ترجمة معاني سورة مريم باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
ﰡ
آية رقم 1
ﭑ
ﭒ
waa la soo sheegay kuwo lamid ah.
آية رقم 2
ﭓﭔﭕﭖﭗ
ﭘ
(kanna) waa sheegid naaxariista Eebahaa addoonkiisa zakariye.
آية رقم 3
ﭙﭚﭛﭜﭝ
ﭞ
markuu u dhawaaqay Eebihiis dhawaaq qarsoodi ah.
آية رقم 4
yidhina Eebow anigu waan tabaryaraaday madaxayguna wuxuu la huray cirro, Mana ahayn baryadaada Eebow mid ku khasaara.
آية رقم 5
anigu waxaan ka cabsan qaraabada iga dambaysa (inay xumaadaan) haweenaydayduna waa mandhalays iga sii agtaada wali (walad).
آية رقم 6
i dhaxla (nabinimada) oo dhaxla ehelkii yacquub kana yeel Eebow mid laga raalli noqdo.
آية رقم 7
zakariyow annagu waxaanu kuugu bishaarayn wiil magaciisu Yahay yaxye oonaan u yeelin horay wax lamid ah (lamagac ah).
آية رقم 8
wuxuu yidhi Eebow sidee iigu ahaan wiil iyadooy tahay haweeneydaydu madhalays oon ka gaadhay waynida gabow.
آية رقم 9
wuxuu yidhi waa saas, wuxuuna Eebaha yidhi isagu waa ii Fududahay waana ku abuuray horay adoon ahayn waxba.
آية رقم 10
wuxuu yidhi Eebow ii yeel calaamo (xaqnimada yaboohaada) wuxuu yidhi (Eebe) calaamadaadu waa inaadan la hadlin dadka seddex habeen oo israacsan (adoo fayow).
آية رقم 11
markaasu ugaga soo baxay qoomkiisii mixraabka wuxuuna u ishaaray xaggooda inay tukadaan aroor iyo galabba.
آية رقم 12
(waxaa loo yidhi) yaxyow ku qaado kitaabka (tawreed) xoog (dadaal) waxaan siinnay xigmo isagoo yar.
آية رقم 13
iyo naxariis agtanada ka ahaatay iyo daahirnimo wuxuuna ahaa dhawrsade.
آية رقم 14
ﭢﭣﭤﭥﭦﭧ
ﭨ
iyo baarri labadiisa waalid mana ahayn daalim caasi ah.
آية رقم 15
nabadgalyo korkiisa ha ahaato maalinta la dhalay iyo maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool.
آية رقم 16
(ku xusuuso) kitaabka maryama markay uga fogaatay ehelkeeda meel bari ah, (bariga qudsi).
آية رقم 17
oyna ka yeelatay xaggeeda astur, oon u dirray xaggeeda ruuxannagii (jibriil), oo isugu shabahay dad eg.
آية رقم 18
una tidhi anigu waxaan kaa magan galay (Eebaha) Raxmaan ah haddaad tahay dhawrsade.
آية رقم 19
kuna yidhi anigu waxaan uun ahay rasuulka Eebahaa inaan ku siiyo wiil daahir ah.,
آية رقم 20
waxayna tidhi sidee iigu ahaan wiil anoosan i taaban dad, ahaynna mid xun (la tuhmo).
آية رقم 21
wuxuuna yidhi waa sidaas wuxuuna yidhi Eebahaa wuu u fududyahay yidhi Eebahaa wuu u fududyahay korkayga iyo inaan uga yeello calamaad dadka iyo naxariis xagayga ah waana arrin la xukumay (dhammeeyey).
آية رقم 22
ﯜﯝﯞﯟﯠﯡ
ﯢ
way xambaartay (uurowday) waxayna u fogaatay meel dheer (durugsan).
آية رقم 23
waxayna u dhibaataysay fooshii jirrid timir waxayna tidhi shalleytee maan dhinto ka hor arrintan oon noqodo mid la halmaamo o laga tago.
آية رقم 24
wuxuuna uga dhawaaqay hoosteeda ha murugoonin wuxuu yeelay Eebahaa hoostaada wabi (yar).
