ترجمة معاني سورة النساء باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
ﰡ
آية رقم 1
Dadow ka Dhawrsada Eebihiina Idinka Abuuray Nafkaliya (Aadam) kana Abuuray xaggeeda Haweenaydeeda (Xaawo) kana Abuuraay Xagooda Rag Badan iyo Haweenba, ka Dhawrsada Eebihiina aad wax isku Warsataan iyo Qaraabada, Eebana wuxuu u Yahay Korkiina Ilaaliye.
آية رقم 2
Siiya Agoonta xoolahooda hana ku Badalina Xumaan Wanaag, hana Cunina xoolahooda La jirka Xoolihiinna Taasina waa Dambi weyn.
آية رقم 3
Haddaad ka Cabsataan inaydaan ku Cadaalad Falin Agoonta Guursada wixii idiin Wanaagsan oo Haween ah, Labo, Saddex iyo Afar, Haddaad ka Cabsataan inaydaan Caddaalad Falin Mid kaliya (Guursada) ama waxay Hanatay Gacmihiinnu Saasaa u Dhaw inaydaan Jawrfalinc.
آية رقم 4
Siiya Haweenka Meherkooda isagoo Waajib ah hadday idiinka Raali noqoto wax ka mid ah Naftoodu Cuna idinkoo Shifaysan oo Kadban.
آية رقم 5
Ha Siinina Sufahada (Maamuli karin) Xoolahooda ah kuwo idiinka yeelay Eebe Ilaaliye ka Quudiya kana Arradbixiya una Dhaha Hadal Fiican.
آية رقم 6
Imtixaamana Agoonta markay Gaadhaan Guur Haddaad ku Aragtaan (Ogaataan) Rashiidnimo (Wanaag) siiya iyaga Xoolahooda hana u Cunina Xad gudub iyo ka degdagis intayna Weynaana, Ruuxii Hodan ah ha dhawrsado Ruuxii Faqiir ahna ha ka Cuno si Wanaagsan, markaad u Dhiibtaan Xoolahooda Marag u yeela Koriisa, waana ku Filanyahay Eebe Xisaabiye.
آية رقم 7
Ragga waxaa u Sugnaaday Qayb ka mid ah waxay ka tageen Laba Waalid iyo Qaraabadu Haweenkana waxaa u Sugnaaday Qayb ka mid ah waxay ka Tageen Laba Waalid iyo Qaraabadu
آية رقم 8
Hadday Joogaan Qaybta Qaraabo, Agoon iyo Masaakiin (aan dhaxlayn) wax ka Siiya una dhaha Hadal Wanaagsan.
آية رقم 9
Hana ka Cabsadeen kuwa Hadday kaga Tagaan Gadaashooda Caruur Tabar Yar una Cabsan lahaa hana ka Dhawrsadeen Ecbe hana Dheheen Hadal Toosan.
آية رقم 10
Kuwa u Cunaya Xoolaha Agoonla Dulmi (Xaq darro) waxay uun ku Cunayaan Calooshooda Naar waxayna Gali Saciiro.
Wuxuu idiin Dardaarmi Eebe Caruurtiinna kan Lab la mid Qaybta Labo Dhadig, Hadday Yihiin Hawween ka Sarreeya Labo waxay Mudun Labo Dalool wiixuu ka Tagay, hadday tahay mid waxay Mudan Nus, Labada Waalidna mid kastoo ka mid ah wuxuu Mudan Sudus (I.ix meelood meel) Hadduu ka Dhintay (Ilmahoodu) Caruur, hadduu Caruur lahayn oy Dhaxlayaan Labada Waalid Hooyadu waxay Mudan Saddex Meelood Mcel, Hadduu Walaalo leeyahay Hooyadu waxay Mudan Sudus Dardaaranka iyo Daynta ka Dib, Aabayaalkiina iyo Wiilashana ma Ogidin Kooda idinku Dhaw Nacfi, waa Faralyeel «Qaddaraad» Eebe, Ilahayna waa Oge Falsan.
آية رقم 12
Waxaa idiin Sugnaaday Nus waxay ka Tagaan Haweenkiinu hadayna Ilmo lahayn, haddayse lahaayeen Ilmo waxaad leedihiin Rubuc (Afar meelood meel) waxay ka tagaan Dardaaran ay dardaarmeen iyo Dayn ka Dib, Haweenkuna waxay Mudan Rubuc waxaad ka Tagteen Haddaydaan Ilmo lahayn, haddaad Ilmo leedihiin waxay mudan thumun (Sideed Meelood meel) waxaad ka tagtaan, dardaaran aad dardaarmaysaan iyo Dayn ka Dib, hadduu yahay Ninku mid la Dhaxli Waalid iyo Ilmo la'aan ama Haweenaydu isagoo leh Walaal ama Walaashiis mid kasta wuxuu Mudan Sudus (Hadday la hooya yihiin) hadday yihiin wax ka badan intaas waxay wadaagi thuluth (Saddexmeelood meel) Dardaaran la dardaarmo iyo Dayn ka Dib, isagoon Dardaaranka Cidna lagu Dhibayn, waana Dardaaran Eebe, Ilaahayna waa Oge Dulsan.
آية رقم 13
Taasi wa Xuduud Eebe, Ruuxii Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu Galin Jannooyin ay Dareeri Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku Waari Dhexdeeda, Taasina waa Liibaan weyn.
آية رقم 14
Ruuxiise Caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa oo Tallaaba Xuduudiisa wuxuu Galin Naar isagoo ku Waari Dhexdeeda, wuxuuna Mudan Cadaab wax Dulleeya.
آية رقم 15
Kuwa la imaan Xumaan (Zino) oo Haweenkiina ka mid ah, Marag uga Dhiga Afar idinka mid ah, hadday ku marag Kacaan ku Haya Guryaha intay ka Disho Geeridu ama u yeelo Eebe Waddo.
آية رقم 16
Labadii la Timaadda Xumaanta (Zinada) oo idinka mid ah Dhiba Hadayse Toobadkeenaan ooy Wanaagsanaadaan ka Jeedsada Xagooda, Eebana waa Toobad aqbale Naxariista.
آية رقم 17
Toobadda (Aqbalkeeda) waxay Eebe uga ahaatay kuwa Fala Xumaha iyagoo Jaahil ah markaas Toobad keena Waqti dhaw Kuwaas wuu ka Toobad aqbala Eebe korkooda, Eebana waa Oge Falsan.
آية رقم 18
Uma aha Toobaddu ku Fala Xumaha intuu uga Yimaaddo Midkood Geeridu markaas dhaha Anigu waxaan Toobad keeni hadda, iyo Kuwa Dhiman Iyagoo Gaala ah, Kuwaas waxaan u Darabnay Cadaab Daran.
