ترجمة سورة النساء

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
ترجمة معاني سورة النساء باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation .


Dadow ka Dhawrsada Eebihiina Idinka Abuuray Nafkaliya (Aadam) kana Abuuray xaggeeda Haweenaydeeda (Xaawo) kana Abuuraay Xagooda Rag Badan iyo Haweenba, ka Dhawrsada Eebihiina aad wax isku Warsataan iyo Qaraabada, Eebana wuxuu u Yahay Korkiina Ilaaliye.

Siiya Agoonta xoolahooda hana ku Badalina Xumaan Wanaag, hana Cunina xoolahooda La jirka Xoolihiinna Taasina waa Dambi weyn.

Haddaad ka Cabsataan inaydaan ku Cadaalad Falin Agoonta Guursada wixii idiin Wanaagsan oo Haween ah, Labo, Saddex iyo Afar, Haddaad ka Cabsataan inaydaan Caddaalad Falin Mid kaliya (Guursada) ama waxay Hanatay Gacmihiinnu Saasaa u Dhaw inaydaan Jawrfalinc.

Siiya Haweenka Meherkooda isagoo Waajib ah hadday idiinka Raali noqoto wax ka mid ah Naftoodu Cuna idinkoo Shifaysan oo Kadban.

Ha Siinina Sufahada (Maamuli karin) Xoolahooda ah kuwo idiinka yeelay Eebe Ilaaliye ka Quudiya kana Arradbixiya una Dhaha Hadal Fiican.

Imtixaamana Agoonta markay Gaadhaan Guur Haddaad ku Aragtaan (Ogaataan) Rashiidnimo (Wanaag) siiya iyaga Xoolahooda hana u Cunina Xad gudub iyo ka degdagis intayna Weynaana, Ruuxii Hodan ah ha dhawrsado Ruuxii Faqiir ahna ha ka Cuno si Wanaagsan, markaad u Dhiibtaan Xoolahooda Marag u yeela Koriisa, waana ku Filanyahay Eebe Xisaabiye.

Ragga waxaa u Sugnaaday Qayb ka mid ah waxay ka tageen Laba Waalid iyo Qaraabadu Haweenkana waxaa u Sugnaaday Qayb ka mid ah waxay ka Tageen Laba Waalid iyo Qaraabadu

Hadday Joogaan Qaybta Qaraabo, Agoon iyo Masaakiin (aan dhaxlayn) wax ka Siiya una dhaha Hadal Wanaagsan.

Hana ka Cabsadeen kuwa Hadday kaga Tagaan Gadaashooda Caruur Tabar Yar una Cabsan lahaa hana ka Dhawrsadeen Ecbe hana Dheheen Hadal Toosan.

Kuwa u Cunaya Xoolaha Agoonla Dulmi (Xaq darro) waxay uun ku Cunayaan Calooshooda Naar waxayna Gali Saciiro.

Wuxuu idiin Dardaarmi Eebe Caruurtiinna kan Lab la mid Qaybta Labo Dhadig, Hadday Yihiin Hawween ka Sarreeya Labo waxay Mudun Labo Dalool wiixuu ka Tagay, hadday tahay mid waxay Mudan Nus, Labada Waalidna mid kastoo ka mid ah wuxuu Mudan Sudus (I.ix meelood meel) Hadduu ka Dhintay (Ilmahoodu) Caruur, hadduu Caruur lahayn oy Dhaxlayaan Labada Waalid Hooyadu waxay Mudan Saddex Meelood Mcel, Hadduu Walaalo leeyahay Hooyadu waxay Mudan Sudus Dardaaranka iyo Daynta ka Dib, Aabayaalkiina iyo Wiilashana ma Ogidin Kooda idinku Dhaw Nacfi, waa Faralyeel «Qaddaraad» Eebe, Ilahayna waa Oge Falsan.

Waxaa idiin Sugnaaday Nus waxay ka Tagaan Haweenkiinu hadayna Ilmo lahayn, haddayse lahaayeen Ilmo waxaad leedihiin Rubuc (Afar meelood meel) waxay ka tagaan Dardaaran ay dardaarmeen iyo Dayn ka Dib, Haweenkuna waxay Mudan Rubuc waxaad ka Tagteen Haddaydaan Ilmo lahayn, haddaad Ilmo leedihiin waxay mudan thumun (Sideed Meelood meel) waxaad ka tagtaan, dardaaran aad dardaarmaysaan iyo Dayn ka Dib, hadduu yahay Ninku mid la Dhaxli Waalid iyo Ilmo la'aan ama Haweenaydu isagoo leh Walaal ama Walaashiis mid kasta wuxuu Mudan Sudus (Hadday la hooya yihiin) hadday yihiin wax ka badan intaas waxay wadaagi thuluth (Saddexmeelood meel) Dardaaran la dardaarmo iyo Dayn ka Dib, isagoon Dardaaranka Cidna lagu Dhibayn, waana Dardaaran Eebe, Ilaahayna waa Oge Dulsan.

Taasi wa Xuduud Eebe, Ruuxii Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu Galin Jannooyin ay Dareeri Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku Waari Dhexdeeda, Taasina waa Liibaan weyn.

Ruuxiise Caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa oo Tallaaba Xuduudiisa wuxuu Galin Naar isagoo ku Waari Dhexdeeda, wuxuuna Mudan Cadaab wax Dulleeya.

Kuwa la imaan Xumaan (Zino) oo Haweenkiina ka mid ah, Marag uga Dhiga Afar idinka mid ah, hadday ku marag Kacaan ku Haya Guryaha intay ka Disho Geeridu ama u yeelo Eebe Waddo.

Labadii la Timaadda Xumaanta (Zinada) oo idinka mid ah Dhiba Hadayse Toobadkeenaan ooy Wanaagsanaadaan ka Jeedsada Xagooda, Eebana waa Toobad aqbale Naxariista.

Toobadda (Aqbalkeeda) waxay Eebe uga ahaatay kuwa Fala Xumaha iyagoo Jaahil ah markaas Toobad keena Waqti dhaw Kuwaas wuu ka Toobad aqbala Eebe korkooda, Eebana waa Oge Falsan.

Uma aha Toobaddu ku Fala Xumaha intuu uga Yimaaddo Midkood Geeridu markaas dhaha Anigu waxaan Toobad keeni hadda, iyo Kuwa Dhiman Iyagoo Gaala ah, Kuwaas waxaan u Darabnay Cadaab Daran.

