ترجمة سورة القيامة

الترجمة الصومالية
ترجمة معاني سورة القيامة باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية .
من تأليف: الشيخ محمد أحمد عبدي .

Waxaan ku dhaaran maalinta qiyaame. (1)
Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin). (2)
Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa. (3)
Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa. (4)
Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya. (5)
Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame. (6)
Markase Araggu Wareero (Taagmo). (7)
Dayuxuna Madoobaado. (8)
Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa. (9)
Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa. (10)
Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee). (11)
Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan. (12)
Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday. (13)
Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri. (14)
Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto). (15)
Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiiso). (16)
Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi. (17)
Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa. (18)
Annagaana isasaarray Cadaayntiisa. (19)
saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada). (20)
Waxaadna ka tagaysaan aakhiro. (21)
Wajiyaal Maalintaas way ifi. (22)
Eebeheedna way Eegi. (23)
Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami. (24)
Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo. (25)
Saas ma aha ee markay naftu gaadho Dhuunta (Waqtiga Geerida). (26)
Oo la Dhoho yaa ku tufi. (27)
Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman. (28)
Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis). (29)
Eebahaa Xaggiisaa la aadi. (30)
Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin. (31)
Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday. (32)
Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan. (33)
Halaag Buuse Mutaa. (34)
Haddana Halaagbuu Mutaa. (35)
Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan). (36)
Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo. (37)
Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana. (38)
Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig. (39)
Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay. (40)
Icon