آية رقم 19
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow idiinma Banaana inaad u Dhaxashaan Haweenka Xoog iyo inaad dhibtaan si aad ula tagtaan (Qaadataan) Qaar waxaad Siiseen inay la Yimaadaan Xumaan Cad Mooyee, kulana Noolaada si Fiican, haddaad Kahataan waxaa Suurowda inaad Kahataan wax uu Yeelo Eebe dhexdiisa Khayr Badan.
آية رقم 20
Haddaad Doontaan inaad ku Baddashaan Haweenay mid kale idinkoo Siiyey Meher (Badan) ha ka Qaadanina Xaggiisa waxba, Ma waxaad Qaadanaysaan Been iyo Dambi Cad.
آية رقم 21
Seed uga Qaadanaysaan idinkoo Qaarkiin Qaar Arkay, ood kana Qaaddeen Ballan Adag.
آية رقم 22
Ha Guursanina waxay Guursadeen Aabayaashiin wixii hor maray mooyee, waa Xumaan iyo wax loo cadhoodo Waddana Iyadaa U xun.
Waxaa laydinka Reebay Hooyooyinkiin (inaad Guursataan) iyo Gabdhihiinna, Walaalihiin, Eedooyinkiin, Habaryarihiin, Gabdhaha Walaalkaa, Gahdhaha walaashaa, Hooyooyinka idin Nuujiyey Walaalaha Nuugmada Hooyooyinka Haweenkiinna, Gabdhaad Dhaqaalaysaan., ee Haweenkiinna aad is aragteen Dhaleen, Haddaydaan is arkin wax dhib ah (Danbi) ma saara korkiinna, Haweenka Wiilashiinna Dhabta ah, iyo inaad kulmisaan Labo Walaalo ah wixii horay maray mooyee, Eebana waa u Dhaafe Naxariista.
آية رقم 24
(Waxaa Kaloo idinka reeban) Haweenka la Qabo, waxay Hantaan Gacmihiinnu mooyee Kitaabka Eebaa korkiinna ah, waxaa laydiin banneeyey waxa ka Soohadhay kuwaas inaad ku dalablaan Xoolahiinna idinkoo dhawrsoon oon Xumaan (Zino) Falin, waxaad ku intifaacdaan Xaggooda Siiya Meherkooda waa Qadaraad Eebe, Dhib (Dambi) korkiinna ma Saarra waxaad isaga raalli Noqoteen Qadarrida ka Dib, Eebana waa Oge Falsan.
Ruuxaan Karin oo idinka mid ah Awood uu ku Guursado Haweenka Dhawrsoon ee rumeysan (Xaqa) ha Guursado waxay hanatay Gacmihiin nu oo ah Gabdhaha Rumeysan (Xaqa) Eebana waa ogyahay limaanskiina, Qaarkiin Qaarbuu ka ahaaday, kuna guursada idamka Ehelkooda u Siiyana Ujuurada (Meherkooda) si Fiican, iyagoo Dhawrsoon oo Xumaan (Zino) ka Dheer, Saxiibana yeelanayn, Haddii lagu dhawro (Guur) ooy Xumaan la Yimaadaan korkooda waxaa ah Nus waxa ah kuwa Xorta ah oo Ciqaab ah, Arrintaas waa Ruuxii ka Cabsada Zino, oo idinka mid ah, Haddaadse Samirtaan ya idiin khayr roon, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista.
آية رقم 26
Wuxuu Dooni Eebe inuu idiin Caddeeyo Idinkuna Hanuuniyo Wadadii kuwii idinka Horreeyey oo idinka Toobad aqbalo Eebana waa Oge Falsan.
آية رقم 27
Eebe wuxuu dooni inuu idinka Toobad aqbalo waxayse dooni kuwii Raacay waxa Naftoodu Jeceshahay inaad iilataan iilasho wayn.
آية رقم 28
Wuxuu dooni Eebe inuu idinka Fudeyiyo, waxaase La Abuuray Dadka isagoo tabar Yar.
آية رقم 29
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Cunina Xoolihiina dhexdiinna (Si Baadil ah) (Xaaraam ah) inay Ganacsi Raalli aad tihiin tahay mooyee, hana Dilina Naftinna, Eebe wuxuu idiinyahay Naxariistee.
آية رقم 30
Cidii Fasha Arrintaas Colnimo iyo Dulmi Waxaannu galin Doonnaa Naar, Arrintaasna Eebe waa u Fududahay.
آية رقم 31
Haddaad ka Dheeraataan Dambiyada waa weyn waxaan idinka Reebeynno waxaannu ka asturi Xaggiinna Xumaantiinna waxaana idin Galin Meel Fiican (Sharaf leh).
آية رقم 32
Ha tamaniyina wuxuu kaga Fadilay Eebe Qaarkiin Qaar, Ragga waxaa u Sugnaaday Qayb waxay kasbadeen. Haweenkana waxaa u Sugnaaday qayb waxay kasbadeen Waydiista Eebe Fadligiisa, Eebana waxkaasta waa Ogyahay.
آية رقم 33
Cid kasta waxaan u Yeellay Kuwo dhaxla waxay ka tageen Labada waalid iyo Qaraabadu iyo kuwaad Guntateen Dhaar (Isdhaarsateen) siiya Qaybtooda, (oo Gargaar ah), Eebana wax kasta waa u Marag.
آية رقم 34
Raggaa u taagan (Maamulka) Haweenka, ka Fadilida Eebe Qaarkood Qaar iyo ku nafaqaynta Xoolahooda darteed, (Haweenka) Wanaagsan way Adeecaan Haaliyaanna Maqnaas- ho ilaalinta Eebe Darteed, kuwaadse ka Cabsataan Caasinimadooda waaniya, kagana Fogaada Jiifka Edbiyana, hadday idin Adeecaanna ha u dalbina Korkooda jid (inaad dhibtaan), Eebana waa Sare Wayn.
آية رقم 35
Haddaad ka Cabsataan Iskhilaafka Dhexdooda u bixiya Xaq soore Ehelkiisa ah iyo Xaq soore Ehelkeeda ah, hadday doonaan Wanaajinna Eebe wuu iswaafajin Dhexdooda, Eebana waa Oge Xeeldheer.
آية رقم 36
Caabuda Eebe hana la Wadaajinina waxba, Labada Waalidna u Wanaag fala, iyo Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta, Dariska dhaw, Dariska Durugsan, Saaxiibka Dhinaca, Socotada iyo waxay hanatay Gacmihiinnu, Eebana ma Jecla Cidda Kibirka badan ee Faanka badan.
آية رقم 37
Oo ah kuwa Bakhayla Farana Dadka Bakhaylnimo qarinna wuxuu Siiyey Eebe oo Fadli ah, waxaana u darabnay Gaalada cadaab wax dulleeya.