Kuwa (Xaqa) Rumeeyow idiinma Banaana inaad u Dhaxashaan Haweenka Xoog iyo inaad dhibtaan si aad ula tagtaan (Qaadataan) Qaar waxaad Siiseen inay la Yimaadaan Xumaan Cad Mooyee, kulana Noolaada si Fiican, haddaad Kahataan waxaa Suurowda inaad Kahataan wax uu Yeelo Eebe dhexdiisa Khayr Badan.

Haddaad Doontaan inaad ku Baddashaan Haweenay mid kale idinkoo Siiyey Meher (Badan) ha ka Qaadanina Xaggiisa waxba, Ma waxaad Qaadanaysaan Been iyo Dambi Cad.

Seed uga Qaadanaysaan idinkoo Qaarkiin Qaar Arkay, ood kana Qaaddeen Ballan Adag.

Ha Guursanina waxay Guursadeen Aabayaashiin wixii hor maray mooyee, waa Xumaan iyo wax loo cadhoodo Waddana Iyadaa U xun.

Waxaa laydinka Reebay Hooyooyinkiin (inaad Guursataan) iyo Gabdhihiinna, Walaalihiin, Eedooyinkiin, Habaryarihiin, Gabdhaha Walaalkaa, Gahdhaha walaashaa, Hooyooyinka idin Nuujiyey Walaalaha Nuugmada Hooyooyinka Haweenkiinna, Gabdhaad Dhaqaalaysaan., ee Haweenkiinna aad is aragteen Dhaleen, Haddaydaan is arkin wax dhib ah (Danbi) ma saara korkiinna, Haweenka Wiilashiinna Dhabta ah, iyo inaad kulmisaan Labo Walaalo ah wixii horay maray mooyee, Eebana waa u Dhaafe Naxariista.

(Waxaa Kaloo idinka reeban) Haweenka la Qabo, waxay Hantaan Gacmihiinnu mooyee Kitaabka Eebaa korkiinna ah, waxaa laydiin banneeyey waxa ka Soohadhay kuwaas inaad ku dalablaan Xoolahiinna idinkoo dhawrsoon oon Xumaan (Zino) Falin, waxaad ku intifaacdaan Xaggooda Siiya Meherkooda waa Qadaraad Eebe, Dhib (Dambi) korkiinna ma Saarra waxaad isaga raalli Noqoteen Qadarrida ka Dib, Eebana waa Oge Falsan.

Ruuxaan Karin oo idinka mid ah Awood uu ku Guursado Haweenka Dhawrsoon ee rumeysan (Xaqa) ha Guursado waxay hanatay Gacmihiin nu oo ah Gabdhaha Rumeysan (Xaqa) Eebana waa ogyahay limaanskiina, Qaarkiin Qaarbuu ka ahaaday, kuna guursada idamka Ehelkooda u Siiyana Ujuurada (Meherkooda) si Fiican, iyagoo Dhawrsoon oo Xumaan (Zino) ka Dheer, Saxiibana yeelanayn, Haddii lagu dhawro (Guur) ooy Xumaan la Yimaadaan korkooda waxaa ah Nus waxa ah kuwa Xorta ah oo Ciqaab ah, Arrintaas waa Ruuxii ka Cabsada Zino, oo idinka mid ah, Haddaadse Samirtaan ya idiin khayr roon, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista.

Wuxuu Dooni Eebe inuu idiin Caddeeyo Idinkuna Hanuuniyo Wadadii kuwii idinka Horreeyey oo idinka Toobad aqbalo Eebana waa Oge Falsan.

Eebe wuxuu dooni inuu idinka Toobad aqbalo waxayse dooni kuwii Raacay waxa Naftoodu Jeceshahay inaad iilataan iilasho wayn.

Wuxuu dooni Eebe inuu idinka Fudeyiyo, waxaase La Abuuray Dadka isagoo tabar Yar.

Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Cunina Xoolihiina dhexdiinna (Si Baadil ah) (Xaaraam ah) inay Ganacsi Raalli aad tihiin tahay mooyee, hana Dilina Naftinna, Eebe wuxuu idiinyahay Naxariistee.

Cidii Fasha Arrintaas Colnimo iyo Dulmi Waxaannu galin Doonnaa Naar, Arrintaasna Eebe waa u Fududahay.

Haddaad ka Dheeraataan Dambiyada waa weyn waxaan idinka Reebeynno waxaannu ka asturi Xaggiinna Xumaantiinna waxaana idin Galin Meel Fiican (Sharaf leh).

Ha tamaniyina wuxuu kaga Fadilay Eebe Qaarkiin Qaar, Ragga waxaa u Sugnaaday Qayb waxay kasbadeen. Haweenkana waxaa u Sugnaaday qayb waxay kasbadeen Waydiista Eebe Fadligiisa, Eebana waxkaasta waa Ogyahay.

Cid kasta waxaan u Yeellay Kuwo dhaxla waxay ka tageen Labada waalid iyo Qaraabadu iyo kuwaad Guntateen Dhaar (Isdhaarsateen) siiya Qaybtooda, (oo Gargaar ah), Eebana wax kasta waa u Marag.

Raggaa u taagan (Maamulka) Haweenka, ka Fadilida Eebe Qaarkood Qaar iyo ku nafaqaynta Xoolahooda darteed, (Haweenka) Wanaagsan way Adeecaan Haaliyaanna Maqnaas- ho ilaalinta Eebe Darteed, kuwaadse ka Cabsataan Caasinimadooda waaniya, kagana Fogaada Jiifka Edbiyana, hadday idin Adeecaanna ha u dalbina Korkooda jid (inaad dhibtaan), Eebana waa Sare Wayn.

Haddaad ka Cabsataan Iskhilaafka Dhexdooda u bixiya Xaq soore Ehelkiisa ah iyo Xaq soore Ehelkeeda ah, hadday doonaan Wanaajinna Eebe wuu iswaafajin Dhexdooda, Eebana waa Oge Xeeldheer.

Caabuda Eebe hana la Wadaajinina waxba, Labada Waalidna u Wanaag fala, iyo Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta, Dariska dhaw, Dariska Durugsan, Saaxiibka Dhinaca, Socotada iyo waxay hanatay Gacmihiinnu, Eebana ma Jecla Cidda Kibirka badan ee Faanka badan.