آية رقم 25
una gilgil xaggaaga jirridda timirta ha kuu soo riddo korkaaga timir (curdana) oo fiicane.
آية رقم 26
ee cun oo cab qabowsana il (farax) haddaad ka aragto dadkana ruux waxaad dhahdaa anigu waxaan ugu nadray (Eebaha) Raxmaan oon u soomi oonan la hadlin maanta cidna.
آية رقم 27
waxayna ula timid ciise qoomkeeda uyadoo xambaarsan waxayna dheheen maryamoy waxaad la timid wax wayn.
آية رقم 28
haruun walaashiisay (u eg wanaagga) ma eheyn aabahaa ruux xun, mana ahayn hooyadaa mid xun (la tuhmo).
آية رقم 29
wayna u ishaartay xaggiisa waxayna dhaheen sideen ula hadlaynaa ruux ku sugan Sariirilmood isagoo yar.
آية رقم 30
wuxuuna yidhi (ciise) anigu waxaan ahay addoon Eebe, wuxuuna i siiyey kitaabka (injiil) wuxuuna iga yeelay nabi.
آية رقم 31
wuxuuna iga yeelay mid la barakeeyey meel kastoon ahay, wuxuuna ii dardaarmay salaadda iyo zakada intaan noolahay.
آية رقم 32
ﮞﮟﮠﮡﮢﮣ
ﮤ
wuxuuna iga yeelay baarriga waalidaday (hooyaday) igamana yeelin madax adage xun.
آية رقم 33
nabadgalyana ha ahaato korkayga maalintii lay dhalay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta laysoo bixin anoo nool.
آية رقم 34
kaasi waa Ciise ibnu maryama, waana hadalka xaqa ah ee ay shakin.
آية رقم 35
kuma haboona Eebe inuu yeesho ilmo, waana ka nasahanyahay, markuu doono xukun «amar» wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaan.
آية رقم 36
Ilaahay waa Eebahay iyo Eebihiin ee caabuda, kaasaa ah jidka toosane.
آية رقم 37
wayse iskhilaafeen xisbiyadii dhexdooda wuxuuna halaag uga sugnaaday kuwii gaaloobay kulan maalin wayn.
آية رقم 38
maqli ogaa oo arki ogaa maalintay noo imaan, hase yeeshee daalimiintu maanta waxay ku suganyihiin baadi cad.
آية رقم 39
uga dig iyaga maalin qoomamo, marka la xukmin amarka iyagoo kusugan halmaansho oon rumeynayn.
آية رقم 40
annagaa dhaxli dhulka iyo waxa korkiisa ah xagganagaana laydiin soo celin.
آية رقم 41
ku sheeg kitaabka (nabi) Ibraahim, wuxuuu ahaa runbadane nabi ah.
آية رقم 42
markuu ku yidhi aabihiis aabbow maxaad u caabudi waxaan maqlayn waxna arkayn kaana qeeqayn waxba.
آية رقم 43
aabow aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan adi kuu imaanin ee i raac aan kugu hanuuniyo jid toosane (xaqa).
آية رقم 44
aabbow ha caabudin shaydaan, shaydaanku wuxuu u yahay Eebaha Rasmaan ah caasi.
آية رقم 45
aabbow anigu waxaan ka cabsan inuu ku taabto cadaabka Eebaha Raxmaana ah ood u noqoto shaydaan qaraabo.
آية رقم 46
wuxuu yidhi (aabihiis) ma waxaad nici adigu ilaahyadayda Ibraahimow hadaadan joogin waan ku dhagaxyeyn ee iga tag waligeed.
آية رقم 47
wuxuu yidhi (nabi) Ibraahim nabadgalyo korkaaga ha ahaato waan kuu dambi dhaaf warsan adiga Eebahay, Eebe waa ii naxariiste.
آية رقم 48
waana idinka fogaan idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay, waxaana baryi Eebahay, waxaana mudan inaanan ku noqonin baryada Eebahay mid ku xumaada (khasaara).
آية رقم 49
markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi oo Eebe ka soo hadhay waxaan siinay Isxaaq iyo Yacquub mid kastana waxaan ka yeellay nabi.
