ترجمة معاني سورة الرحمن باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation

آية رقم 1


(Eebaha) Raxmaan ah.
آية رقم 2

Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka.
آية رقم 4

Wuxuuna baray dadka (Hadalka).
آية رقم 5

Qorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab.
آية رقم 6

Xiddigga iyo Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis).
آية رقم 10

Dhulkana Eebe wuxuu u dajiyay khalqiga.
آية رقم 12

Xubuubna (midho) ball leh iyo udgoona wuu abuuray.
آية رقم 13

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow).
آية رقم 17

Ilaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac.
آية رقم 19

Eebe waan kan Labada Badood dariseeyey iyagoo kulmi.
آية رقم 20

Dhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan.
آية رقم 22

Waxaa lagala baxaa Baddaas Lu'Lu'iyo Murjaan (Jawhar).
آية رقم 35

Eebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan.
آية رقم 37

Markay Samadu dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin).
آية رقم 41

Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana lagu tuuri).
آية رقم 48

Jannooyinkaas oo midabyo leh (iyo Laamo).

Jannooyinka iyo Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay Insi iyo Jinni midna.
آية رقم 58

Waxaad moodaa Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh).
آية رقم 62

Waxay heli Labadaas Janno ka sokow kuwa kale.
آية رقم 64

Waana Laba Jannoo madow (cagaaran).
آية رقم 66

Waxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan.
آية رقم 68

Dhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan.
آية رقم 70

Dhexdooda waxaa ah Haween khayr leh oo Quruxsan.
تقدم القراءة