Oo ah kuwa Bakhayla Farana Dadka Bakhaylnimo qarinna wuxuu Siiyey Eebe oo Fadli ah, waxaana u darabnay Gaalada cadaab wax dulleeya.

Iyo kuwa u bixiya Xoolahooda istuska Dadka oon rumeyn Eebe iyo Maalinta Dambe, ruuxii shaydaan u noqdo Saaxiib wuu Xumaaday Saaxiibkiis.

Maxaa korkooda ah hadday Rumeeyaan Eebe iyo Maalinta Dambe oy Bixiyaan Qayb wuxuu ku Arzuqay Eebe, Ilaahayna waa Ogyahay iyaga.

Eebe ma Dulmiyo wax la eg Darro (waxyar) hadday Wanaagtahayna wuu faab laabaa wuuna ka siin Agtiisa Ajir Weyn.

ee Say ahaan Markaan ka keenno Umad kasta marag oon kuu keenno adigana (Nabiga) kuwaas korkooda Marag.

Maalintaas waxay Jeclaan kuwii Gaaloobay oo Caasiyey Rasuulka in lala Simo (Liqo) Dhulka kamana Qariyaan Eebe Hadal.

kuwa (Xaga) Rumeeyow haw dhawaanina Salaadda idinkoo sakhraansan intaad ka garataan waxaad dhahaysaan iyo idinkoo Junub ah inaad Jid gudbaysaan mooyee intaad ka maydhataan, haddaad tihiin kuwa Buka ama Safar ah ama ka yimid Ruux idin ka mid ah kortag, ama Taabataan haweeneey aadanna helayn Biyo ku Gagabaysta Carro Wanaagsan, kuna masaxa (Mariya) Wajiyadiinna iyo Gac- mihiinna, Eebana waa Cafiye Dambi dhaafa.

Ka warran kuwa la siiyey Qayb Kitaabka ah (Tawreed) oo Gadan Baadi doonina inaad ka Dhuntaan Jidka.

Eebaa Og Colkiinna, waxaana ku filan Eebe, wuxuuna ugu filanyahay Eebe Gargaare.

Kuwii Yuhuudoobay waxay ka Leexin Kalimooyinka Meelahooda waxayna dhihi waan Maqalay oon Caasinay, Maqla ha maqlinee, waxayna (dhihi) na ilaali iilid Carrabkooda iyo Durid Diinta (Islaamka) darteed, hadday dhahaan waan maqalay waana Adeeenay ee maqal na dayna saasaa u khayroonaan lahayd una toosnaanlahayd, laakiin waxaa lacnaday Eebe Gaalnimadooda Darteed mana Rumeeyaan wax yar mooyee.

Kuwa la siiyey Kitaabkow Rumeeya waxaan soo dajinay isagoo rumeyn waxaad haysataan ka hor tirid wajiyaal oon u Celino gadaasheeda ama Nacladno sidaan u Nacladnay Asaxaabtii (Kuwii) Sabtida (Yuhuudda) amarka Eebana waa kan lafalo.

Eeba ma dhaafo in lala wadaajiyo wuxuuse ka dhaafaa waxaa wixii ka soo hadhay Cidduu doono, Ruuxii la wadaajiyo Eebe wuxuu beenabuurtay Dambi Weyn.

Ka warrama kuwa daahirin (amaani) Naftooda, Eebaa Daahiriya Cidduu doono lagamana Dulmiyo waxa ku dhaggan Jeex Laf Timireed (Wax yar).

Day siday ugu Been Abuuran Eebe isagaa ugu filan Dambi Cad.

Ka warran kuwa la siiyey qayb Kitaabka ah oo rumeyn Sixir iyo Shaydaan, una dhihi kuwa Gaaloobay kuwaasaa ka hanuunsan (Toosan) Kuwa Rumeeyey Jidkooda.

Kuwaas waa kuwuu Nacladay Eebe, Cid Eebe Nacladayna uma heshid Gargaare.

Mise waxay leeyihiin Qayb Xukunka oo markaas ayan siinayn Dadka Laf Timir Duleelkeed (wax buuxiya).

Mise waxay ku Xasdi Dadka waxa Eebe Siiyey oo Fadli ah, waxaan Siinay Ehelkii Ibraahiim Kitaabka iyo Xigmad, waxaana siinay Xukun Wayn.

Waxaase ka mid noqday mid Rumeeya (Xaqa) waxaana ka mid ah mid ka Jeediya Xaqa, waxaa ugu Filan Jahannamo Gubid.

Kuwii ka Gaaloobay Aayaadkanaga waxaanu Galin Naarta, mar kastoos gubto Haragoodu waxaan ku badalnaa harko kale si ay u Dhadhamiyaan Cadaabka, Eebana waa Adkaade Falsan.

Kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican waxaan galinaynaa Jannooyin ay Dareeri Dhexdeeda Wabiyaal, oyna ku waari Dhexdeeda Waligood, waxayna ku mudan haween la Daahiriyey waxaana Galinaynaa Hoos Fiican.

Eebe wuxuu idin Fari inaad u Gudaan (siisaan) Amaanada Ehelkeeda, (Ciddeeda) haddaad kala Xukumaysaan Dadkana inaad ku kala Xukuntaan Caddaalad, Eebe waxaa Wanaagsan wuu idinku waanin Eebana waa Maqle Arka.

Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Adeeca Eebe oo Adeeca Rasuulka iyo kuwa Amarka leh, oo idinka mid ah, haddaad ku Dooddaan Arrin u Celiya Eebe iyo Rasuulka haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Eebe iyo Maalinta Dambe (Qiyaamada) saasaana khayr roon oo Wanaag badan Xagga Abaalmarinta.

ka warran kuwa Sheegan inay rumeeyeen waxa lagugu soo dejiyey iyo waxa lagu Dejiyey kuwii kaa horreeyay oo ku Xukuntami Shaydaan, iyagoo la faray inay diidaan, wuxuuna dooni Shaydaanku inuu Baadiyeeyo Baadi Fog.

Marka lagu dhaho u kaalay wuxuu Soo Dejiyey Eebe iyo xagga Rasuulka waxaad Arkaysaa Munaafiqiinta oo kaa Jeedsan jeedasho.