آية رقم 50
waxaana ka siinnay naxariistanada (wanaag) waxaana u yeellay amaan run ah oo sarraysa.
آية رقم 51
ku sheeg kitaabka (nabi) Muuse wuxuu ahaa rasuul nabi ah.
آية رقم 52
waana uga dhawaaqnay dhinaca (buurta) dhuur ee midigta ah, waana soo dhawaynay annagoo la hadli.
آية رقم 53
waxaana ka siinnay naxariistanada walaalkiis Haaruun oo nabi ah.
آية رقم 54
kuna sheeg kitaabka (nabi) Ismaaeiil, wuxuu ahaa rumeeyaha yabooha wuxuuna ahaa rasuul nabi ah.
آية رقم 55
wuxuuna ahaa mid fara chelkiisa salaadda iyo zakada, wuxuuna ahaa mid Eebe agtiisa lagaga raalli yahay.
آية رقم 56
kuna sheeg kitaabka (nabi) Idriis, wuxuu ahaa runbadane nabi ah.
آية رقم 57
ﮂﮃﮄ
ﮅ
waxaana u koryeellay meel sare.
آية رقم 58
kuwaas waa kuwuu u nicmeeyey Eebe oo nabiyadii ah, oo durriyadii aadam ah, iyo kuwaan xambaarray la jirka (nabi) nuux iyo durriyaddii nabi Ibraahim iyo israa'iil iyo kuwaan hanuuninay oon doorannay, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Eebaha Raxmaan ah way dhacaan iyagoo sujuudi oo ooyi.
آية رقم 59
waxaase ka gadaal maray kuwo xun oo dayacay salaadda oo raacay waxay naftoodu doonto (oo xun) waxayna la kulim sharr.
آية رقم 60
cidda toobad keenta oo rumeysa oo camal fiican fasha mooyee, kuwaasu waxay gali jannada lagamana dulmiyo waxba.
آية رقم 61
jannooyinka cadnin (yey gali) ee ah tuu u yaboohay (Eebaha) Raxmaana addoomadiisa, iyagoo maqan, wuuna ahaan yaboohiisu kii yimaadda.
آية رقم 62
kuma maqlaan dhexdeeda hadal macno darro, ee waxay maqlaan salaan, waxayna ku mudan rizqigooda dhexdooda aroor iyo galabba.
آية رقم 63
taasi waa jannada aannu dhaxalsiin addoomadanada kooda ah mid dhawrsada.
آية رقم 64
kuma soo dagno amarka Eebahaa mooyee, waxaa u sugnaaday waxa horteenna ah, iyo waxa inaga dambeeya iyo waxa u dhexeeya arrintaas, mana aha Eebahaa mid halmaansan.
آية رقم 65
waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya ee caabud kuna samir cibaadadiisa, ma u ogtahay Eebe wax la mid ah, (oo la magaca).
آية رقم 66
wuxuu dhihi dadkii (gaalka) ma markaan dhinto yaa laysoo bixin anoo nool.
آية رقم 67
miyuuna xusuusanayn dadku anagu inaanu abuuray horay isagoon waxba ahayn.
آية رقم 68
Eebahaan ku dhaartaye waannu kulmin iyaga iyo shayaadiinta, waxaana keenaynaa gaararka jahannamo iyagoo fadhiya.
آية رقم 69
markaas waxaannu ka siiban koox kasta midkooda ugu daran madax adayg (gaalimada).
آية رقم 70
annagaa og kuwa mudnaan badan galidda naarta.
آية رقم 71
cid idinka mid ah oon ku aroorayn ma jiro naarta, arrintaasna waxay ku ahaatay Eebahaa wax go'an oo xukuman.
آية رقم 72
Markaas waxaannu korin kuwa Dhawrsaday, waxaannu kaga tagi Daalimiinta Dhexdeeda iyagoo Jilbo u Fadhiya.
آية رقم 73
marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga oo cad cad waxay u dhihi kuwii gaaloobay kuwa rumeeyey labada kooxood midkee khayrroon naggadi oo wanaagsan kulan (fadhi).