آية رقم 38
Iyo kuwa u bixiya Xoolahooda istuska Dadka oon rumeyn Eebe iyo Maalinta Dambe, ruuxii shaydaan u noqdo Saaxiib wuu Xumaaday Saaxiibkiis.
آية رقم 39
Maxaa korkooda ah hadday Rumeeyaan Eebe iyo Maalinta Dambe oy Bixiyaan Qayb wuxuu ku Arzuqay Eebe, Ilaahayna waa Ogyahay iyaga.
آية رقم 40
Eebe ma Dulmiyo wax la eg Darro (waxyar) hadday Wanaagtahayna wuu faab laabaa wuuna ka siin Agtiisa Ajir Weyn.
آية رقم 41
ee Say ahaan Markaan ka keenno Umad kasta marag oon kuu keenno adigana (Nabiga) kuwaas korkooda Marag.
آية رقم 42
Maalintaas waxay Jeclaan kuwii Gaaloobay oo Caasiyey Rasuulka in lala Simo (Liqo) Dhulka kamana Qariyaan Eebe Hadal.
آية رقم 43
kuwa (Xaga) Rumeeyow haw dhawaanina Salaadda idinkoo sakhraansan intaad ka garataan waxaad dhahaysaan iyo idinkoo Junub ah inaad Jid gudbaysaan mooyee intaad ka maydhataan, haddaad tihiin kuwa Buka ama Safar ah ama ka yimid Ruux idin ka mid ah kortag, ama Taabataan haweeneey aadanna helayn Biyo ku Gagabaysta Carro Wanaagsan, kuna masaxa (Mariya) Wajiyadiinna iyo Gac- mihiinna, Eebana waa Cafiye Dambi dhaafa.
آية رقم 44
Ka warran kuwa la siiyey Qayb Kitaabka ah (Tawreed) oo Gadan Baadi doonina inaad ka Dhuntaan Jidka.
آية رقم 45
Eebaa Og Colkiinna, waxaana ku filan Eebe, wuxuuna ugu filanyahay Eebe Gargaare.
آية رقم 46
Kuwii Yuhuudoobay waxay ka Leexin Kalimooyinka Meelahooda waxayna dhihi waan Maqalay oon Caasinay, Maqla ha maqlinee, waxayna (dhihi) na ilaali iilid Carrabkooda iyo Durid Diinta (Islaamka) darteed, hadday dhahaan waan maqalay waana Adeeenay ee maqal na dayna saasaa u khayroonaan lahayd una toosnaanlahayd, laakiin waxaa lacnaday Eebe Gaalnimadooda Darteed mana Rumeeyaan wax yar mooyee.
آية رقم 47
Kuwa la siiyey Kitaabkow Rumeeya waxaan soo dajinay isagoo rumeyn waxaad haysataan ka hor tirid wajiyaal oon u Celino gadaasheeda ama Nacladno sidaan u Nacladnay Asaxaabtii (Kuwii) Sabtida (Yuhuudda) amarka Eebana waa kan lafalo.
آية رقم 48
Eeba ma dhaafo in lala wadaajiyo wuxuuse ka dhaafaa waxaa wixii ka soo hadhay Cidduu doono, Ruuxii la wadaajiyo Eebe wuxuu beenabuurtay Dambi Weyn.
آية رقم 49
Ka warrama kuwa daahirin (amaani) Naftooda, Eebaa Daahiriya Cidduu doono lagamana Dulmiyo waxa ku dhaggan Jeex Laf Timireed (Wax yar).
آية رقم 50
Day siday ugu Been Abuuran Eebe isagaa ugu filan Dambi Cad.
آية رقم 51
Ka warran kuwa la siiyey qayb Kitaabka ah oo rumeyn Sixir iyo Shaydaan, una dhihi kuwa Gaaloobay kuwaasaa ka hanuunsan (Toosan) Kuwa Rumeeyey Jidkooda.
آية رقم 52
Kuwaas waa kuwuu Nacladay Eebe, Cid Eebe Nacladayna uma heshid Gargaare.
آية رقم 53
Mise waxay leeyihiin Qayb Xukunka oo markaas ayan siinayn Dadka Laf Timir Duleelkeed (wax buuxiya).
آية رقم 54
Mise waxay ku Xasdi Dadka waxa Eebe Siiyey oo Fadli ah, waxaan Siinay Ehelkii Ibraahiim Kitaabka iyo Xigmad, waxaana siinay Xukun Wayn.
آية رقم 55
Waxaase ka mid noqday mid Rumeeya (Xaqa) waxaana ka mid ah mid ka Jeediya Xaqa, waxaa ugu Filan Jahannamo Gubid.
آية رقم 56
Kuwii ka Gaaloobay Aayaadkanaga waxaanu Galin Naarta, mar kastoos gubto Haragoodu waxaan ku badalnaa harko kale si ay u Dhadhamiyaan Cadaabka, Eebana waa Adkaade Falsan.
آية رقم 57
Kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican waxaan galinaynaa Jannooyin ay Dareeri Dhexdeeda Wabiyaal, oyna ku waari Dhexdeeda Waligood, waxayna ku mudan haween la Daahiriyey waxaana Galinaynaa Hoos Fiican.
آية رقم 58
Eebe wuxuu idin Fari inaad u Gudaan (siisaan) Amaanada Ehelkeeda, (Ciddeeda) haddaad kala Xukumaysaan Dadkana inaad ku kala Xukuntaan Caddaalad, Eebe waxaa Wanaagsan wuu idinku waanin Eebana waa Maqle Arka.
آية رقم 59
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Adeeca Eebe oo Adeeca Rasuulka iyo kuwa Amarka leh, oo idinka mid ah, haddaad ku Dooddaan Arrin u Celiya Eebe iyo Rasuulka haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Eebe iyo Maalinta Dambe (Qiyaamada) saasaana khayr roon oo Wanaag badan Xagga Abaalmarinta.
آية رقم 60
ka warran kuwa Sheegan inay rumeeyeen waxa lagugu soo dejiyey iyo waxa lagu Dejiyey kuwii kaa horreeyay oo ku Xukuntami Shaydaan, iyagoo la faray inay diidaan, wuxuuna dooni Shaydaanku inuu Baadiyeeyo Baadi Fog.
آية رقم 61
Marka lagu dhaho u kaalay wuxuu Soo Dejiyey Eebe iyo xagga Rasuulka waxaad Arkaysaa Munaafiqiinta oo kaa Jeedsan jeedasho.
آية رقم 62
Say noqon markay ku Dhaedo Musiibo (dhibaato) waxay hor marsadeen Gaemahoodu Darteed, markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaran Eebe inaanaan doonin waxaan Wanaag iyo Tawfiiq ahayn.