Say noqon markay ku Dhaedo Musiibo (dhibaato) waxay hor marsadeen Gaemahoodu Darteed, markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaran Eebe inaanaan doonin waxaan Wanaag iyo Tawfiiq ahayn.

Kuwaasu waa kuwa Ogyahay Eebe waxa Quluubtooda ku Sugan ee ka Jeedso Xaggooda waanina waxaadna u dhahdaa naftooda Hadal xeel dheer.

Umaanaan dirin Rasuul in la Adeeco mooyee Idanka Eebe, hadday markay Dulmiyaan Naftooda ay kuu yimaadaan oy Dambi dhaaf waydiistaan Eebe una Dambi dhaaf waydiiyo Rasuulku waxay Eebe (ogaan) dambi dhaafe Naxariista.

Eebahaa baan ku dhaartaye ma rumeeyaan intay kugu Xukuntamaan waxa dhex mara oyna ka helin Naftooda dhib, waxaad Xukuntay ooy hogaansamaan hogaansi.

Haddaan ku Faral yeello korkooda Dila Naftiinna ama ka baxa Guryihiinna ma Faleen wax yar oo ka mid ah mooyee, hadday Falaan waxa lagu waanin yaa u. Khayr roon kuna daran (adag) sugnaan (Rumeyn).

Markaasaan ka siin lahayn Agtanada Ajir wayn.

waxaana ku hanuunin lahayn Jid Toosan.

Ciddii Adeeca Eebe iyo Rasuulka kuwaasu waxay ahaan lajirka kuwuu u niemeeyey Eebe, oo nabiyada, Rumeeyayaasha, Shuhadada iyo kuwa Suubban waxaana u fiican rafiiq kuwaas.

Arrintaasuna waa Fadliga Eebe waxaana ku Filan Eebe Ogaansho.

Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Qaata Digtoonidiinna Duulana idinkoo Koox Koox ah, ama Duula Dhamaan.

Waxaa idinka mid ah (Munaafiqiin) Cabsin (Dib marin) hadday idinku dhaedo Musiibp (dhibaato) wuxuu dhahaa waxaa ii Niemeeyey Eebe korkayga haddaanan la joogin.

Hadduu idin soo gaadho (Heshaan) Fadli Eebe (Khayr) wuxuu dhihi sidii isagoo ayna ahayn dhexdiinna Jeceyl Shallaaytee maxaan ula Joogi waayay, oon Liibaano Liibaan wayne.

Ha kula Dagaallameen Jidka Eebe kuwa ku Gatay Nolasha Dhaw Aakhiro (doorta Adduun) Ruuxii ku dagaalama Jidka Eebe oo la Dilo ama Adkaada waxaan Siinaynaa Ajir wayn.

Maxaad leedihiin ood ugu Dagaalami waydeen Jidka Eebe, iyagoo kuwa la Daeiifsan (Tabarta yaraa) oo rag iyo Haween iyo Caruurba ay leeyihiin Eebow naga Bixi Magaaladan Daalimiinta ah Ehelkeedu noogana yeel agtaada Wali iyo gargaare.

kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay ku Dagaallami Jidka Eebe, kuwa Gaaloobayna waxay ku Dagaallami Jidka Shaydaanka, ee la dagaallama Sokeeyaha Shaydaanku dhagarta Shaydaanku waa tabar yaryahaye.

Ka warran kuwa loo yidhi Reeba Gaemihiinna (Billoowgii Islaamka) Oogana Salaadda, Bixiyana Zakada markii lagu Faral yeelay Dagaalkana waxaa soo baxay Koox ka mid ah oo uga Cabsan Dadka Cabsida Eebe oo kale ama ka daran Cabsi, waxayna dhaheen Eebow maxaad noogu Faral yeeshay Dagaalka, maxaad Dib Noogu dhigi wayday Tan iyo Muddo dhaw, waxaad dhahdaa Raaxada Adduunyo waa yartahay, Aakhiraana u khayroon Ciddii Dhawrsan Laydinkama dulmiyo Fatiil oo kale (wax yar).

Meejaad ahaataanba wuu idin haleeli Mawdku (Geeridu) aad ahaateenba Daaro Dheerdheer oo la adkeeyey, hadday taabato wanaag waxay dhahaan tani waxay ka timid Xaga Eebe, hadday ku dhaedo Xumaanna waxay dhahaan tani waxay ka timid Agtaada (Nabiga) waxaad dhahdaa Dhammaan waxay ka ahaadeen Eebe Agtiisa, maxaa u sugnaaday Qoomkaas uma dhawa inay Fahmaan Hadale.

Wixii ku soo gaadha oo Wanaaga waxay ka ahaadeen ebe, wixii kugu dhaea oo Xumaan ahna waxay ka ahaatay Naftaada, waana kuu Diray Dadka adoo Rasuul ah, wuuna ku Filanyahay Eebe Marag.

Ruuxii adeeca Rasuulka wuxuu Dhab u Adeecay Eebe, Ruuxii Jeedsadana kuugu maanaan dirin Haaliye.

Waxay dhihi (Munaafiqiintu) Daaead (baan nahay) markay ka tagaan Agtaadana waxay maamulaan (Habeenkii) Koox ka mid ah waxay leedahay waxaan ahayn, Eebana wuu Qori waxay Maamuli (miri) ee Ka jeed so Xaggooda talana saaro Eebe, waxaana ku filan Wakiil Eebe.

Miyeyna Fiirfiirinayn Quraanka, hadduu ka yimid Eebe Agtiisa Meelaan ahayn waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan.

markuu u yimaaddo amar Nabadgalta ah ama Cabdi way Faafiyaan hadday u Celiyaan Xagga Rasuulka ama kuwa cilmiga Leh oo ka mid ah waxaa ogaan lahaa kuwa la soo baxa (Dhabta) oo ka mid ah, hadduusan jirin Fadliga Eebee korkiinna iyo Naxariistiisa waad raaci lahaydeen Shaydaan wax yart mooyee.

Ee ku Dagaallan Jidka Eebe lama mashaqayn Naftaada mooyee, kuna boorri Mu'miniinta (Dagaalka) wuxuu u dhawyahay Eebe inuu idinka reebo dhibka kuwa Gaaloobay, Eebaana daran dhib daranna Xanuujin.