آية رقم 74
badanaa intaan halaagnay hortood quruun ka fiican xoolo (iyo dhar) iyo aragba.
آية رقم 75
waxaad dhahdaa ciddii baadi ku sugan ha u fidiyo (sugo) Eebaha Raxmaana ah fidin, markay arkaan waxaa loogu gooddiyey ama cadaaba ama saacadda (qiyaame) waxay ogaan cidday xumaan badantahay gurigiisu oo taharyar junuud (ciidamo).
آية رقم 76
wuu u siyaadiyaa Eebe kuwa hanuunay hanuun, kuwa hadha ee suuban (camalka) yaa khayrroon Eebahaa agtiisa abaal marin khayrna roon meel laysu celiyo.
آية رقم 77
ka warran midka ka gaalooby aayaadkanaga oo yidhi waxaa lay siin (aakhiro) xoolo iyo carruur.
آية رقم 78
ma wuxuu daalaeday waxa maqan, mise wuxuu ka yeeshay Eebaha Raxmaana agtiisa ballan.
آية رقم 79
saas ma aha ee waannu qori wuxuu sheegi, waxaana u fududaynaa (kordhin) cadaabka fidin.
آية رقم 80
ﭭﭮﭯﭰﭱ
ﭲ
waana dhaxlaynaa wuxuu sheegi wuxuuna noo imaan kali.
آية رقم 81
waxay yeesheen Eebe ka sokow ilaahyo inay ugu noqdaan cizi (tabar).
آية رقم 82
saas ma aha ee waxay ka gaaloobi cibaadadooda, waxayna ku noqon korkooda lid (col).
آية رقم 83
miyaadan ogayn inaan ku dirro shayaadiinta gaalada oy boorrin (baadiyeyn) baadi.
آية رقم 84
ee ha ku degdegin korkooda, waannu uun u tirin tirec.
آية رقم 85
ﮗﮘﮙﮚﮛﮜ
ﮝ
xusuuso maalintaan u kulmineyno kuwa dhawrsaday Eebaha Raxmaana iyagoo wafdi ah.
آية رقم 86
ﮞﮟﮠﮡﮢ
ﮣ
oon u kaxaynayno dambiilayaasha xagga jahannamo iyagoo aroora.
آية رقم 87
mana hantaan shafeeco cid ka yeelata Eebaha Raxmaana agtiisa ballan mooyee.
آية رقم 88
ﮮﮯﮰﮱ
ﯓ
waxay dheheen (gaaladu) wuxuu yeeshay Eebaha Raxmaana ilmo.
آية رقم 89
ﯔﯕﯖﯗ
ﯘ
waxaad la timaadeen wax wayn.
آية رقم 90
oy u dhawdahay samooyinku inay la dillaacaan lana jeexmo dhulku oy la hoobato buuruhu burbur.
آية رقم 91
ﯣﯤﯥﯦ
ﯧ
inay u sheegeen Eebaha Raxmaana ilmo.
آية رقم 92
ﯨﯩﯪﯫﯬﯭ
ﯮ
kuma habboona Eebaha Raxmaana inuu yeesho ilmo.
آية رقم 93
wax kastoo Samada iyo Dhulka ku sugan uxuu u imaan Eebe isagoo Addoona.
آية رقم 94
ﯺﯻﯼﯽ
ﯾ
wuu koobay Eebe wuuna Tiriyey Tiro.
آية رقم 95
ﯿﰀﰁﰂﰃ
ﰄ
Dhammaantoodna waxay u imaan Eebe Qiyaamada iyagoo Kali ah.
آية رقم 96
kuwa Xaqa rumeeyey ee Camal fiican falay wuxuu u yeeli Eebaha Raxmaana Jacayl.
آية رقم 97
waxaan uun ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inaad ugu Bishaarayso Quraanka kuwa dhawrsada uguna Digtid Qoom dood badan (oo xun).
آية رقم 98
Badanaa intaan halaagnay hortood Qarni, ma ka kasaysaa xaggooda (aragtaa) Ruuxna, ama ma ka maqli xaggooda Cod.
تقدم القراءة