آية رقم 63
Kuwaasu waa kuwa Ogyahay Eebe waxa Quluubtooda ku Sugan ee ka Jeedso Xaggooda waanina waxaadna u dhahdaa naftooda Hadal xeel dheer.
آية رقم 64
Umaanaan dirin Rasuul in la Adeeco mooyee Idanka Eebe, hadday markay Dulmiyaan Naftooda ay kuu yimaadaan oy Dambi dhaaf waydiistaan Eebe una Dambi dhaaf waydiiyo Rasuulku waxay Eebe (ogaan) dambi dhaafe Naxariista.
آية رقم 65
Eebahaa baan ku dhaartaye ma rumeeyaan intay kugu Xukuntamaan waxa dhex mara oyna ka helin Naftooda dhib, waxaad Xukuntay ooy hogaansamaan hogaansi.
آية رقم 66
Haddaan ku Faral yeello korkooda Dila Naftiinna ama ka baxa Guryihiinna ma Faleen wax yar oo ka mid ah mooyee, hadday Falaan waxa lagu waanin yaa u. Khayr roon kuna daran (adag) sugnaan (Rumeyn).
آية رقم 67
ﭮﭯﭰﭱﭲﭳ
ﭴ
Markaasaan ka siin lahayn Agtanada Ajir wayn.
آية رقم 68
ﭵﭶﭷ
ﭸ
waxaana ku hanuunin lahayn Jid Toosan.
آية رقم 69
Ciddii Adeeca Eebe iyo Rasuulka kuwaasu waxay ahaan lajirka kuwuu u niemeeyey Eebe, oo nabiyada, Rumeeyayaasha, Shuhadada iyo kuwa Suubban waxaana u fiican rafiiq kuwaas.
آية رقم 70
Arrintaasuna waa Fadliga Eebe waxaana ku Filan Eebe Ogaansho.
آية رقم 71
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Qaata Digtoonidiinna Duulana idinkoo Koox Koox ah, ama Duula Dhamaan.
آية رقم 72
Waxaa idinka mid ah (Munaafiqiin) Cabsin (Dib marin) hadday idinku dhaedo Musiibp (dhibaato) wuxuu dhahaa waxaa ii Niemeeyey Eebe korkayga haddaanan la joogin.
آية رقم 73
Hadduu idin soo gaadho (Heshaan) Fadli Eebe (Khayr) wuxuu dhihi sidii isagoo ayna ahayn dhexdiinna Jeceyl Shallaaytee maxaan ula Joogi waayay, oon Liibaano Liibaan wayne.
آية رقم 74
Ha kula Dagaallameen Jidka Eebe kuwa ku Gatay Nolasha Dhaw Aakhiro (doorta Adduun) Ruuxii ku dagaalama Jidka Eebe oo la Dilo ama Adkaada waxaan Siinaynaa Ajir wayn.
آية رقم 75
Maxaad leedihiin ood ugu Dagaalami waydeen Jidka Eebe, iyagoo kuwa la Daeiifsan (Tabarta yaraa) oo rag iyo Haween iyo Caruurba ay leeyihiin Eebow naga Bixi Magaaladan Daalimiinta ah Ehelkeedu noogana yeel agtaada Wali iyo gargaare.
آية رقم 76
kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay ku Dagaallami Jidka Eebe, kuwa Gaaloobayna waxay ku Dagaallami Jidka Shaydaanka, ee la dagaallama Sokeeyaha Shaydaanku dhagarta Shaydaanku waa tabar yaryahaye.
آية رقم 77
Ka warran kuwa loo yidhi Reeba Gaemihiinna (Billoowgii Islaamka) Oogana Salaadda, Bixiyana Zakada markii lagu Faral yeelay Dagaalkana waxaa soo baxay Koox ka mid ah oo uga Cabsan Dadka Cabsida Eebe oo kale ama ka daran Cabsi, waxayna dhaheen Eebow maxaad noogu Faral yeeshay Dagaalka, maxaad Dib Noogu dhigi wayday Tan iyo Muddo dhaw, waxaad dhahdaa Raaxada Adduunyo waa yartahay, Aakhiraana u khayroon Ciddii Dhawrsan Laydinkama dulmiyo Fatiil oo kale (wax yar).
آية رقم 78
Meejaad ahaataanba wuu idin haleeli Mawdku (Geeridu) aad ahaateenba Daaro Dheerdheer oo la adkeeyey, hadday taabato wanaag waxay dhahaan tani waxay ka timid Xaga Eebe, hadday ku dhaedo Xumaanna waxay dhahaan tani waxay ka timid Agtaada (Nabiga) waxaad dhahdaa Dhammaan waxay ka ahaadeen Eebe Agtiisa, maxaa u sugnaaday Qoomkaas uma dhawa inay Fahmaan Hadale.
آية رقم 79
Wixii ku soo gaadha oo Wanaaga waxay ka ahaadeen ebe, wixii kugu dhaea oo Xumaan ahna waxay ka ahaatay Naftaada, waana kuu Diray Dadka adoo Rasuul ah, wuuna ku Filanyahay Eebe Marag.
آية رقم 80
Ruuxii adeeca Rasuulka wuxuu Dhab u Adeecay Eebe, Ruuxii Jeedsadana kuugu maanaan dirin Haaliye.
آية رقم 81
Waxay dhihi (Munaafiqiintu) Daaead (baan nahay) markay ka tagaan Agtaadana waxay maamulaan (Habeenkii) Koox ka mid ah waxay leedahay waxaan ahayn, Eebana wuu Qori waxay Maamuli (miri) ee Ka jeed so Xaggooda talana saaro Eebe, waxaana ku filan Wakiil Eebe.
آية رقم 82
Miyeyna Fiirfiirinayn Quraanka, hadduu ka yimid Eebe Agtiisa Meelaan ahayn waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan.
آية رقم 83
markuu u yimaaddo amar Nabadgalta ah ama Cabdi way Faafiyaan hadday u Celiyaan Xagga Rasuulka ama kuwa cilmiga Leh oo ka mid ah waxaa ogaan lahaa kuwa la soo baxa (Dhabta) oo ka mid ah, hadduusan jirin Fadliga Eebee korkiinna iyo Naxariistiisa waad raaci lahaydeen Shaydaan wax yart mooyee.
آية رقم 84
Ee ku Dagaallan Jidka Eebe lama mashaqayn Naftaada mooyee, kuna boorri Mu'miniinta (Dagaalka) wuxuu u dhawyahay Eebe inuu idinka reebo dhibka kuwa Gaaloobay, Eebaana daran dhib daranna Xanuujin.