Ruuxii Shafeeca shafeeco Wanaagsan waxaa u ahaada Qayb ka mid ah, Ruuxiise Shaafeeca Shafeeco Xun waxaa u ahaan Dambi ka mid ah, Eebaana wax kasta Maaliya.

Haddii laydin Salaamo Salaan ku Salaama mid ka Fiican ama ku celiya (mid la mid ah) Eebana waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye).

Eebe ILaah (kale) ma jiro isaga mooyee wuuna idin soo kulmin Maalinta Qiyaame. shaki ma leh, yaa ka run badan Eebe Hadal (ma jiro).

Maxaad leedihiin (Mu'miniinta) ood Munaafiqiinta laba Kooxood ugu Noqoteen (in la laayo iyo in kale) Eebe wuu Halaagay (oo celiyey) waxay kasbadeen dartiis, ma waxaad doonaysaan inaad Hanuunisaan Cidduu dhumiyey Eebe, Ruuxuu dhumiyo Eebana uma heshid Waddo (Hanuun).

Waxay jecelyihiin (Munaafiqiintu) inaad Gaaloowdaan siday u Gaaloobeen ood isku mid noqotaan, ha ka yeelanina Xaggooda Sokeeye intay uga hijroodaan Jidka Eebe, haddayse Jeedsadaan qabta oo ku dila Meejaad ka heshaanba, hana ka yeelanina Xaggooda Sokeeye iyo Gargaare (Midna).

Kuwa Gaadhi qoom dhexdiinna iyo dhexdooda ballan (heshiis) yahay mooyee, ama idiin yimid yadow Cidhiidhyantahay Laabtoodu inay idinla Dagaallamaan ama la dagaallamaan Qoomkooda, hadduu doono Eebe wuu idinku diri lahaa wayna idin la dagaallami lahaayeen haddayse idinka dheeraadaan oyan idin la Dagaallamin oy idiin soo hormariyaan Nabadgalyo idiin ma yeelin Eebe korkooda Jid (Xaq kuma lihidiin Dagaal).

Waxaad helaysaan kuwa kale oo dooni inay idin nabadgaliyaan, oo nabadgaliyaan Qoomkooda (daahirka) markastoo loo celiyo Gaalnimana waa lagu dedijiyaa dhexdiisa, haddayna idinka dheeraan ooyan idin siinin Nabadgalyo ooyan idinka reebin Gaemahooda qabta oo ku Dila meejaad ka heshaanba, kuwaasna waxaan idiinka yeellay Xujo Cad.

uma habboona (banaana) Ruux Mu'min ah muu Dilo Mu'min si gaf'ah mooyee, Ruuxii u Dila Mu'min Gaf waxaa saaran Xorayn qoor Mu'min, iyo Mag la siiyo Ehelmiisii, inay Sadaqaystaan moyee, hadduu ka midyahay Qoom aad Coltihiin isna Mu'min yahay waxaa Saaran Xorayn Qoor Mu'min, hadduu ka midyahay Qoom ballan, idin dhexyaal waxaa saaran Mag la siiyo Ehelkiisii iyo Xorayn Qoor Mu'min ah, hadduusan helin (Qoorna) wuxuu Soomi Laba Bilood oo Israac raacsan, waana Toobad Eebe, Eebana waa Oge Falsau.

Ruuxii u Dila Mu'min si Kas ah, Abaalkiisu waa Jahannamo oos ku Waari dhexdeeda, wuuna u Cadhoon Eebe wuuna Laenadi wuxuu u darbi Cadaab wayn.

Kuwa xada Rumeeyow markaad u Safartaan Jidka Eebe wax caddaysta (Hubsada) hana dhihina Ruux Salaan idiin soo gudbiyey ma tihid Mu'min idinkoo dooni Dhalateedka Nolosha dhaq. Eebe agtiisa yey tahay qaniimooyin Badan, saasaad ahaydeen horay waxaana idinku Mannaystay Eebe korkiinna, ee caddaysta (Hubsada), Eebana waxaad Camal falaysaan waa Ogyahay.

Ma Sinna kuwa Fadhiya ee Mu;miniinta ah oon kuwa dhibban ahayn iyo kuwa kula Jahaadi Jidka Eebe Xoolahooda iyo Naftooda, wuu ka Fadilay Eebe kuwa ku Jahaaday Xoolahooda iyo Naftooda kuwa fadhiya Darajo, dhammaanna wuxuu u Yaboohay Wanaag, wuuna kaga fadilay Eebe kuwa Jahaaday kuwa Fadhiya Ajir wayn.

Waa Darajooyin Xaggiisa ah iyo Dambidhaaf iyo Naxariis, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista.

Kuway Oofsato Malaa'igtu iyagoo Dulmiyey Naftooda waxay ku Dhahaan maxaad ahaydeen waxayna dhahaan kuwo lagu Daeiifsadat (tabar yar) Dhulka, waxayna dhahaan (Malaa'igtii) miyeyna ahayn Dhulka Eebe Wasaac ood ku Hijrootaan dhexdeeda, kuwaas Hooygoodu waa Jahannamo wayna u Xuntahay Aaye.

Kuwa la Daeiifsado oo Rag, Haween iyo Caruur oon tabar lahayn kuna Toosi karin Jidka mooyee.

Kuwaas wuxuu u dhawyahay Eebe inuu iska Cafiyo Xaggooda, Eebana waa Saamaxe Dhaafa (Dambiga).

Ruuxii ku Hijrooda Jidka Eebe wuxuu ka heli Dhulka Magangal badan iyo Waasacnimo, Ruuxii ka Baxa Gurigiisa isagoo u Hijroon Xagga Eebe iyo Rasuulkiisa markaas uu sugnaaday Ajrigiisu Eebe (Fadhi dartiis) Eebana waa (Dambi) Dhaafe Naxariista.

Haddaad ku Safartaan Dhulka ma aha korkinna Dhib (Dambi) inaad Gaabisaan Salaadda Haddad ka Cabsataan inay idin Fidmeeyan (Dhibaan) kuwa Gaaloobay, Gaaladuna waxay idiin yihiin Col Cad.

