ترجمة سورة المدّثر

الترجمة الصومالية
ترجمة معاني سورة المدّثر باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية .
من تأليف: الشيخ محمد أحمد عبدي .

(Nabiga) Isadadayow. (1)
Istaag oo dig. (2)
Eebahaana waynee. (3)
Dharkaagana daahiri. (4)
Xumuuntana ka hijroo (iyo Sanamyada). (5)
Hana ku mannaysan Adoo Badsan (waxaad Bixisay). (6)
Eebahaa Dartiisna u Samir. (7)
Marka Suurka (yiaame) la Afuufo. (8)
Maalintaasu waa maalin ku Daran. (9)
Gaalada oon u Fududayn. (10)
Isukaanna daa Aniga iyo kaan Abuuray isaga oo kaligiisa. (11)
Una yeelay Xoolo Badan. (12)
Iyo Wilaal Jooga oo «Darban». (13)
Aan una waasiciyay Risqiga. (14)
Oo haddana sii damci inaan u Badiyo. (15)
Saas ma aha, ee kaas wuxuu diiday Aayaadkannaga. (16)
Waxaana ku kalligi (Ku Dhibi) Cadaab daran. (17)
Gaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna Goostay. (18)
Waxaana loo Lacnaday Siduu wax u goostay. (19)
Haddana waxaa loo Lacnaday siduu wax u goostay. (20)
Kadib wuxuu eegay (si uu Quraanka u wax yeeleeyo). (21)
Wuuna Waji Macbuusay oo Uruuriyay. (22)
Markaasuu jeedsaday oo is Kibriyay. (23)
Isagoo Dhihi quraankani ma aha waxaan sixir la soo Guuriyay ahayn. (24)
quraankani ma aha waxaan hadal Bashar ahayn. (25)
waxaannu galin kaas (Naarta) saqara. (26)
Ma taqaannaa Naarta Saqara. (27)
Hilib iyo laf midna ma Reebto. (28)
waxayna Doorisaa jidhka (oy Gubtaa). (29)
waxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban malag (ama saf). (30)
Ugama Aannaan yeelin naarta kuwa ka shaqeeya malaa'ig, tirana uma aannaan yeelin inay Gaaladu ku fidnoobaan Mooyeen, iyo inay yaqiin sadaan kuwa Kitaabka la siiyay, iyo inay kordhistaan kuwii xaqa Rumeeyay Iimaan, ayna shakiyiinna kuwii Kitaab- ka la siiyay iyo Mu'miniintu, iyo inay Dhahaan kuwa Qalbiga ka buka iyo Gaaladu Eebe muxuu uga Jeedaa Tusaalahan, saasaa Eebe u dhumiyaa Ruuxuu Doono, una Hanuuniyaa Ruuxuu Doono, wax og junuuda Eebe oon isaga Ahaynna ma jiro, waxaan la soo Sheegayna ma aha waano Dadka Mooyee. (31)
Waxaa sugan dayaxa ku Dhaartaye. (32)
Iyo Habeenku Markuu Jeedsado. (33)
Iyo Subaxu markuu iftiimo. (34)
Ee Naarta Saqara waa waxyaalaha waawayn Midkood (Balaayooyinka). (35)
Waana Digniinta Dadka. (36)
Ruuxii Doona inuu Hormaro, iyo Ruuxii Doona inuu dib dhaco, (waa Loodigay). (37)
Naf walba waxay u xidhantahay waxay Camal fashay. (38)
Hase yeeshee kuwa Midigta mari (Ehlu khayrka). (39)
Waxay gali Jannooyin, waxayna iswaydiin. (40)
Dambiilayaasha. (41)
Iyagoo ku dhihi Maxaa idin Galiyay Naarta saqara. (42)
Waxayna ugu Jawabi ka mid ma'aannaan ahayn kuwa Tukada. (43)
Mana aannaan ahayn kuwa Quudiya Miskiinka. (44)
Waxaana ahayn kuwa la dhumbada ( Muquurta ) kuwa xumaanta Dhumbaday (muquurtay). (45)
Waxaana ahayn kuwa beeniya Maalinta Abaalmarinta (Qiyaamada). (46)
Ilaa ay Dhabtu Nooga Timaado (Geeridu). (47)
Ma anfacayso kuwaas Shafeecada kuwa Shafeeca. (48)
Maxaase u sugnaaday oy waanada uga Jeedsadaan. (49)
ood u moodaa Dameero Diday. (50)
oo ka Cararay libaax. (51)
Haddana wuxuu dooni midkasta oo ka mida warqado Qoran (kitaab). (52)
Saas ma aha Ee kama yaabayaan Aakhiro. (53)
Waxaa sugan in Quraanku waana yahay. (54)
Ruuxii Doona yaana waantoobi. (55)
Mana Waantoobayaan in Eebe Doona Mooyee, Eebana wuxuu mutaa in laga Dhawrsado, wuxuuna Ehel u yahay inuu Dambi Dhaafo. (56)
Icon