آية رقم 85
Ruuxii Shafeeca shafeeco Wanaagsan waxaa u ahaada Qayb ka mid ah, Ruuxiise Shaafeeca Shafeeco Xun waxaa u ahaan Dambi ka mid ah, Eebaana wax kasta Maaliya.
آية رقم 86
Haddii laydin Salaamo Salaan ku Salaama mid ka Fiican ama ku celiya (mid la mid ah) Eebana waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye).
آية رقم 87
Eebe ILaah (kale) ma jiro isaga mooyee wuuna idin soo kulmin Maalinta Qiyaame. shaki ma leh, yaa ka run badan Eebe Hadal (ma jiro).
آية رقم 88
Maxaad leedihiin (Mu'miniinta) ood Munaafiqiinta laba Kooxood ugu Noqoteen (in la laayo iyo in kale) Eebe wuu Halaagay (oo celiyey) waxay kasbadeen dartiis, ma waxaad doonaysaan inaad Hanuunisaan Cidduu dhumiyey Eebe, Ruuxuu dhumiyo Eebana uma heshid Waddo (Hanuun).
آية رقم 89
Waxay jecelyihiin (Munaafiqiintu) inaad Gaaloowdaan siday u Gaaloobeen ood isku mid noqotaan, ha ka yeelanina Xaggooda Sokeeye intay uga hijroodaan Jidka Eebe, haddayse Jeedsadaan qabta oo ku dila Meejaad ka heshaanba, hana ka yeelanina Xaggooda Sokeeye iyo Gargaare (Midna).
آية رقم 90
Kuwa Gaadhi qoom dhexdiinna iyo dhexdooda ballan (heshiis) yahay mooyee, ama idiin yimid yadow Cidhiidhyantahay Laabtoodu inay idinla Dagaallamaan ama la dagaallamaan Qoomkooda, hadduu doono Eebe wuu idinku diri lahaa wayna idin la dagaallami lahaayeen haddayse idinka dheeraadaan oyan idin la Dagaallamin oy idiin soo hormariyaan Nabadgalyo idiin ma yeelin Eebe korkooda Jid (Xaq kuma lihidiin Dagaal).
آية رقم 91
Waxaad helaysaan kuwa kale oo dooni inay idin nabadgaliyaan, oo nabadgaliyaan Qoomkooda (daahirka) markastoo loo celiyo Gaalnimana waa lagu dedijiyaa dhexdiisa, haddayna idinka dheeraan ooyan idin siinin Nabadgalyo ooyan idinka reebin Gaemahooda qabta oo ku Dila meejaad ka heshaanba, kuwaasna waxaan idiinka yeellay Xujo Cad.
uma habboona (banaana) Ruux Mu'min ah muu Dilo Mu'min si gaf'ah mooyee, Ruuxii u Dila Mu'min Gaf waxaa saaran Xorayn qoor Mu'min, iyo Mag la siiyo Ehelmiisii, inay Sadaqaystaan moyee, hadduu ka midyahay Qoom aad Coltihiin isna Mu'min yahay waxaa Saaran Xorayn Qoor Mu'min, hadduu ka midyahay Qoom ballan, idin dhexyaal waxaa saaran Mag la siiyo Ehelkiisii iyo Xorayn Qoor Mu'min ah, hadduusan helin (Qoorna) wuxuu Soomi Laba Bilood oo Israac raacsan, waana Toobad Eebe, Eebana waa Oge Falsau.
آية رقم 93
Ruuxii u Dila Mu'min si Kas ah, Abaalkiisu waa Jahannamo oos ku Waari dhexdeeda, wuuna u Cadhoon Eebe wuuna Laenadi wuxuu u darbi Cadaab wayn.
آية رقم 94
Kuwa xada Rumeeyow markaad u Safartaan Jidka Eebe wax caddaysta (Hubsada) hana dhihina Ruux Salaan idiin soo gudbiyey ma tihid Mu'min idinkoo dooni Dhalateedka Nolosha dhaq. Eebe agtiisa yey tahay qaniimooyin Badan, saasaad ahaydeen horay waxaana idinku Mannaystay Eebe korkiinna, ee caddaysta (Hubsada), Eebana waxaad Camal falaysaan waa Ogyahay.
آية رقم 95
Ma Sinna kuwa Fadhiya ee Mu;miniinta ah oon kuwa dhibban ahayn iyo kuwa kula Jahaadi Jidka Eebe Xoolahooda iyo Naftooda, wuu ka Fadilay Eebe kuwa ku Jahaaday Xoolahooda iyo Naftooda kuwa fadhiya Darajo, dhammaanna wuxuu u Yaboohay Wanaag, wuuna kaga fadilay Eebe kuwa Jahaaday kuwa Fadhiya Ajir wayn.
آية رقم 96
Waa Darajooyin Xaggiisa ah iyo Dambidhaaf iyo Naxariis, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista.
آية رقم 97
Kuway Oofsato Malaa'igtu iyagoo Dulmiyey Naftooda waxay ku Dhahaan maxaad ahaydeen waxayna dhahaan kuwo lagu Daeiifsadat (tabar yar) Dhulka, waxayna dhahaan (Malaa'igtii) miyeyna ahayn Dhulka Eebe Wasaac ood ku Hijrootaan dhexdeeda, kuwaas Hooygoodu waa Jahannamo wayna u Xuntahay Aaye.
آية رقم 98
Kuwa la Daeiifsado oo Rag, Haween iyo Caruur oon tabar lahayn kuna Toosi karin Jidka mooyee.
آية رقم 99
Kuwaas wuxuu u dhawyahay Eebe inuu iska Cafiyo Xaggooda, Eebana waa Saamaxe Dhaafa (Dambiga).
آية رقم 100
Ruuxii ku Hijrooda Jidka Eebe wuxuu ka heli Dhulka Magangal badan iyo Waasacnimo, Ruuxii ka Baxa Gurigiisa isagoo u Hijroon Xagga Eebe iyo Rasuulkiisa markaas uu sugnaaday Ajrigiisu Eebe (Fadhi dartiis) Eebana waa (Dambi) Dhaafe Naxariista.
آية رقم 101
Haddaad ku Safartaan Dhulka ma aha korkinna Dhib (Dambi) inaad Gaabisaan Salaadda Haddad ka Cabsataan inay idin Fidmeeyan (Dhibaan) kuwa Gaaloobay, Gaaladuna waxay idiin yihiin Col Cad.
Markaad tahay dhexdooda Muslmiinta ood u oogto Salaadda ha istaagto Koox ka mid ah Agtaada hana Qaateen Hubkooda, markay Sujuudaan ha ahaadeen Gadaashiinna, hana Tukadeen la jirkaaga hana Qaateen Digtooniddoda iyo Hubkooda, waxay Jecelyihiin kuwa Gaaloobay inaad halmaantaan Hubkiinna iyo Alaabtiinna oo markaas ay idin soo Weeraraan mar kaliya (Idunku kadiyaan) Korkiinna ma aha Dhib hadduu idin hayo dhib Roob ah ama aad tihiin kuwa buka inaad dajisaan Hubka Qaatana Digtoonidiinna. Eebana wuxuu u darbay Gaalada Cadaab wax Dulleeya.