Markaad tahay dhexdooda Muslmiinta ood u oogto Salaadda ha istaagto Koox ka mid ah Agtaada hana Qaateen Hubkooda, markay Sujuudaan ha ahaadeen Gadaashiinna, hana Tukadeen la jirkaaga hana Qaateen Digtooniddoda iyo Hubkooda, waxay Jecelyihiin kuwa Gaaloobay inaad halmaantaan Hubkiinna iyo Alaabtiinna oo markaas ay idin soo Weeraraan mar kaliya (Idunku kadiyaan) Korkiinna ma aha Dhib hadduu idin hayo dhib Roob ah ama aad tihiin kuwa buka inaad dajisaan Hubka Qaatana Digtoonidiinna. Eebana wuxuu u darbay Gaalada Cadaab wax Dulleeya.

Markaad Gudataan Salaadda Xusa Eebe Taagni. Fadhi iyo Dhinieiinaba (Jiif) markaad xasishaanna (Aamin noqotaan) Ooga Salaadda (Dhameeya) Salaaddu waxay ku tahay Mu'miniinta Xukun Waqtiyeysan (Mudaysan).

Haka Daeiifina (Jileina) Doonidda Qoomka (Gaalada) haddaad tihiin kuwa Xanuunsan iyaguba way xanuunsan sidaad u xanuunsanaysaan, waxaadna ka rajaynasaan, waxaadna ka rajaynasaan Eebe waxayna ka rajaynayn, Eebana waa Oge falsan.

Anagaa kugu soo Dajinay Kitaabka si Xaq inaad ku kala Xukunto Dadka dhexdiisa wuxuu ku tusiyo Eebe, hana u noqonin Khaa'in u doode.

Dhambi dhaaf warso Eebe, Ilaahay waa Dambi Dhaafe Naxariista.

Ha ka Doodin kuwa Khayaamayn Naftoodda, Eebana ma Jeela Khayaamo badane Dambi badan.

Waxay iska darin Dadka iskamana Qariyaan Eebe isagoo la jooga markay Maamuli wuxuusan raalli ka ahayn oo hadal ah. Eebana waxay Camal fali wuu Koobay.

Idinku kuwaasow waad ka doodeen Xaggooda Nolosha Adduunyo, yaase ka doodi Xaggooda Maalinta Qiyaame ama u noqon Wakiil.

Ruuxii fala Xumaan ama Dulmiya Naftiisa (Dambaaba) markaas dambi dhaaf warsada Eebe wuxuu ka heli (ogaana) isagoo Dambi dhaafa ah Naxariistana.

Ruuxii kasbada danbi wuxuu uun u kasbaday Naftiisa (Dhibkeeda) Eebana waa oge Falsan.

Ruuxii kasbada Gaf ama Dambi markaas ku gana Dambiga (ku sheega) mid barii ah wuxuu Xambaartay Been abuurasho iyo Dambi Cad.

Hadduusan jirin fadliga Eebee korkaaga iyo Naxariistiisa waxay Hammin lahayd Koox (dooni lahayd) oo ma kid ah inay ku dhumiyaan mana dhumiyaan Naftooda mooyee mana kaa dhibaan waxba, wuxuuna kugu soo dajiyey Eebe Kitaabka iyo Xigmadda wuxuuna ku baray waxaadan aqoon Fadliga Eebana korkaaga waa ku waynyahay.

Khayr ma leh wax badan oo Faqooda ah, oon ahayn mid fara Sadaqo ama Wanaag ama Hagaajin Dadka dhexdooda, Ruuxii fala Saas doonid raali ahaanshaha Eebe waxaanu siin Ajir wayn.

Ruuxii Khilaafa Rassulka ka dib intuu u cadaaday Hanuunku oo Raaca Jidka Mu'miniinta midaan ahayn waxaa uga wali yeeleynaa wuxuu yeeshay waxaana galinaynaa Jahannamo iyadaana u Xun meel loo ahaado.

Eebe ma dhaafo in lala Wadaajiyo (Cidkale Cibaadada) wuuse ka dhaafa wixii waxaas ka soo hadhay Cidduu doono. Ruuxii la wadaajiya Eebe wuxuu dhumay dhumid wayn.

ma Caabudayaan Eebe ka sokow waxaan dhadig ahayn, mana Caabudayaan waxaan Shaydaan madax adag ahayn.

Ha Laenado Eebe shaydaan wuxuu yidhi waxaan ku yeelan Addomada Qayb Sugan.

Waan baadiyeyn waan yididiilo (Xun) galin waana fari (Xumaanta) waxayna jeex jeexi Dhagaha Xoolaha waana fari (Xumaanta) waxayna doorin abuurka Eebe ruuxii ka yeesha shaydaan Wali Eebe ka sokow dhab ahaan buu u Khasaaray Khasaare Cad.

wuu u yaboohi oo yididiila galin mana yabooho shaydaan waxaan dhagar ahayn.

kuwaasna hooygoodu waa Jahannamo kamana helaan xaggeeda iilasho (iyo fakasho).

kuwa rumeeyey xaqa oo fala camal fiican waxaannu galin Janooyin oy socoto dhexdeeda Wabiyaal oyna ku waari dhexdeeda waligeed. waana yabooha Eebe oo sugan. yaa ka run badan Eebe hadal (cidna).

Ma aha (xaalku) yididiiladiinna iyo yididiilada ehelu Kitaabka midna, ciddii fasha xumaan waa laga Abaal marin mana helayo Eebe ka sokow wali iyo gargaare (midna).

ruuxii fala wanaag lab ah ama dhadig isagoo rumeysan (xaqa) kuwaasu waxay gali Janada lagamana dulmiyo duleel (laftimireed).

yaa ka diin fiican ruux u jeediyey wajigiisa Eebe isagoo sama fali oo raaca diinta (Nabi) Ibraahim, wuxuuna ka yeeshay Eebe Ibraahiim khaliil (mid u gaar ah).

