ترجمة سورة القلم

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
ترجمة معاني سورة القلم باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation .


Eebe wuxuu ku dhaartay Qalinka iyo waxa Malaa'igtu qorayso (Camalka dadka).

Ee Nabiyow Nicmada Eebe darteed lama waallid.

Waxaana kuu sugnaaday Ajri aan go'ayn.

Waxaana kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn.

Waad arki doontaa nabiyow Gaaladuna way arki doonaan.

kinna waalan (ama la caddibo).

Eebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay Cidda hanuunsan.

Ee Nabiyow ha maqlin xaq beeniyayaasha (Warkooda).

Waxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan.

Ha maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan.

oo Xanlow ah, isku diraa ah.

Khayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah.

Xumaantana ku madax agad isku dhejisna ah (xumaanlow ah).

inuu Xoolo iyo Wiilal uu leeyahay darteed (yuu saas u falay).

Marka Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii.

wuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka.

Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan.

Iyagoon dhihin haddii Eebe idmo.

Waxaase Beertii xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda.

Waxayna noqotay wax la shafay oo kale.

wayna isu dhawaaqeen Subaxdii.

iyagoo leh kallaha oo beerta goosta.

wayna tageen iyagoo Codka hoos u dhigi.

inaan Beerta maanta Miskiin soo gelin.

Wayna kallaheen iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo).

Markay ay arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay.

haddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la ina hoojiyey.

Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana idin dhihin war Eebe weyneeya.

Markaasay dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay.

Markaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali.

Waxayna dheheen Magacaana ba'ye waan xad gudubnay.

Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka rajaynaynaa eh.

Caddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin.

Kuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada».

Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha.

Seed u dhihi kartaan saas.

Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan.

oo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan.

Mise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan.

Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas.

mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi.

Maalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud.

Indhaha Gaaladu Maalintaas waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray Sujuud iyagoo nabad qaba.

Isu kaana daa aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn.

Waana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog badan yahay.

Nabiyow ma waxaad weydiisatay Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey.

Mise waxa maqan yaa aktooda yaal ooy wax ka qori.

Ku samir Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo walbahaarsan.

Haddan naxariista Eebe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay.

Waxaase doortay Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan.

Waxay u dhow yihiin kuwi gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur'aanka waxayna dhihi waa waalan yahay (Nabigu).

Quraanka iyo Nabiguna waa uun waanada Caalamka.
Icon