آية رقم 103
Markaad Gudataan Salaadda Xusa Eebe Taagni. Fadhi iyo Dhinieiinaba (Jiif) markaad xasishaanna (Aamin noqotaan) Ooga Salaadda (Dhameeya) Salaaddu waxay ku tahay Mu'miniinta Xukun Waqtiyeysan (Mudaysan).
آية رقم 104
Haka Daeiifina (Jileina) Doonidda Qoomka (Gaalada) haddaad tihiin kuwa Xanuunsan iyaguba way xanuunsan sidaad u xanuunsanaysaan, waxaadna ka rajaynasaan, waxaadna ka rajaynasaan Eebe waxayna ka rajaynayn, Eebana waa Oge falsan.
آية رقم 105
Anagaa kugu soo Dajinay Kitaabka si Xaq inaad ku kala Xukunto Dadka dhexdiisa wuxuu ku tusiyo Eebe, hana u noqonin Khaa'in u doode.
آية رقم 106
Dhambi dhaaf warso Eebe, Ilaahay waa Dambi Dhaafe Naxariista.
آية رقم 107
Ha ka Doodin kuwa Khayaamayn Naftoodda, Eebana ma Jeela Khayaamo badane Dambi badan.
آية رقم 108
Waxay iska darin Dadka iskamana Qariyaan Eebe isagoo la jooga markay Maamuli wuxuusan raalli ka ahayn oo hadal ah. Eebana waxay Camal fali wuu Koobay.
آية رقم 109
Idinku kuwaasow waad ka doodeen Xaggooda Nolosha Adduunyo, yaase ka doodi Xaggooda Maalinta Qiyaame ama u noqon Wakiil.
آية رقم 110
Ruuxii fala Xumaan ama Dulmiya Naftiisa (Dambaaba) markaas dambi dhaaf warsada Eebe wuxuu ka heli (ogaana) isagoo Dambi dhaafa ah Naxariistana.
آية رقم 111
Ruuxii kasbada danbi wuxuu uun u kasbaday Naftiisa (Dhibkeeda) Eebana waa oge Falsan.
آية رقم 112
Ruuxii kasbada Gaf ama Dambi markaas ku gana Dambiga (ku sheega) mid barii ah wuxuu Xambaartay Been abuurasho iyo Dambi Cad.
آية رقم 113
Hadduusan jirin fadliga Eebee korkaaga iyo Naxariistiisa waxay Hammin lahayd Koox (dooni lahayd) oo ma kid ah inay ku dhumiyaan mana dhumiyaan Naftooda mooyee mana kaa dhibaan waxba, wuxuuna kugu soo dajiyey Eebe Kitaabka iyo Xigmadda wuxuuna ku baray waxaadan aqoon Fadliga Eebana korkaaga waa ku waynyahay.
آية رقم 114
Khayr ma leh wax badan oo Faqooda ah, oon ahayn mid fara Sadaqo ama Wanaag ama Hagaajin Dadka dhexdooda, Ruuxii fala Saas doonid raali ahaanshaha Eebe waxaanu siin Ajir wayn.
آية رقم 115
Ruuxii Khilaafa Rassulka ka dib intuu u cadaaday Hanuunku oo Raaca Jidka Mu'miniinta midaan ahayn waxaa uga wali yeeleynaa wuxuu yeeshay waxaana galinaynaa Jahannamo iyadaana u Xun meel loo ahaado.
آية رقم 116
Eebe ma dhaafo in lala Wadaajiyo (Cidkale Cibaadada) wuuse ka dhaafa wixii waxaas ka soo hadhay Cidduu doono. Ruuxii la wadaajiya Eebe wuxuu dhumay dhumid wayn.
آية رقم 117
ma Caabudayaan Eebe ka sokow waxaan dhadig ahayn, mana Caabudayaan waxaan Shaydaan madax adag ahayn.
آية رقم 118
Ha Laenado Eebe shaydaan wuxuu yidhi waxaan ku yeelan Addomada Qayb Sugan.
آية رقم 119
Waan baadiyeyn waan yididiilo (Xun) galin waana fari (Xumaanta) waxayna jeex jeexi Dhagaha Xoolaha waana fari (Xumaanta) waxayna doorin abuurka Eebe ruuxii ka yeesha shaydaan Wali Eebe ka sokow dhab ahaan buu u Khasaaray Khasaare Cad.
آية رقم 120
wuu u yaboohi oo yididiila galin mana yabooho shaydaan waxaan dhagar ahayn.
آية رقم 121
kuwaasna hooygoodu waa Jahannamo kamana helaan xaggeeda iilasho (iyo fakasho).
آية رقم 122
kuwa rumeeyey xaqa oo fala camal fiican waxaannu galin Janooyin oy socoto dhexdeeda Wabiyaal oyna ku waari dhexdeeda waligeed. waana yabooha Eebe oo sugan. yaa ka run badan Eebe hadal (cidna).
آية رقم 123
Ma aha (xaalku) yididiiladiinna iyo yididiilada ehelu Kitaabka midna, ciddii fasha xumaan waa laga Abaal marin mana helayo Eebe ka sokow wali iyo gargaare (midna).
آية رقم 124
ruuxii fala wanaag lab ah ama dhadig isagoo rumeysan (xaqa) kuwaasu waxay gali Janada lagamana dulmiyo duleel (laftimireed).
آية رقم 125
yaa ka diin fiican ruux u jeediyey wajigiisa Eebe isagoo sama fali oo raaca diinta (Nabi) Ibraahim, wuxuuna ka yeeshay Eebe Ibraahiim khaliil (mid u gaar ah).
آية رقم 126
Eebe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka. Eebana waa wax walba koobe.
آية رقم 127
waxay ku warsan Haweenka, waxaad dhahdaa Eebaa idiin fidyoon (sheegi) Xaalkooda iyo waxa lagu akhiriyi korkiinna Kitaabka Haweenka Agoonta ah ee ah kuwaydaan siinayn waxa loo qadaray oo doonaysaan inaad guursataan iyo kuwa tabarta yar ee caruurta ah, iyo inaad u maamushaan Agoonta cadaalad, waxaad fashan oo kheeyr ahna Eebe waa ogyahay.
آية رقم 128
hadday Haweeney ka cabsato Ninkeeda xaggiisa fogaansho ama jeedsasho dhib ma saara korkooda hadday heshiiyaan heshiis, heshiiskaana khayr ah, waxaana lagu soo kulmiyey nafta bakhaylnimo, haddaad so Wanaag fashaan ood dhawrsataan Eebe waxaad Camal falaysaan waa ogyahay.