Eebe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka. Eebana waa wax walba koobe.

waxay ku warsan Haweenka, waxaad dhahdaa Eebaa idiin fidyoon (sheegi) Xaalkooda iyo waxa lagu akhiriyi korkiinna Kitaabka Haweenka Agoonta ah ee ah kuwaydaan siinayn waxa loo qadaray oo doonaysaan inaad guursataan iyo kuwa tabarta yar ee caruurta ah, iyo inaad u maamushaan Agoonta cadaalad, waxaad fashan oo kheeyr ahna Eebe waa ogyahay.

hadday Haweeney ka cabsato Ninkeeda xaggiisa fogaansho ama jeedsasho dhib ma saara korkooda hadday heshiiyaan heshiis, heshiiskaana khayr ah, waxaana lagu soo kulmiyey nafta bakhaylnimo, haddaad so Wanaag fashaan ood dhawrsataan Eebe waxaad Camal falaysaan waa ogyahay.

ma kartaan inaad sintaan Haweejkiinna dhexdooda aadba dadaasheene ee ha ka iilanina iilasho dhan, oo ka tagtaan sida mid xidhan (dayacan). haddaad wanaajisaan ood dhawrsataan Eebe waa dambi dhaafe Naxariista.

hadday kala tagaan wuu kaafiyaa Eebe mid kasta waasacnimadiisa, Eebana waa waasac (Fadligiisu) waana falsame.

Eebaa iska leh waxa Samaawaadka ku sugan iyo dhulka. waxaana u dardaarnay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horeeyey iyo idinkaba ka dhawrsada Eebe, haddaadse gaaloowdaan Eebe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan Samaawaadka iyo dhulka. Eebana waa hodan Amaanan.

Eebaa iska leh waxa ku sugana Samaawaadka iyo Dhulka waana ku filanyahay Eebe Wakiil.

hadduu doono wuu idin tagsiin (dhamayn) Dadow lana imaan kuwo kale waana karaa Eebe Taas.

Ruuxii dooni abaal Adduunyo Eebe agtiisa yuu jiraa Abaalka Adduunyo iyo Aakhiraba Eebana waa Maqle Arka.

kuwa (Xaqa) rumeeyow noqda kuwo u istaaaga Caddaalad oo ah marag Eebe, naftiinnaba ha ahaato ama Waalidkiin ama qaraabo, hadday hodan yihiin ama faqiir Eebaa u mudnaansho badan ee ha ka raacina hawada inaad Caddaalo fashaan, haddaadse iilataan ama jeedsataan Eebe waxaad camal falaysaan waa ogyahay.

kuwa (Xaqa) rumeeyow rumeeya Eebe (si dhabah) iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka uu ku dejiyey Rasuulkiisa iyo Kitaabkuu u dejiyey horay, ruuxiise ka gaalooba Eebe, malaa'igtiisa, kutubtiisa, rasuuladiisa iyo maalinta dambe (Qiyaamada) wuu dhumay dhumid fog.

kuwa rumeeyey ee gaaloobay ee hadana rumeeyey ee gaaloobay markaas sii badsaday Gaalnimo ma aha Eebe mid u dhaafi iyaga, kumana hanuuniyo Jidka (Toosan).

ugu bishaaree munaafiqiinta inay mudan Cadaab daran.

waana kuwa ka yeesha Gaalada sokeeye Mu'miniinta ka sokow, ma waxay ka dooni Agtooda sharaf, sharafna Eebaa iska leh dhammaanteed.

wuxuuna idiin ku soo dejiyey korkiinna Kitaabka dhexdiisa haddaad maqashaan Aayaadka Eebe oo laga gaaloobi ama lagu jees jeesi ha fadhiisanina agtooda intay ka dhumbadaan hadal kale, waxaad noqonaysaan iyaga oo kale, Eebana wuxuu ku kulmin Munaafiqiinta iyo Gaalada Jahannamo dhammaan.

oo ah kuwa udun la suga (dhibaato) hadduu gargaar xagga Eebe idiinka ahaado waxay dhihi miyaanaan idinla jirin, hadduu gaalada u sugnaado nassibna waxay dhahaan miyaanaan idin adkeynin oonaan idinka reeebin Mu'miniinta, Eebaa xukumi dhexdooda maalinta Qiyaame, mana ugu yeelayo Eebe gaalada mu'miniinta korkooda waddo.

munaafiqiintu waxay dhagri Eebe (isku dayi) isna wuu dhagri (oo abaal Marin) markay u istaagaan Salaaddana way istaagaan iyagoo wahsan, oo is tusi Dadka Mana xusaan Eebe wax yar mooyee.

waxayna ku noqnoqon (wareeri) arrintaas dhexdeeda kuwaasina lama jiraan kuwaana lama jiraan, cidduu dhumiyey Eebe uma heshid Waddo (eid hanuunin).

kuwa (Xaqa) rummeyow ha ka yeelanina Gaalada sokeeye Mu'miniinta ka sokow, Ma waxaad doonaysaan inaad isugu yeeshaan Eebe korkiinna xujo cad (inuu idin ciqaabo).

munaafiqiintu waxay ku sugnaan dabaqa hoose ee Naarta umanaheshid gargaare.

kuwa toobadkeena ee wanaajiya camalka, oo isku dhawra Eebe, oo u kali yeela Diintooda (Cibaadadooda) Eebe kuwaasi waxay la jiri mu'miniinta, wuuna siin doonaa Eebe Mu'miniinta Ajir wayn.

muxuu ku fali Eebe cadaabkiinna haddaad mahdisaan ood rumeysaan, Eebana waa mahdiye Waana oge.

Ma Jeela Eebe in lala Qayliyo Xumaan oo Madal ah Ruux la Dulmiyey Mooyee Eebana waa Maqle og.

Haddaad Muujisaan Khayr ama Qarisaan ama Cafidaan Xumaan Eebana waa Dhaafe kara.

Kuwa ka Gaalooba Eebe iyo Rassulkiisa oo dooni inay kala (Bixiyaan) Eebe iyo Rasuulkiisa oo odhan waxaannu Rumayn Qaar waana Diidi Qaar oo dooni inay ka yeeshaan Arrintaa dhexdeeda Waddo.

Kuwaasi iyaga umbaa Gaalo dhab ah, waxaana u darbannay Gaalada Cadaab wax Dulleeya.

Kuwa rumeeyey Eebe iyo Rassulkiisa oon kala bixinin Cid ka mid ah kuwaas wuu Siindoonaa (Eebe) Ajirkooda, Eebana waa Dhaafe Naxariista.

Waxay ku warsan Ehelu Kitaabku Inaad kaga soo Dejiso Kitaab Xagga Samada, Dhabahaan yey u warsadeen (Nabi) Muuse wax ka wayn kaas waxayna dheheen noo tusi Eebe si Cad waxaana qabatay qaylo (daran) Dulmigooda dartiis, waxayna yeesheen Dibi intay u Timid Xujooyin, waana ka Cafinay Arrintaas, waxaana siinay Nabi muuse Xujo Cad.

