ترجمة سورة الإنشقاق

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
ترجمة معاني سورة الإنشقاق باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation .


Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada).

Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee.

Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada).

Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado.

Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa).

Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi.

Ruusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu'minkee).

Waxaa la xisaabin xisaab fudud.

Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan.

Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune).

Wuxuu u yeedhan Halaag.

Wuxuuna gali Naarta Saciira.

Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii).

Wuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame).

Saas ma ahee Eebe waa arkaa.

Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca.

Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay.

Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo.

Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan/

Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa).

Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin.

Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa).

Eebana waa ogyahay waxay qarsan.

Ugu bishaaree caddibaad daran.

Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go'aynin.
Icon