آية رقم 129
ma kartaan inaad sintaan Haweejkiinna dhexdooda aadba dadaasheene ee ha ka iilanina iilasho dhan, oo ka tagtaan sida mid xidhan (dayacan). haddaad wanaajisaan ood dhawrsataan Eebe waa dambi dhaafe Naxariista.
آية رقم 130
hadday kala tagaan wuu kaafiyaa Eebe mid kasta waasacnimadiisa, Eebana waa waasac (Fadligiisu) waana falsame.
آية رقم 131
Eebaa iska leh waxa Samaawaadka ku sugan iyo dhulka. waxaana u dardaarnay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horeeyey iyo idinkaba ka dhawrsada Eebe, haddaadse gaaloowdaan Eebe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan Samaawaadka iyo dhulka. Eebana waa hodan Amaanan.
آية رقم 132
Eebaa iska leh waxa ku sugana Samaawaadka iyo Dhulka waana ku filanyahay Eebe Wakiil.
آية رقم 133
hadduu doono wuu idin tagsiin (dhamayn) Dadow lana imaan kuwo kale waana karaa Eebe Taas.
آية رقم 134
Ruuxii dooni abaal Adduunyo Eebe agtiisa yuu jiraa Abaalka Adduunyo iyo Aakhiraba Eebana waa Maqle Arka.
آية رقم 135
kuwa (Xaqa) rumeeyow noqda kuwo u istaaaga Caddaalad oo ah marag Eebe, naftiinnaba ha ahaato ama Waalidkiin ama qaraabo, hadday hodan yihiin ama faqiir Eebaa u mudnaansho badan ee ha ka raacina hawada inaad Caddaalo fashaan, haddaadse iilataan ama jeedsataan Eebe waxaad camal falaysaan waa ogyahay.
آية رقم 136
kuwa (Xaqa) rumeeyow rumeeya Eebe (si dhabah) iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka uu ku dejiyey Rasuulkiisa iyo Kitaabkuu u dejiyey horay, ruuxiise ka gaalooba Eebe, malaa'igtiisa, kutubtiisa, rasuuladiisa iyo maalinta dambe (Qiyaamada) wuu dhumay dhumid fog.
آية رقم 137
kuwa rumeeyey ee gaaloobay ee hadana rumeeyey ee gaaloobay markaas sii badsaday Gaalnimo ma aha Eebe mid u dhaafi iyaga, kumana hanuuniyo Jidka (Toosan).
آية رقم 138
ﮮﮯﮰﮱﯓﯔ
ﯕ
ugu bishaaree munaafiqiinta inay mudan Cadaab daran.
آية رقم 139
waana kuwa ka yeesha Gaalada sokeeye Mu'miniinta ka sokow, ma waxay ka dooni Agtooda sharaf, sharafna Eebaa iska leh dhammaanteed.
آية رقم 140
wuxuuna idiin ku soo dejiyey korkiinna Kitaabka dhexdiisa haddaad maqashaan Aayaadka Eebe oo laga gaaloobi ama lagu jees jeesi ha fadhiisanina agtooda intay ka dhumbadaan hadal kale, waxaad noqonaysaan iyaga oo kale, Eebana wuxuu ku kulmin Munaafiqiinta iyo Gaalada Jahannamo dhammaan.
آية رقم 141
oo ah kuwa udun la suga (dhibaato) hadduu gargaar xagga Eebe idiinka ahaado waxay dhihi miyaanaan idinla jirin, hadduu gaalada u sugnaado nassibna waxay dhahaan miyaanaan idin adkeynin oonaan idinka reeebin Mu'miniinta, Eebaa xukumi dhexdooda maalinta Qiyaame, mana ugu yeelayo Eebe gaalada mu'miniinta korkooda waddo.
آية رقم 142
munaafiqiintu waxay dhagri Eebe (isku dayi) isna wuu dhagri (oo abaal Marin) markay u istaagaan Salaaddana way istaagaan iyagoo wahsan, oo is tusi Dadka Mana xusaan Eebe wax yar mooyee.
آية رقم 143
waxayna ku noqnoqon (wareeri) arrintaas dhexdeeda kuwaasina lama jiraan kuwaana lama jiraan, cidduu dhumiyey Eebe uma heshid Waddo (eid hanuunin).
آية رقم 144
kuwa (Xaqa) rummeyow ha ka yeelanina Gaalada sokeeye Mu'miniinta ka sokow, Ma waxaad doonaysaan inaad isugu yeeshaan Eebe korkiinna xujo cad (inuu idin ciqaabo).
آية رقم 145
munaafiqiintu waxay ku sugnaan dabaqa hoose ee Naarta umanaheshid gargaare.
آية رقم 146
kuwa toobadkeena ee wanaajiya camalka, oo isku dhawra Eebe, oo u kali yeela Diintooda (Cibaadadooda) Eebe kuwaasi waxay la jiri mu'miniinta, wuuna siin doonaa Eebe Mu'miniinta Ajir wayn.
آية رقم 147
muxuu ku fali Eebe cadaabkiinna haddaad mahdisaan ood rumeysaan, Eebana waa mahdiye Waana oge.
آية رقم 148
Ma Jeela Eebe in lala Qayliyo Xumaan oo Madal ah Ruux la Dulmiyey Mooyee Eebana waa Maqle og.
آية رقم 149
Haddaad Muujisaan Khayr ama Qarisaan ama Cafidaan Xumaan Eebana waa Dhaafe kara.
آية رقم 150
Kuwa ka Gaalooba Eebe iyo Rassulkiisa oo dooni inay kala (Bixiyaan) Eebe iyo Rasuulkiisa oo odhan waxaannu Rumayn Qaar waana Diidi Qaar oo dooni inay ka yeeshaan Arrintaa dhexdeeda Waddo.
آية رقم 151
Kuwaasi iyaga umbaa Gaalo dhab ah, waxaana u darbannay Gaalada Cadaab wax Dulleeya.
آية رقم 152
Kuwa rumeeyey Eebe iyo Rassulkiisa oon kala bixinin Cid ka mid ah kuwaas wuu Siindoonaa (Eebe) Ajirkooda, Eebana waa Dhaafe Naxariista.
آية رقم 153
Waxay ku warsan Ehelu Kitaabku Inaad kaga soo Dejiso Kitaab Xagga Samada, Dhabahaan yey u warsadeen (Nabi) Muuse wax ka wayn kaas waxayna dheheen noo tusi Eebe si Cad waxaana qabatay qaylo (daran) Dulmigooda dartiis, waxayna yeesheen Dibi intay u Timid Xujooyin, waana ka Cafinay Arrintaas, waxaana siinay Nabi muuse Xujo Cad.
