ترجمة سورة المعارج

الترجمة الصومالية
ترجمة معاني سورة المعارج باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية .
من تأليف: الشيخ محمد أحمد عبدي .

Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo). (1)
Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro. (2)
Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba. (3)
Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano. (4)
Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan. (5)
Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay. (6)
Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawdahay. (7)
Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale. (8)
Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale. (9)
Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin. (10)
Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeclaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa. (11)
Haweenaydiisa, Walaalkiis. (12)
iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey. (13)
iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo. (14)
Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli). (15)
Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka). (16)
Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday. (17)
Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin). (18)
Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan. (19)
Haddii dhib taabto wuu argagaxaa. (20)
Hadduu khayr helana wuu reebaa. (21)
Marka laga reebo Muslimiinta tukata. (22)
Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima. (23)
Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya. (24)
Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan. (25)
Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta). (26)
Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood. (27)
Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro. (28)
Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino. (29)
Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo. (30)
Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay. (31)
Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya. (32)
Kuwa maraggooda si fiican u furay. (33)
Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra). (34)
Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo. (35)
Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin). (36)
Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga. (37)
Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah In la geliyo Jannatu Naciima. (38)
Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin. (39)
Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa. (40)
Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan. (41)
Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey. (42)
Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda). (43)
Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda). (44)
Icon