Waxaan koryeellay (Buurta) Dhuur Ballankoodii dartiis waxaana ku nidhi ka gala Irridda idinkoo Sujuudsan, waxaana ku nidhi ha ku xadgudhina Sabtida waxaana ka qaadnay Ballan adag.

(Waan Lacnadnay) Burintooda Ballankooda iyo ka Gaalowgooda Aayaadka Eebe iyo u Dilidda Nabiyada Xaqdarro iyo Hadalkooda Quluubtanadu way daboolantahay, saas ma aha ee waxaa Daabacay (daboolay) Eebe Gaalnimadooda darteed mana rumeeyaan wax yar mooyee.

iyo Gaalnimadooda darteed iyo Hadalkooda Maryama oy ku Been abuurteen si wayn.

iyo Hadalkoodii ahaa anagaa Dillay Masiix Ciise Ibnu Maryam Rasuulkii Eebe ahaa mayna Dilin mana Wadhin laakiin waa loo Shabahay, (ekeysiiyey), kuwii isku Khilaafay Ciise waxay kaga suganyihiin Shaki, wax Cilmi ahna uma leh oon ahayn Raacid Male umana dilin dhab.

Saas ma aha ee waxaa u koryeelay Xaggiisa Eebe, ilaahayna waa Adkaade Falsan.

Ehelu Kitaab kasta wuu rumeyn Ciise Geeridiisa ka hor, Maalinta Qiyaamana wuxuu ku noqon korkooda Markhaati.

Dulmi kuwii Yuhuudoobay dartiis yaan uga Reebnay korkooda Wanaaga loo xalaaleeyey iyo ka Celintooda Jidka Eebe wax badan.

Iyo Qaadashadooda Ribada iyagoo laga Reebay Xaggeeda iyo ku Cunidda Xoolaha Dadka si Baadil ah, waxaana u darbanay Gaalada ka mid ah Cadaab Daran.

Laakiin kuwa ku xeeldheer Cilmiga oo ka mid ah iyo Mu'miniintu waxay rumeyn waxa lagugu Dejiyay, iyo wixii la Dejiyey hortaa, iyo kuwa Oogo Salaadda ee Bixiya Zakada ee rumeeya Eebe iyo Maalintii Dambe kuwaas waxaan siinaynaa Ajir wayn.

Annagaa kuu waxyoonnay sidaan ugu waxyoonay (Nabi) Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyey waxaana u waxyoonay Nabi Ibrahim, Ismaaeiil, Isxaaq, Yacquub (Awlaad) Faracii, Ciise, Ayuub, Yuunus, Haaruun, Sulaymaan, waxaana siinay Daawuudna Zabuur.

iyo Rasuullo aan kaaga Qisoonay horay iyo Rasuullo aanaan kaaga qisoon, wuuna la Hadlay Eebe Nabi Muuse Hadal.

Waa Rasuullo Bishaarayn oo Digi si ayan Dadka Xujo ugu yeelan Eebe ka dib Rasuullada, Eebana waa Adkaade Falsan.

Laakiin Eebaa Marag Furi wuxuu kugu Dejiyey wuxuuna ku Dejiyey Cilmigiisa, Malaa'igtuna way Marag furi, Eebana ku Filan Marag.

Kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe waay Dhumeen Dhumid Fog.

kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe kii u kii u Dambi dhaafa ama ku Hanuuniya Jid.

Jidka Jahannamo mooyee iyagoo ku waari Waligood. Arrintaasna waa u Fududahay Eebe.

Dadow wuxuu idiinla Yimid Rasuulku Xaq Xagga Eebe ee Rumeeya (Xaqa) saasaa idiin khayr roon, haddaad Gaalowdaanna Eebe waxaa u Sugnaaday waxa ku sugan Samaawaadka iyo Dhulka Eebana waa oge falsan.

Ehelu Kitaabkoow ha ku Xadgudbina Diintiinna hana ku Dhihina Eebe waxaan Xaq ahayn, Masiix Ciise Ibnu Maryam waa uun Rasuulkii Eebe iyo Kalimadiisii uu ku Tuuray Maryama iyo Ruux Xaggiisa ah ee rumeeya Eebe iyo Rasuulasiisa, hana dhihina Saddex (ILaah) reebtooma, saasaa idiin Khayr Roon, Eebe waa uun ILaah Kaliya, waa ka Nasahanyahay in ILmo u sugnaado, waxaa u sugnaaday waxa Samaawaadka iyo DHulka ku sugan, Eebaana ku filan Wakiil.

Iskama kibriyo Masiix inuu ahaado Addoon Eebe, Malaa'igta la dhaweeyeyna (iskama kibriso) ruuxii iska kibriya Cibaadadiisa oo iswayneeya wuu u soo kulmin Xaggiisa Dhammaan.

Kuwa rumeeyey Xaqa oo Camal fiican fala wuxuu u Oofin Ajrigooda wuxuuna u kordhin Fadligiisa, kuwa iska wayneeya oo iskibriya wuxuu Cadaabi Cadaab Daran mana helayaan Eebe ka sokow Wali iyo Gargaare (midna).

Dadow waxaa idiin yimid Xujo Xagga Eebe ah waxaanan idiin soo Dejinay Nuur Cad.

Kuwa rumeeyase Eebe oo Qabsaday (isku dhawray) Eebe (iyo Quraanka) wuxuu Galin Naxariis xagiisa ah iyo Fadli wuxuuna ka Hanuunin Xaggiisa Jid Toosan.

Waxbay ku warsan, waxaad dhahdaa Eebaa idiin Fidyoon Kalaalada, hadduu dhinto Ruux aan ILmo lahayn oo leh Walaashiis waxay Mudan Nus wuxuu ka tagay isaguna wuu Dhaxli hadduusan ILmo u sugnaanin, hadday Labo yihiina waxay Mudan Labo Dalool wuxuu ka tagay, hadday yihiin Walaal Rag iyo Haween ah kan Lab waxaa u sugnaaday Labo Dhadig Qaybtood, wuxuu idiin caddayn Eebe (Xaqa) inaydaan Dhumin Eebana wax kasta waa Ogyahay.
Icon