آية رقم 154
Waxaan koryeellay (Buurta) Dhuur Ballankoodii dartiis waxaana ku nidhi ka gala Irridda idinkoo Sujuudsan, waxaana ku nidhi ha ku xadgudhina Sabtida waxaana ka qaadnay Ballan adag.
آية رقم 155
(Waan Lacnadnay) Burintooda Ballankooda iyo ka Gaalowgooda Aayaadka Eebe iyo u Dilidda Nabiyada Xaqdarro iyo Hadalkooda Quluubtanadu way daboolantahay, saas ma aha ee waxaa Daabacay (daboolay) Eebe Gaalnimadooda darteed mana rumeeyaan wax yar mooyee.
آية رقم 156
ﭩﭪﭫﭬﭭﭮ
ﭯ
iyo Gaalnimadooda darteed iyo Hadalkooda Maryama oy ku Been abuurteen si wayn.
آية رقم 157
iyo Hadalkoodii ahaa anagaa Dillay Masiix Ciise Ibnu Maryam Rasuulkii Eebe ahaa mayna Dilin mana Wadhin laakiin waa loo Shabahay, (ekeysiiyey), kuwii isku Khilaafay Ciise waxay kaga suganyihiin Shaki, wax Cilmi ahna uma leh oon ahayn Raacid Male umana dilin dhab.
آية رقم 158
Saas ma aha ee waxaa u koryeelay Xaggiisa Eebe, ilaahayna waa Adkaade Falsan.
آية رقم 159
Ehelu Kitaab kasta wuu rumeyn Ciise Geeridiisa ka hor, Maalinta Qiyaamana wuxuu ku noqon korkooda Markhaati.
آية رقم 160
Dulmi kuwii Yuhuudoobay dartiis yaan uga Reebnay korkooda Wanaaga loo xalaaleeyey iyo ka Celintooda Jidka Eebe wax badan.
آية رقم 161
Iyo Qaadashadooda Ribada iyagoo laga Reebay Xaggeeda iyo ku Cunidda Xoolaha Dadka si Baadil ah, waxaana u darbanay Gaalada ka mid ah Cadaab Daran.
آية رقم 162
Laakiin kuwa ku xeeldheer Cilmiga oo ka mid ah iyo Mu'miniintu waxay rumeyn waxa lagugu Dejiyay, iyo wixii la Dejiyey hortaa, iyo kuwa Oogo Salaadda ee Bixiya Zakada ee rumeeya Eebe iyo Maalintii Dambe kuwaas waxaan siinaynaa Ajir wayn.
آية رقم 163
Annagaa kuu waxyoonnay sidaan ugu waxyoonay (Nabi) Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyey waxaana u waxyoonay Nabi Ibrahim, Ismaaeiil, Isxaaq, Yacquub (Awlaad) Faracii, Ciise, Ayuub, Yuunus, Haaruun, Sulaymaan, waxaana siinay Daawuudna Zabuur.
آية رقم 164
iyo Rasuullo aan kaaga Qisoonay horay iyo Rasuullo aanaan kaaga qisoon, wuuna la Hadlay Eebe Nabi Muuse Hadal.
آية رقم 165
Waa Rasuullo Bishaarayn oo Digi si ayan Dadka Xujo ugu yeelan Eebe ka dib Rasuullada, Eebana waa Adkaade Falsan.
آية رقم 166
Laakiin Eebaa Marag Furi wuxuu kugu Dejiyey wuxuuna ku Dejiyey Cilmigiisa, Malaa'igtuna way Marag furi, Eebana ku Filan Marag.
آية رقم 167
Kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe waay Dhumeen Dhumid Fog.
آية رقم 168
kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe kii u kii u Dambi dhaafa ama ku Hanuuniya Jid.
آية رقم 169
Jidka Jahannamo mooyee iyagoo ku waari Waligood. Arrintaasna waa u Fududahay Eebe.
آية رقم 170
Dadow wuxuu idiinla Yimid Rasuulku Xaq Xagga Eebe ee Rumeeya (Xaqa) saasaa idiin khayr roon, haddaad Gaalowdaanna Eebe waxaa u Sugnaaday waxa ku sugan Samaawaadka iyo Dhulka Eebana waa oge falsan.
Ehelu Kitaabkoow ha ku Xadgudbina Diintiinna hana ku Dhihina Eebe waxaan Xaq ahayn, Masiix Ciise Ibnu Maryam waa uun Rasuulkii Eebe iyo Kalimadiisii uu ku Tuuray Maryama iyo Ruux Xaggiisa ah ee rumeeya Eebe iyo Rasuulasiisa, hana dhihina Saddex (ILaah) reebtooma, saasaa idiin Khayr Roon, Eebe waa uun ILaah Kaliya, waa ka Nasahanyahay in ILmo u sugnaado, waxaa u sugnaaday waxa Samaawaadka iyo DHulka ku sugan, Eebaana ku filan Wakiil.
آية رقم 172
Iskama kibriyo Masiix inuu ahaado Addoon Eebe, Malaa'igta la dhaweeyeyna (iskama kibriso) ruuxii iska kibriya Cibaadadiisa oo iswayneeya wuu u soo kulmin Xaggiisa Dhammaan.
آية رقم 173
Kuwa rumeeyey Xaqa oo Camal fiican fala wuxuu u Oofin Ajrigooda wuxuuna u kordhin Fadligiisa, kuwa iska wayneeya oo iskibriya wuxuu Cadaabi Cadaab Daran mana helayaan Eebe ka sokow Wali iyo Gargaare (midna).
آية رقم 174
Dadow waxaa idiin yimid Xujo Xagga Eebe ah waxaanan idiin soo Dejinay Nuur Cad.
آية رقم 175
Kuwa rumeeyase Eebe oo Qabsaday (isku dhawray) Eebe (iyo Quraanka) wuxuu Galin Naxariis xagiisa ah iyo Fadli wuxuuna ka Hanuunin Xaggiisa Jid Toosan.
Waxbay ku warsan, waxaad dhahdaa Eebaa idiin Fidyoon Kalaalada, hadduu dhinto Ruux aan ILmo lahayn oo leh Walaashiis waxay Mudan Nus wuxuu ka tagay isaguna wuu Dhaxli hadduusan ILmo u sugnaanin, hadday Labo yihiina waxay Mudan Labo Dalool wuxuu ka tagay, hadday yihiin Walaal Rag iyo Haween ah kan Lab waxaa u sugnaaday Labo Dhadig Qaybtood, wuxuu idiin caddayn Eebe (Xaqa) inaydaan Dhumin Eebana wax kasta waa Ogyahay.
تقدم القراءة