Muuse wuxuu ahaa rasuul nabi ah.

waana uga dhawaaqnay dhinaca (buurta) dhuur ee midigta ah, waana soo dhawaynay annagoo la hadli.

waxaana ka siinnay naxariistanada walaalkiis Haaruun oo nabi ah.

kuna sheeg kitaabka (nabi) Ismaaeiil, wuxuu ahaa rumeeyaha yabooha wuxuuna ahaa rasuul nabi ah.

wuxuuna ahaa mid fara chelkiisa salaadda iyo zakada, wuxuuna ahaa mid Eebe agtiisa lagaga raalli yahay.

kuna sheeg kitaabka (nabi) Idriis, wuxuu ahaa runbadane nabi ah.

waxaana u koryeellay meel sare.

kuwaas waa kuwuu u nicmeeyey Eebe oo nabiyadii ah, oo durriyadii aadam ah, iyo kuwaan xambaarray la jirka (nabi) nuux iyo durriyaddii nabi Ibraahim iyo israa'iil iyo kuwaan hanuuninay oon doorannay, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Eebaha Raxmaan ah way dhacaan iyagoo sujuudi oo ooyi.

waxaase ka gadaal maray kuwo xun oo dayacay salaadda oo raacay waxay naftoodu doonto (oo xun) waxayna la kulim sharr.

cidda toobad keenta oo rumeysa oo camal fiican fasha mooyee, kuwaasu waxay gali jannada lagamana dulmiyo waxba.

jannooyinka cadnin (yey gali) ee ah tuu u yaboohay (Eebaha) Raxmaana addoomadiisa, iyagoo maqan, wuuna ahaan yaboohiisu kii yimaadda.

kuma maqlaan dhexdeeda hadal macno darro, ee waxay maqlaan salaan, waxayna ku mudan rizqigooda dhexdooda aroor iyo galabba.

taasi waa jannada aannu dhaxalsiin addoomadanada kooda ah mid dhawrsada.

kuma soo dagno amarka Eebahaa mooyee, waxaa u sugnaaday waxa horteenna ah, iyo waxa inaga dambeeya iyo waxa u dhexeeya arrintaas, mana aha Eebahaa mid halmaansan.

waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya ee caabud kuna samir cibaadadiisa, ma u ogtahay Eebe wax la mid ah, (oo la magaca).

wuxuu dhihi dadkii (gaalka) ma markaan dhinto yaa laysoo bixin anoo nool.

miyuuna xusuusanayn dadku anagu inaanu abuuray horay isagoon waxba ahayn.

Eebahaan ku dhaartaye waannu kulmin iyaga iyo shayaadiinta, waxaana keenaynaa gaararka jahannamo iyagoo fadhiya.

markaas waxaannu ka siiban koox kasta midkooda ugu daran madax adayg (gaalimada).

annagaa og kuwa mudnaan badan galidda naarta.

cid idinka mid ah oon ku aroorayn ma jiro naarta, arrintaasna waxay ku ahaatay Eebahaa wax go'an oo xukuman.

Markaas waxaannu korin kuwa Dhawrsaday, waxaannu kaga tagi Daalimiinta Dhexdeeda iyagoo Jilbo u Fadhiya.

marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga oo cad cad waxay u dhihi kuwii gaaloobay kuwa rumeeyey labada kooxood midkee khayrroon naggadi oo wanaagsan kulan (fadhi).

badanaa intaan halaagnay hortood quruun ka fiican xoolo (iyo dhar) iyo aragba.

waxaad dhahdaa ciddii baadi ku sugan ha u fidiyo (sugo) Eebaha Raxmaana ah fidin, markay arkaan waxaa loogu gooddiyey ama cadaaba ama saacadda (qiyaame) waxay ogaan cidday xumaan badantahay gurigiisu oo taharyar junuud (ciidamo).

wuu u siyaadiyaa Eebe kuwa hanuunay hanuun, kuwa hadha ee suuban (camalka) yaa khayrroon Eebahaa agtiisa abaal marin khayrna roon meel laysu celiyo.

ka warran midka ka gaalooby aayaadkanaga oo yidhi waxaa lay siin (aakhiro) xoolo iyo carruur.

ma wuxuu daalaeday waxa maqan, mise wuxuu ka yeeshay Eebaha Raxmaana agtiisa ballan.

saas ma aha ee waannu qori wuxuu sheegi, waxaana u fududaynaa (kordhin) cadaabka fidin.

waana dhaxlaynaa wuxuu sheegi wuxuuna noo imaan kali.

waxay yeesheen Eebe ka sokow ilaahyo inay ugu noqdaan cizi (tabar).

saas ma aha ee waxay ka gaaloobi cibaadadooda, waxayna ku noqon korkooda lid (col).

miyaadan ogayn inaan ku dirro shayaadiinta gaalada oy boorrin (baadiyeyn) baadi.

ee ha ku degdegin korkooda, waannu uun u tirin tirec.

xusuuso maalintaan u kulmineyno kuwa dhawrsaday Eebaha Raxmaana iyagoo wafdi ah.

oon u kaxaynayno dambiilayaasha xagga jahannamo iyagoo aroora.

mana hantaan shafeeco cid ka yeelata Eebaha Raxmaana agtiisa ballan mooyee.

waxay dheheen (gaaladu) wuxuu yeeshay Eebaha Raxmaana ilmo.

waxaad la timaadeen wax wayn.

oy u dhawdahay samooyinku inay la dillaacaan lana jeexmo dhulku oy la hoobato buuruhu burbur.

inay u sheegeen Eebaha Raxmaana ilmo.

kuma habboona Eebaha Raxmaana inuu yeesho ilmo.

wax kastoo Samada iyo Dhulka ku sugan uxuu u imaan Eebe isagoo Addoona.

wuu koobay Eebe wuuna Tiriyey Tiro.

Dhammaantoodna waxay u imaan Eebe Qiyaamada iyagoo Kali ah.

kuwa Xaqa rumeeyey ee Camal fiican falay wuxuu u yeeli Eebaha Raxmaana Jacayl.

waxaan uun ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inaad ugu Bishaarayso Quraanka kuwa dhawrsada uguna Digtid Qoom dood badan (oo xun).

Badanaa intaan halaagnay hortood Qarni, ma ka kasaysaa xaggooda (aragtaa) Ruuxna, ama ma ka maqli xaggooda Cod.
Icon