ترجمة سورة النبأ

الترجمة الصومالية
ترجمة معاني سورة النبأ باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية .
من تأليف: الشيخ محمد أحمد عبدي .

Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu). (1)
Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka). (2)
Ay isku diiddanaayeen. (3)
Saas ma aha ee way ogaan donaan. (4)
Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca). (5)
Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin. (6)
Buurahana Rukummo (ka yeelin). (7)
Miyannaan idinka Abuurina Noocyo. (8)
Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin. (9)
Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin. (10)
Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin. (11)
Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh. (12)
Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda). (13)
Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan. (14)
Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq. (15)
Iyo Beero kulansan (badan). (16)
Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an. (17)
Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo. (18)
Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo. (19)
Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed. (20)
Naarta Jahannamana waxay u darbantahay. (21)
(Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan. (22)
Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin. (23)
Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna. (24)
Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka). (25)
Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii. (26)
Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab. (27)
Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga. (28)
Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab. (29)
Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee. (30)
Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan. (31)
Beero iyo Cinabyana way heli. (32)
Waxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg. (33)
Waxayna heli Cabbid wanaagsan. (34)
Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna. (35)
Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan. (36)
Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada). (37)
Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla. (38)
Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto. (39)
Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo. (40)
Icon